Guulihii
Soomaalidu ku raaxeysteen oo ay ciidamadoodu soo hoyeen
dabayaaqadii bishii julay 1977-kii, waxay dhaliyeen
gacan sareyn iyo guulo taxan oo ciidamadii cadowga laga
yeeshay. Si is-dabajoog leh ayaa askartii Itoobiya looga
kiciyay fariisimo badan oo ay ku lahaayeen gobolka.
Degaankii Ogaadeenya wuxuu noqday meelo cadowgii laga
eryay iyo meelo lagu gujinayay. Qorshihii marxaladda
labaad ee weerarka, degmada Dhagax-buur ayaa waxay ahayd
meesha qura oo culeys lagala kulmay. Inkasta oo siyaasadda
caalamka laga dareemay culayska uu dagaalkaasi lahaa,
misana waxaa koobnaa wararka rasmiga ah ee laga helayay
goobaha dagaalka. Laakiin waxaa adduun-weynaha u muuqatay
in Soomaalidu ay kordhiyeen xiisadda dagaalka.
Weerarka
Dhagax-buur wuxuu la qorshe ahaa degmooyinkii War-dheer,
Qabri-dahare iyo Godey. Laakiin, laba toddobaad ayay
qabashada Dhagax-buur dib u dhacday. Sababtu waxay ahayd,
tirada, tayada iyo qaabka difaaca ay lahaayeen ciidamada
degmada fadhiyay oo ka cuslaa meelihii horey loo weeraray.
Degmooyinka
ay fadhiyeen ciidamada Itoobiya, sida ay u kala shisheeyeen
ayay u kala difaac adkaayeen. Itoobiyaanku waxay weligood
ogaayeen, welina og yihiin, in Soomaaliya ay tahay khatarta
istraateejiyada ah oo dalkoodu leeyahay. Culayska ay lahaayeen ciidamada fadhiyay Dhagax-buur,
waxaa weheliyay, Soomaalida
oo aanan xog dhab ah ka hayn xoogga halkaa ku sugan.
Xogta ay Soomaalidu ku
dagaal galeen, waxaa laga helay dad reer miyi ah oo
aanan qiimeyn karin cududda ciidamadu lahaayeen.
Soomaalidu
waxay degmada ku weerareen ciidan gaaraya laba guuto
oo ay kala hoggaaminayeen G/ S. Cabdiraxmaan Caarre iyo G/
S. Cali Ismaaciil. Waxaa dusha ka hagayay Jeneraal
Yuusuf Axmad Salxaan. Ciidamadaasi oo dhamaantood
ahaa qaybta 62-aad, ayaa waxaa weheliyay
urur taangiyo ah oo noocoodu yahay T-48 iyo urur madaafiic
ah oo iyaguna ah nooca 85. Taangiyada iyo madaafiicda
dhulka ka weerartamayay oo ahaa kuwo tayadooda liidato
ayaa kamid ahaa sababihii ay ugu dib-dhacday xoreynta
degmada.
Weerarkii ugu danbeeyay oo la doonayay in degmada
lagu qabto wuxuu dhacay habeenimadii ay taariikhdu ahayd
24/ 7- 1977-kii. Weerarkaas oo fashilmay waxaa habeenkaas
uu dhaawac xoog leh ka soo gaaray ciidamadii Daraawiishta
oo uu hoggaaminayay Gaashaanle Yaasiinn Nuur Gurxan. Ciidamadaasi waxay
kamid ahaayeen kooxo weeraray saldhiggii ugu weynaa
oo cadowgu uu ku lahaa degmada. Waxaa jirey silig xerada
ku weegaarnaa. Soomaalidu kama eeyan war hayn arintaas.
Weerar ismaqiiq ah oo habeenkaas la
qaaday ayaa ciidamada Soomaalida waxaa ka go'naa
in ay degmada gacanta ku dhigaan. Gudcurkii habeenka
iyo rasaastii cadowga ayaa wuxuu keenay in 28 kamid
ah Daraawiishtii ay ku dhintaan siligga dushiisii. Rag
intaa ka banad ayuu siliggaas dhaawacay. Weeraro xooggan
oo ay Soomaalidu qaadeen ayaamihii xigay ayaa dhamaantood
waxay noqdeen kuwo aanan wax natiijo ah laga gaarin.
Jeneraal Maxamad Cali Samantar oo isna arintaa tilmaamaya
wuxuu yiri :
" Degmooyinka ah War-dheer, Qabri-dahare
iyo Godey maalin baa la wada qabtay. Dhagax-buur laba
toddobaad ayay ka danbaysay. Dhowr sabab ayaa jirey
oo arintaas ay ku dhacday. Waxaa kamid ahaa difaaca
magaalada oo ka adkaa difaacyadii kale. Islamarkaa waxaa
joogay ciidan mitid ah. Nooca madaafiicda ay ciidamada
Soomaalidu wateen waa ay liiteen. Waxaa iyana meesha
aan ka marayn, qorshihii dagaalka oo Soomaalida
ka xumaaday ". (Wareysi
aanu la yeelanay Jeneraal Maxamad Cali Samantar. Virginia
– USA. 13/ 8- 2004).
Arintaa uu jananka Soomaaliyeed sheegay waxaa ku
waafaqay qoraal laga soo xigtay wasaaradda difaaca qaranka
ee Itoobiya. Qoraalkaasi waxaa ku xusan in Dhagax-buur
ay fadhiyeen ciidamada guutada 11-aad oo lagu xoojiyay
ciidamo maaleeshiya ah iyo kuwa Napalbal. Ciidankaas
ayaa waxay muujiyeen geesnimo, ciidamada Itoobiya eeyan
ka muujin goobihii kale oo Soomaalidu ay ku soo weerareen.
(The Ethiopia-Somalia
War of 1977 Revisited. The International Journal
of African Historical Study. Vol. 33.
No. 3 – 2000 - 645).
Waxaa
kale oo degmada yiilay hub eyan Soomaalidu horey u arag.
Waxaa ugu weynaa qoryaha ay u bixiyeen waaqle. Waa qoryo
saaran gawaari jiib ah, kuwaas oo lagula diriro taangiyada.
Waxaa intaa weheliyay oo degmada ku sugnaa ciidamo dheeri
ah oo tiradoodu ay ahayd hal guuto. Iyagu waxay fadhiyeen
meel magaalada dibaddeeda ah, taas oo Soomaalidu eyan
war ka hayn. Jeneraal Yuusuf Axmad Salxaan, oo isaguna
ka waramaya difaaca ciidankii cadowga ee Dhagax-buur
fadhiyay, wuxuu yiri :
" Dagaalkii Dhagax-buur waa uu ka adkaa dagaalladii
kale oo ay isku xilliga dhaceen. Ciidamada Itoobiya,
maadaama ay ahaayeen kuwo gobolka ku noolaa, iyagu waxay
degeen meelo istraateeji ah oo ay adag tahay in weerar
looga kiciyo. Ciidamada Soomaalida iyo hubkoodu waxay
ahaayeen kuwo kashifan oo aanan haysan meelo gabbaad
ah. Intaa waxaa weheliyay, waxaa jira ooraah oraneysa,
askariga difaaca ku jira wuxuu u dhigmaa saddex askari
oo weerar ah. Iyada oo ay taasi jidho ayaa magaalada
waxaa fadhiyay rag mitid ah ". (Wareysi
aanu la yeelanay Jeneraal Yuusuf Axmad Salxaan, Virginia
– USA. 4/ 6- 2004).
Gaashaanle Daahir Aadam
(Indha-qarsho) ayaa
isaguna sheegay culayska ay lahaayeen ciidamadii goobtaas
fadhiyay :
" Qalabka ay siteen ciidamada weeraray Dhagax-buur,
maahayn mid la tayo ahaa kii lagu weeraray Godey iyo
Qabri-dahare. Tusaale, madaafiicda ay ciidankan siteen
waxay ahaayeen nooca 85. Waa qoryo loogu tala galay
in taangiyada lagu dhaawaco. Madaafiicdan, maahan kuwo
ku wanaagsan dagaalka ciidanka cagta, gaar ahaan marka
la weerarayo ciidamo dhufeesyo ku jira. Waa qoryo ku
wanaagsan tiirada tooska ah, sida qoryaha AK-ga oo klae
". (Wareysi aanu
la yeelanay G/ S. Daahir Aadan (Indha-qarsho), Minnesota–
USA. 2/ 9- 2004).
Dhowr maalmood oo is-daba joog ah ayay Soomaalidu
si ba'an u weerareen fariisimihii cadowga. Markii ay
u muuqatay xoogga ka soo hor-jeeda, saraakiishii Soomaalida
waxay codsadeen in lagu cududeeyo weerar xagga cirka
ah. Markaas waxaa si muuqata u kordhay tirada
weerarka dayuuradaha Soomaalidu ay la beeganayeen fariisimaha
ciidamada Itoobiya, gaar ahaan Dhagax-buur. Weeraradaas,
waxaa dhaawac xooggan u geystay dagaallo weerar-celis
ah oo dayuuradihii cadowga ay ku caabinayeen weerarka
Soomaalida. Itoobiya, inkasta oo ay lahayd duuliyayaal
xirfad wanaagsan, misana duulimaadka dayuuradahooda
waxaa ka qeyb qaatay rag shisheeye ah. Iyagu waa ay
ka khibrad badnaayeen Soomaalida. Waxaa jirey oo kale
raadaar casri ah oo ciidamada Itoobiya u yiil buur ku
dhow Jigjiga. Raadaarkaas oo qudhiisu eyan Soomaalidu
horey ula socon, wuxuu kamid ahaa qalabka sirta ah oo
Itoobiya ay ugu tala gashay in ay ku difaacdo gobolka.
Wuxuu awood u lahaa in uu ka war-bixiyo duulimaadka
dayuuradaha Soomaalida, iyaga oo aanan weli soo gaarin
xuduudda Itoobiya. Sidaa darteed, duuliyayaasha Itoobiya
ka soo duulayay, waxay si sahlan ula socdeen xogta dayuuradaha
ay la dagaalamayeen. Ogaallada la xiriira xowliga ay
ku socdaan dayuuradaha Soomaalida, jahada ay ku socdaan
iyo inta ay dhulka u jiraan, waxaa u sheegayay raadaarkooda.
Sidaa darteed waxaa sahlanaa in dayuuradaha Soomaalida
gadaal lagaga yimaado oo sidaas lagu rido. Duuliyaha
Soomaaliyeed oo ah midka weerarka ah, waxaa lagaga yaabsanayay
weeraradaas kediska ah. Bishii agosto oo keliya, Soomaalida
waxaa laga soo riday toddoba dayuuradood oo kuwa dagaalka
ah. Waxaa kale oo Soomaalida dabrayay khibrad yari.
Dayuuradaha tayada wanaagsan oo ay ku weerartamayeen,
waxay ahaayeen MiG-21, kuwaas oo ragga ku duulayay ay
ahaayeen dhallinyaro sanadihii 70-aadkii soo qaatay
shahaadad duulista. Ragga khibradda duulimaadka lahaa,
waxay ahaayeen saraakiishii sare oo sanadihii 60-aadkii
soo dhamaystay aqoonta duulista dayuuradaha dagaalka.
Laakiin iyagu waxay ku duulayeen MiG-17, oo ka taya
liidatay kuwaa hore.
Saraakiisha ciidanka cirka Soomaaliyeed, waxay ka
sheekeeyaan laba dyuuradood oo Mig-21 ah oo Soomaalida
laga soo riday, xilligii la weerarayay Dhagax-buur.
Labadaas dayuuradood oo la soo ridey 31/ 7- 1977-kii,
ayaa waxaa kaloo sheegay wakaalad wararka baahisa oo
la yiraahdo Facts on File World News Digest.
Labadii duuliye oo ka booday dayuuradihii la gubay,
ayaa cadowgii uu nolol ku qabtay. Dayuurad rayid ah
oo goor habeen ah soo gaadhay magaalada Dhagax-buur,
ayaa waxaa la filayay in lagu qaado labada duuliye oo
Addis-ababa loo kaxeeyo. Dayuurado Soomaaliyeed oo weerar
soo qaaday ayaa waxay ku soo beegmeen dayuuraddii rayidka
ahayd oo garoonka ka kici rabta. Mid kamid ah dayuuradihii
Soomaalioda ayaa dabkeedii la beegatay dayuuraddii kacaysay.
Waxaa la filayaa in labadii sarkaal ee Soomaalida ahaa
ay goobtaas ku shahiideen.
Sheeko xiisad leh ayaa xilligaas dhacday. Waxay la
xiriirtay dayuurad kale oo Soomaalida laga soo riday,
taas oo uu duulinayay L/
Xiddigle Xuseen Saalax Naaji. Isagu wuxuu ku
soo dhacay goobo ay fadhiyeen ciidamadii jabhadda WSLF.
Waxaa jirey nin dhalashadiisu ay ahayd Amxaar oo markaas
u xirnaa ciidanka jabhadda. Naaji
iyo Amxaarkii baa isku meel lagu xirey. Arin yaab leh
baa waxay ahayd, Amxaarkan wuxuu ku dhashay Jigjiga.
Lahjadda
af-soomaaliga ee lagaga hadlo galbeedka wuxuu ka badiyay
L/ X. Naaji, oo isagu
dhalashadiisu tahay dadka laga tirada badan yahay ee
reer Xamarka ah. Labadii maxbuus baa waxaa loo gudbiyay
rag madax u ahaa kooxihii jabhadda. Markaasaa Amxaarkii
wuxuu sheegtay in uu isagu yahay Soomaali, maxbuuska
la socdana uu yahay Itoobiyaan. Markii labada nin la
wareystay, askartii jabhadda waxay af garteen ninkii
Amxaarka ahaa. Sarkaalkii Soomaaliga ahaa, oo ku hadlaya
lahjaddii reer Xamar-ka, waa ay ka shakiyeen oo waxay
u maleeyeen duuliye Kuubaan ah oo Soomaaliya muddo soo
joogay. Markaas bay dhaawacyo u geysteen. Wuxuu ku sigtay
in ay toogtaan. Si kasta oo uu isugu sheegay waa ay
rumeysan waayeen hadalkiisii. Galabnimadii baa waxaa
goobtii yimid saraakiil Soomaaliyeed, iyada oo Naaji
uu geed ku xiran yahay, Amxaarkiina uu wax la cunayo
ciidamadii jabhadda.
Dabayaaqadii bishii julay, Soomaalida qudhooda waxay
cadowga ka soo rideen saddex dayuuradood oo kuwa dagaalka
ah, noocoodu yahay F- 5. Danjirihii Soomaalida u fadhiyay
dalka Talyaaniga Cabdullaahi
Cigaal, ayaa wakaaladaha wararka gaarsiiyay khabarkaas.
Danjiruhu, dayuuradaha Itoobiya laga soo riday, wuxuu
ku daray dayuurad afaraad oo rayid ah, taas oo ahayd
tii lagu gubay garoonka Dhagax-buur. Wuxuu sheegay in
nooceedu ahaa S-120 oo kuwa xamuulka ah. Dadka xiiseynayay
wararka la xiriira xaaladda Ogaadeenya, waxay arintaa
ula muuqatay in macnaheedu tahay, ciidamada Soomaaliya
oo si buuxa uga garab dagaalamayaan ciidamada jabhadiinta
ah. (Wargeyska Al-Ahraam. Tirsigiisii soo baxay 29/ 7- 1977-kii.
Qaahira - Masar)
Saraakiishii hoggaaminayay ciidamadii labada
guuto ee Soomaalida, kaddib markii ay dhowr maalmood
ay weerar culus ku hayeen Dhagax-buur, waxaa dagaalkii
ku soo biirey guutadii cadowga keydka u ahayd oo ku
qarsooneyd baadiyaha. Xilligaas tangiyadii Soomaalida,
intoodii badnayd
waxaa dhaawacay jiibtii waaqlaha. Waxaa muuqatay
in Soomaalidii laga cudud sareeyo. Dabadeed waxay la
xiriireen taliskii, oo waxay ka codsadeen taageero ciidan
iyo qalab ah. Markaasaa waxaa
lagu soo xoojiyay guuto ciidanka cagta ah oo
kamid ahayd ciidamadii Qabri-dahare ka dagaalamay. Guutadan
waxaa hoggaaminayay Gaashaanle
Cabdicasiis Yuusuf Biixi
(Coonka). Waxaa weheliyay urur madaafiicda
goobta oo uu hoggaaminayay Gaashaanle
Daahir Aadan
(Indha-qarsho)
iyo taangiyadii ka haray ururkii uu ka shahiidfay Gaashaanle
Yaasiin Hurfe.
Ciidankan waxaa looga taliyay Xamar. Ciidanka
ay ku socdeen, wuxuu ahaa looga taliyay Hargeysa. Sidaa
darteed baa amarka ay ku dhaqaaqeen wuxuu ka yimid Xamar.
Haddaba si ciidanka eeyan u kala madax-bannaanaan, saraakiishii
ka dagaalamayay Dhagax-buur waxay codsadeen in ciidankan
u yimid lagu dhafo ciidamadooda. Waayo dagaalku wuxuu
u baahan yahay qorshe urursan oo mid ah. Madaxdii Xamar
fadhiday waa yeeleen taladii.
Markii uu ciidanku helay amarkii uu ku dhaqaaqi
lahaa, ayay bilaabeen in ay socdaan. Duhurnimadii ay
taariikhdu ahayd 2/ 8- 1977-kii, ayaa ciidankaas, iyaga
oo isla socda waxay u dhaqaaqeen dhanka Dhagax-buur.
Waxay doorteen in ay maraan waddo aanan caadi ahayn,
si ay uga fogaadaan miinooyinka ku aasan waddada caadiga
ah. Waxay qaadeen waddo ay ciidamadii Talyaanigu qaadeen
dagaalkii labaad, markii ay ku duulayeen Itoobiya. Waddadu
waxay ahayd mid dhir badan oo aanan u habaysnayn in
la maro. Gaashaanle
Daahir
oo tilmaamaya hakadka ciidameed ee halkaas ka muuqda
wuxuu yiri :
" Socdaalkeenii waxaa laga garan
karaa sida aynaan dagaalka diyaar ugu ahayn. Waayo,
dhulka ciidanka la marinayo, waxaa khasab ahaa in saraakiishu
ay si wanaagsan ula socdaan. Wax walba caadifad ayay
ku dhisnayd. Waxaa na hor kacayay rag reer miyi ah oo
dhulka si wanaagsan u garanayay. Inkasta oo raggaasi
ay caadifad iyo hiilba la garab taagnaayeen ciidamada
Soomaalida, misana wacyigoodu ma gaarsiisnayn in ay
gartaan waddada haboon oo ciidanka iyo qalabkooda lagu
kexeynayo. Waddadii ay na mariyeen waxaanu kala kulanay
dhibaatooyin culus. Baabuurtii qaar baa naga gaddoomay,
kuwo kale waa ay isku dheceen. Nin u sahmin jirey dad
reer miyi ah iyo xoolo ay wataan, suuragal maahan in
uu garto waddooyinka haboon oo la marinayo taangiyo
iyo madaafiic .......................................
".
Hog abeeso jiiftiyo
waxay halaq la seexdaanba
Hanfi iyo kuleylaha waxay ku harsan waayaanba
Habeenkii qaboobaha waxay ka huwan waayaanba
Halgan geesinimo waa waxay hibo u yeesheene
Howdkiyo dariiqyada waxay halis ka dhowrtaanba
Halkay geli ilaalada waxay uga horeeyaanba
Markay hubanti sheegaan waxay hagac ku siiyaanba
Habeen looma dhuuntee waxay har u bareeraanba
Habar-wacadka Soomaaliyeed waxay ku heesaanba
Haldhaa gabeyo yeershiyo waxay heello tiriyaanba
Hadba goobta lays helo waxay libin hoyaadshaanba (Firin)
Socodka
ciidanka wuxuu ahaa mid aanan marna hakad la gelin oo
waa uu xiriiray illaa ay gaareen ciidankii ay u socdeen.
Muddadii ay waddad ku jireen, waxaa dhacday in habeen
la soo weeraray. Ifkii baabuurtooda baa waxaa arkay
reer miyi Soomaaliyeed oo hubaysnaa. Markaas baa guuxii
gawaarida waxay moodeen ciidamadii Itoobiya. Weerarkii
bay u jilib dhigeen. Waa ay garteen in xoogga soo weeraray
uu yahay mid taag daran, sidaa darteed waxay ogaadeen
in ay yihiin reer miyi Soomaaliyeed. Ciidan bay u direen
gadaal ka mara oo soo qab-qabta. Sidii baa lagu soo
qabtay.
" Xilliga layna soo weerary waxay
ahayd bartamihii habeenka. Meel aanu ku suganahay ma
aanu garanayn. Laakiin waxaanu hubnay in aanu joogno
meel u dhexeysay labada magaalo (Qabri-dahare iyo Dhagax-buur).
Ciidankii aanu dirnay waxay soo qabteen hal nin oo Soomaali
ah. Waan la hadlay oo waxaan ku iri : War inkaar baad
qabtaane sow ma ogidin inaad xabadeenaysaan ciidamadii
Soomaaliyeed. Isna wuxuu sheegay, ciidanka socda
in ay u maleeyeen Itoobiyaan. Halkii baanu ninkii
ku dirnay
si uu ula soo hadlo saaxiibadiis. Sidii baa xabaddii
ay ku joogsatay ".
Sheekadan waxay mudan tahay ku joogsi. Waxaa
laga dha-dhansanayaa xilligaas macaan oo fitnadu ay
maqnayd. Xilli qofka Soomaaliga ah uusan xabbaddiisa
u quurin Soomaali kale, bal ay rasaasta la sitaa ahayd
mid lagu ilaalinayay dan qaran. Xilli loo mahad celiyo
facihii inaga horeeyay ee reebay dareenka caynkaas ah
ee dhaqanka iyo waddadniyaddu ay ahaaayeen meesha qofku
ka shidaal qaato.
Meesha keliya oo ciidanku ay ku hakadeen
waxay ahayd meeshaas lagu xabadeeyay. Goor waaberigii
ah ayaa ciidankii waxay soo gaareen ceelashii Bullaale.
Xoogaa wakhti ah ayay ku nasteen ceelashaas biyaha macaan.
Dabadeed waa ay dhaqaaqeen. Maantii oo idil ayay ku
socdeen waddadii rafka ahayd. Habeenkii labaad, goor
ay saqdii dhexe ahayd ayay gaareen fariisimihii ciidamada
Soomaaliya. Waxaa waddada uga hor yimid labadii sarkaal
ee kala hagayay labada guuto G/ S. Caare
iyo G/
S. Cali Ismaaciil.
Markii ay ciidamadii fariisi u sameeyeen, waxay kaxeeyeen
saraakiishii la socotay ciidanka. Waxay ku soo wareejiyeen
aagaggii ay fadhiyeen ciidamada Soomaalida. Dabadeed
fadhi ayay qaateen ay ku dejinayaan qorshaha cusub oo
ay doonayaan in ay ku weeraraan magaalada. Halkii baa
waxaa lagu heshiiyay in degmada la weeraro oo la qabto
habeenimada ay taariikhdu tahay 5/ 8- 1977-kii.
Saadiq Enow