Isku-dhafka
ururada iyo qeybaha ciidamada ee lagu gufeynayay guutooyinka
aagagga hore, waxay xilligaas ahaayeen mid saameysay
ciidamadii Soomaalida. Geedigii ay War-dheer kaga baxeen
guutadii uu hoggaaminayay Gaashaanle
Cabdicasiis Coonka,
waxaa la xilli ahaa geeddi ay Xamar kaga baxeen urur
taangiyo ah oo Hargeysa loo beddelay. Ururkaas oo uu
hoggaaminayay Gaashaanle
Cabdi-naasir Xaaji Xaashi,
waxay wateeb qalab ay kamid ahaayeen 38 taangi oo ah
noocii ugu danbeeyay oo Ruushku uu siiyo Soomaaliya.
Nooca taangiyadu waxay ahaayeen T-55. Laba urur oo keliya
ayay ciidamada Soomaalidu ka haysteen taangiyada jaadkan
ah, kuwaas oo muddo sanad ka yar horteed soo gaaray
gacanta XDS. Ujeeddada ururkan loo beddelay waxay ahayd
in qalabkan lagu xoojiyo weerarada culus oo la damacsanaa
in lagu qaado degmooyinka gudaha ku jira, sida Jig-jiga,
iyo Dirir-dhabe. Ururka kale ee haystay taangiyada T-55,
wuxuu fadhigiisu ahaa Hargeysa. Gaashaanle Cabdi-naasir
Xaaji
oo arintaas inooga waramay, waxaa hadalkiisii kamid
ahaa :
" Taangiyada aan hoggaaminayay waxay
ahaayeen kuwo cusub oo sanad ka hor dalka yimid. Aniga
oo dhisaya waddo laami ah ayaa la ii yeeray oo la i
faray inaan ka soo dejiyo dekadda Kismaayo. Dabadeed,
waxaan kamid ahaa saraakiil iyo askar ku tababartay
taangiyadaas. ........................................
". (Wareysi aanu la yeelanay Jeneraal
Cabdi-naasir Xaaji Xaashi. 9/7- 2005. UK. London).
Gaashaanle Cabdi-Naasir
waxaa taliye xigeen u ahaa oo ururka la waldaaminayay
Gaashaanle
Maxamad Maxamuud Dhoollawaa.
Waxaa xusid mudan, labadan nin oo kamid ahaa saraakiishii
Soomaalida ee aqoonta lahaa, islamarkaana xushmad ku
lahaa ciidanka dhexdiisa, ayaa takhasuskoodu uu ahaa
mid kala duwan. Sarkaalka ay dowladdu u dooratay in
uu ururka hoggaamiyo, takhasuskiisu wuxuu ahaa injineer
dhismaha waddooyinka. Halka ninka taliye xigeenka loo
doortay uu ahaa sarkaal takhasuskiisu yahay taangiyada.
Arintaasi waxay muujinaysaa hakad kamid ah khaladaadkii
ka jirey maamulkii lagu hoggaaminayay istraateejiyada
dagaalka. Iyada oo ula kac ah, ayaa marar waxaa hoggaanka
howl-galka loo dooranayay sarkaal ka takhasus duwan
howsha la doonayo in la fuliyo. Tusaale waxaa dhacaysay
nin ah sarkaal maamul (stuff oficer) oo aanan
aqoonta dagaalka waxba ka garanayn in loo doorto in
uu hor kaco ciidan weerar u socda, iyada oo kuwii aqoonta
weerarka yiqiin (field officers) ay joogaan ama
ay la socdaan ciidanka baxaya.
Si kastaba arini ha ahaatee, hayaanka taangiyadan
waxay meel wacan ka galeen taariikhda dagaallada taangiyada.
Waxay jebiyeen beeg caalamka u yiil oo ahaa, in taangiyada
eeyan ka dagaalami karin dhul aad uga fog meesha ay
ka soo kacayaan. Muddo siddeed saacadood ka badanna
looguma tala gelin in gudihiis lagu jiro, ama weerar
ha ahaato ama geeddi-socod ha ahaatee. Waayo taangigu
waa qol bir ah oo kale, kaas oo kuleylka gudihiisa iyo
dhawaaqa shanqartiisa ay khasbayaan in aanan muddo dheer
lagu dhex-jiri karin. Askartii iyo saraakiishii Soomaaliyeed
karti badan ayay muujiyeen, markii ay taangiyadaas Xamar
laga kexeeyay, iyaga oo sidii gawaari u wada ay Hargeysa
gaarsiiyeen. Dabadeedna ay ku dagaal galeen. Sida caadiga
ah, taangiyada lagu dagaalamayo, gaadiid ayaa lagu qaadaa,
gaarsiiya goobaha ay ka dagaalamayaan. Sababtu waa howsha
adag oo kaxeyntiisa iyo ku dhex-jirkiisa ay u baahan
tahay. Soomaalidu ma haysan gawaari ama dayuurado ay
ku qaadaan taangiyada Xamar yiil. Laakiin waxay lahayd
ciidan adkaysi badan iyo niyad adag ku maraya culeys
walba oo ka hor-yimaada. Mahadi haka gaadho, taariikhdana
ha xusto geesiyadaas u howshooday sharafka umaddooda
iyo aayaha dadka Soomaaliyeed. Gaashaanle
Cabdi-naasir
oo arimahaas ka waramaya wuxuu yiri :
" Amar baa ii yimid inaan hoggaamiyo
ururkii taangiyada ahaa, oo aan Hargeysa geeyo. Taangiyadaas
waxaa weheliyay 10 ah gawaarida gaashaaman (BB) iyo
ciidamadoodii iyo laba qori oo shilke ah. Markaan Xamar
ka baxnay, waxaanu garab marnay waddada dheer ee laamiga.
Markaan Dhuusamareeb gaarnay baa waxaanu u leexannay
dhanka Balanballe. Dabadeed waxaanu sii marnay magaalada
War-dheer iyo tuulooyin ay kamid ahaayeen Dannood iyo
Gaashaamo. Dhulkaas waxaa gacanta ku hayay ciidamadii
Soomaalida. Kaddib tuulada la yiraahdo Dabagorayaale,
ayaan kaga gudubnay xuduudda waqooyi. Halkaas baanu
Hargeysa ka galnay . .......................................
Waxaa nala socday askar dhallinyaro ah oo aanu ka yaabnay
dadaalkooda iyo niyadda Soomaalinimada ah ee ku jirtay.
Waxaa keliya oo aan oran karaa, dadku maahayn dadka
hadda jira, qadiyadduna maahayn qadiyadaha ay Soomaalidu
hadda ku dirirayaan. Waxaan fariisanay meel Hargeysa
ku dhow oo la yiraahdo Alley-baday ". (Wareysi
aanu la yeelanay Jeneraal Cabdi-naasir Xaaji Xaashi.
9/7- 2005. UK. London).
Qeyb kamid ahaa qalabkan iyo ciidamadii la
socday waxay ku biireen qeybo kamid ahaa ciidamadii
26-aad oo loo abaabulayay guluf cusub oo la doonayay
in lala beegto degmada Dirir-dhabe. G.
Geel-qaad
ayaa isna xilligaas la faray in uu ka tago guutadiisii
oo ahayd middii ka dagaalantay Dirir-dhabe. Waxaa u
tag la yiri jabhadihii ka dagaalamayay agagaarka Harar.
Wuxuu sii kaxaystay horin kamid ah guutadii. Guutada
inteedii kale wuxuu ku wareejiyay G/S.
Maxamad Nuur Galaal
oo xilligaas ku howlanaa ururin ciidan kulmis ah oo
Dirir-dhabe lagu weerarayo. Geel-qaad, wuxuu ahaa nin afka amxaariga
iyo midka oromada si wanaagsan u yiqiin. Waxaa la doonayay
in uu howlo ka qabto degaankaas, taas oo lagu dar-dar
gelinayo weeraradii jid-gooyada ahaa oo ay jabhadiintu
halkaas ka wadeen.
Degmada Dhagax-buur ayaa xilligaas waxay
ahayd mid foolanaysa. Inkasta oo ciidamada Soomaaliyeed
ay culeys badan kala kulmeen degmadan, misana waxaa
ka gao'naa in cadowga ay ka kiciyaan degmada si markaas
ay ula mataanowdo degmooyinka walaalaheed ah. Saraakiishii
sare ee ciidamada labada guuto u qorsheynayay qaabka
dagaalka, waxay dejiyeen naqshaddii weerarka kama danbaysta
ah ee magaalada lagu qabanayay. Sida aanu soo xusnay,
magaalada waxaa difaacayay ciidamo mitid ah. Askarta
fadhiday difaacyada hore ee cadowga waxay ahaayeen kuwo
cagaha ka xiran. Waxaa jirey katiinado waaweyn oo si
wada-jir ah ugu dabranaa cagahooda. Jeeddadu waxay ahayd
in eeyan ka fekerin in ay baxsadaan, bal ay mitidnimo
ku diriraan ama ay halkooda ku dhintaan. Niyaddaa ay
ku difaacayeen degmada, waxaa ka beeg cuslaa niyadda
uu askariga Soomaaliyeed ku xoreynayay gobolka.
Aagaggii magaalada ku hareereysnaa ayay Soomaalidu
horey u fariisiyeen ciidamadoodii, iyaga oo qeybo ah.
Markay saacaddu ahayd saddexdii habeenimo ayaa madaafiicdii
Soomaalida ay hinraag bilaabeen. Ciidamadii cadowga
waxaa lagu holciyay godadkii ay ku jireen. Madaafiicdii
tayada lahaa oo ay wateen ururkii Qabri-dahare ka yimid, waxay goobtaas
ka geysteen raad aanan la ilaawi karin. Guutadii cusbayd
qudheedu, waxay sabab u noqotay in niyadda ciidankii
ay kor u kacdo. Jarib iyo kadeed badan ayaa cadowgii
la baday. Qalabkii waaqlaha ahaa oo markaas Soomaalidii
ay si wanaagsan isu barteen, waxba cadowgii waa u difaaci
waayay. Weeraradii labada toddobaad socday baa ceebihii
waaqlaha la bartay. Sidaa darteed waa layska caabiyay.
Waxaa kale oo Soomaalidu ay magaalada ku weerareen intuusan
waagu beryin, dayuuradihii dagaalka.
" Ciidamada Soomaaliyeed waxay ahaayeen
ciidan isku kalsoon oo si wanaagsan u garanayay qadiyaddooda.
Islamarkaana qadiyadda ay wateen waxay ahayd mid sharci
ah dibad iyo gudo. Dastuurka ayay inoogu tiil in shanta
gobol oo gumeysigu kala gooyay laysu soo celiyo. Waxaanu
arkaynay in dadka gobolku ay yihiin dadkeenii, dalkuna
uu yahay dalkeenii. Arintaasi waxay sabab u ahayd in
askariga dagaalamayay uu ku kalsoonaado in uu guul ku
helayo (Eebe ka sokow) qalabka uu ku dagaalamayay. Waxaa
kaloo gacan ka geystay dagaalka, hoggaanka saraakiisha
aqoonta wanaagsan u lahayd howl-gallada dagaalka, iyo
xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeyay askariga iyo sarkaalka.
Arimahaasna waa wax uu xataa cadowgii inoo qirey
". (Wareysi
aanu la yeelanay Jeneraal Cali Ismaaciil. 6/ 8- 2005.Soomaaliya.
Boosaaso).
Waagu markuu baryay, ayaa ciidamadii Soomaalida
ay ku sikadeen dhankii degmada. Iyagu waxay ka yimaadeen
laba jaho (waqooyiga iyo bariga). Ciidankii cagta oo
ay hor-kacayeen gawaari-gaashaaman iyo taangiyo waxay
si fudud u jebiyeen dhufeesyadii hore ee cadowga. Meyd
badan oo cagaha ka xiran ayay halkaas kaga tallaabeen.
Ciidankii danbe ayay foodda isa-saareen. Iyaga oo rafaad
badan kala kulmay difaaca degmada, islamarkaana aanan
wax taakulo ah haysan ayaa cadowgii waxay bilaabeen
in ay dib u gurtaan oo ay meelo baro ah isku xoojiyaan.
Laakiin waxaa u muuqatay in eeyan jirin fursad u hartay
oo aanan ahayn ama is-dhiib ama geeri. Markaasay bilaabeen
in ay baqa-cararaan. Ciidankii Soomaalida ee sooma-jeestayaasha
ahaa baa markaas ku guuleystay in ay dacallada ka soo
galaan degmada.
Saraakiisha dagaalkaas sida wanaagsan u dagaalamay
waxaa laga xusi karaa G/ Dh. Cali Xuseen, oo isagu talye xigeen ka ahaa
guutadii uu Cali
Ismaaciil
hoggaaminayay. Gaashaanle
Abshir Askar
Xuseen,
wuxuu odey ka ahaa howlgalka ciidanka. Isagu markii
hore urur kumaandoos ah ayuu hor kacayay. Askartii ururkaas,
dagaaladii ay horey u galeen ayay ku dhamaadeen. Xoogaa
ka soo haray waxaa loo qeybiyay ururadii XD ee Dhagax-buur
ka dirirayay. Dhamme
Cabdullaahi Tima-jilic,
goor danbe ayuu Harar ku shahiiday. Gaashaanle
Muuse Joqraafi
wuxuu hoggaaminayay taangiyadii ka dagaalamay halkaas.
Gaashaanle
Daahir Nuur
iyo Gaashaanle Daahir Indha-qarsho oo labaduba ay hoggaaminayeen ururo
madaafiicda goobta ah. Dhamme
Axmad-dheere,
wuxuu hagayay qoriga ugu tiirada dheeraa ee kamid ahaa
qalabkii ay ciidankan wateen, kaas oo ahaa qori BM ah.
Goor ay duhurnimadii ahayd ayaa magaaladii
si buuxda looga sifeeyay cadowgii. Waxaa bartamihii
magaalada ku kulmay raacii hore ee ciidamadii Soomaaliyeed
ee labada aag ka soo weerartamay iyo saraakiishoodii.
Laba toddobaad ayay dagaal ku jireen. Waxaa ka shahiiday
sakar tiradoodu ay ku dhowdahay 300 oo nin. Rafaadka
iyo daalka ciidankaas ka muuqday wejiyadooda, waxaa
qarinayay dareenka farxadda leh oo ay ka dhaxleen guusha
taariikhiga ah oo ay ku hanteen degmadii. Saraakiishii
hagayay labada guuto ayaa, meel fagaaro ah waxay sureen
calankii jabhadda Soomaali Galbeed iyo kii jamhuuriyadda
Soomaaliya.
Hayeeshee hal baa foolatayoon haybi leeyahaye
Inay tahay hantidi aan lahaa hubanti weeyaane
Hawaartiyo fartii baa ku taal iyo habeediiye
Anigoo aan hana-qaadin baa layga haybsadaye
Habkeediyo tilmaantana haddaan idin haleeshiiyo
Hashu wey irmaan tahay haddana cidi ma haaneedin
Waa galoof xabeeb badan haddana caanahaa
hidiq leh
Wey haraatamaysaa hadana weyska hebedkaase
Waa hooto oo gaawahaa lagu haliilaaye
Waa horor dagaalama haddana Awr hayina weeye
Hogoshoo da'aysiyo xareed la hirqadaa weeye
Waa haroo haddana waa abaar lagu haraadaayo
Waa hoobaan bislaatiyo caleen kor iyo hoos
buuxda
Haddana waa habaas duulayoo lagu hambaaseyne
(Firin)
Guul-darradii cadowga kaga dhacday degmada,
maahayn oo keliya magaalo lagala wareegay. Bal ciidamo
tiro badan iyo qalab tayo leh ayaa halkaas kaga baxay
oo wax gubtay iyo wax lagala wareegay noqday. Degmadaasi
ay ahayd meeshii ugu maxaabiista badnayd , askartii
is dhiibayay. Qabashadii Dhagax-buur waxay soo af-jartay
marxaladdii labaad taariikhda dagaalkii Ogaadeenya.
Dabadeed waxaa bilaabatay marxaladdii saddexaad ee dagaalka.
Marxaladdan waxay ahayd isku-deygii ay Soomaalidu ku
doonayeen in gacanta ay ku dhigaan degmooyinka halbowlaha
u ah jiritaanka dowladda Itoobiya iyo is-haysadkeeda.
Degmooyinkaasi waa Jig-jiga, Harar iyo Dirir-dhabe.
Qiimaha istraateejiga ah iyo midka dhaqaale oo ay degmooyinkan
u leeyihiin dowladda Itoobiya, waxaa ka hilan culus
qiimaha macnawiga ah. Soomaaliduna baadi ka maqan oo
ay tilmaanteedii heleen bay u arkayeen.
" ..................................
. Golayaal badan ayaanu ka caddeynay qadiyadda umaddaas
u guuxaysa inay isu taliso kana tashato aayaheeda. Imbraadooriyaddii
Xayle Selaesse oo indhaheeda laga dareemayay in ay gar-waaqsatay
baaqa Soomaalida, maalinba maalin ayay ku ergan jidhay.
Waa dulan laysla og yahay oo ay iskula dar-daarmeen,
markaan gacan ku wadnay waan-waan nabad ka-talin ah,
gacanta kale waxaanu ku celinaynay hirarka buux dhaafayay
ee gobanimo-doonka ah. Maxaa wacay, waxaanu aaminsannahay,
haddaanu nahay curadkii umad-weynta Soomaaliyeed, in
ay maskaxdu taliso oo laga war-wareego cabaynta qoriga.
Haddaba su'aasha uu waqtigu keenay waxay tahay : Ma
la timid garasho ay ku fahamto, imbraadooriyadda macangagga
ah, waanada JDS ? War celintu waa maya. Bal waxaa u
soo baxay talis mujrim ah oo ku miyir daboolmay malafsiga
dhiigga maatida ". (Maqaal
uu qorey nin la yiraahdoYuusuf Iimaan. Wargeyska Xiddigta
Oktoober.Tirsigiisii soo baxay 23/ 7- 1977-kii. Muqdishow
- Soomaaliya).
Saadiq Enow