|Home| |Islam| |Qoraalo| |Contact Us |Suugaan|
Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

Dagaalkii Ogaadeenya
Casharkii XXXV-aad

Dr Enow

Isku-dhafka ururada iyo qeybaha ciidamada ee lagu gufeynayay guutooyinka aagagga hore, waxay xilligaas ahaayeen mid saameysay ciidamadii Soomaalida. Geedigii ay War-dheer kaga baxeen guutadii uu hoggaaminayay Gaashaanle Cabdicasiis Coonka, waxaa la xilli ahaa geeddi ay Xamar kaga baxeen urur taangiyo ah oo Hargeysa loo beddelay. Ururkaas oo uu hoggaaminayay Gaashaanle Cabdi-naasir Xaaji Xaashi, waxay wateeb qalab ay kamid ahaayeen 38 taangi oo ah noocii ugu danbeeyay oo Ruushku uu siiyo Soomaaliya. Nooca taangiyadu waxay ahaayeen T-55. Laba urur oo keliya ayay ciidamada Soomaalidu ka haysteen taangiyada jaadkan ah, kuwaas oo muddo sanad ka yar horteed soo gaaray gacanta XDS. Ujeeddada ururkan loo beddelay waxay ahayd in qalabkan lagu xoojiyo weerarada culus oo la damacsanaa in lagu qaado degmooyinka gudaha ku jira, sida Jig-jiga, iyo Dirir-dhabe. Ururka kale ee haystay taangiyada T-55, wuxuu fadhigiisu ahaa Hargeysa. Gaashaanle Cabdi-naasir Xaaji oo arintaas inooga waramay, waxaa hadalkiisii kamid ahaa :  

" Taangiyada aan hoggaaminayay waxay ahaayeen kuwo cusub oo sanad ka hor dalka yimid. Aniga oo dhisaya waddo laami ah ayaa la ii yeeray oo la i faray inaan ka soo dejiyo dekadda Kismaayo. Dabadeed, waxaan kamid ahaa saraakiil iyo askar ku tababartay taangiyadaas. ........................................ ". (Wareysi aanu la yeelanay Jeneraal Cabdi-naasir Xaaji Xaashi. 9/7- 2005. UK. London).  

Gaashaanle Cabdi-Naasir waxaa taliye xigeen u ahaa oo ururka la waldaaminayay Gaashaanle Maxamad Maxamuud Dhoollawaa. Waxaa xusid mudan, labadan nin oo kamid ahaa saraakiishii Soomaalida ee aqoonta lahaa, islamarkaana xushmad ku lahaa ciidanka dhexdiisa, ayaa takhasuskoodu uu ahaa mid kala duwan. Sarkaalka ay dowladdu u dooratay in uu ururka hoggaamiyo, takhasuskiisu wuxuu ahaa injineer dhismaha waddooyinka. Halka ninka taliye xigeenka loo doortay uu ahaa sarkaal takhasuskiisu yahay taangiyada. Arintaasi waxay muujinaysaa hakad kamid ah khaladaadkii ka jirey maamulkii lagu hoggaaminayay istraateejiyada dagaalka. Iyada oo ula kac ah, ayaa marar waxaa hoggaanka howl-galka loo dooranayay sarkaal ka takhasus duwan howsha la doonayo in la fuliyo. Tusaale waxaa dhacaysay nin ah sarkaal maamul (stuff oficer) oo aanan aqoonta dagaalka waxba ka garanayn in loo doorto in uu hor kaco ciidan weerar u socda, iyada oo kuwii aqoonta weerarka yiqiin (field officers) ay joogaan ama ay la socdaan ciidanka baxaya.  

Si kastaba arini ha ahaatee, hayaanka taangiyadan waxay meel wacan ka galeen taariikhda dagaallada taangiyada. Waxay jebiyeen beeg caalamka u yiil oo ahaa, in taangiyada eeyan ka dagaalami karin dhul aad uga fog meesha ay ka soo kacayaan. Muddo siddeed saacadood ka badanna looguma tala gelin in gudihiis lagu jiro, ama weerar ha ahaato ama geeddi-socod ha ahaatee. Waayo taangigu waa qol bir ah oo kale, kaas oo kuleylka gudihiisa iyo dhawaaqa shanqartiisa ay khasbayaan in aanan muddo dheer lagu dhex-jiri karin. Askartii iyo saraakiishii Soomaaliyeed karti badan ayay muujiyeen, markii ay taangiyadaas Xamar laga kexeeyay, iyaga oo sidii gawaari u wada ay Hargeysa gaarsiiyeen. Dabadeedna ay ku dagaal galeen. Sida caadiga ah, taangiyada lagu dagaalamayo, gaadiid ayaa lagu qaadaa, gaarsiiya goobaha ay ka dagaalamayaan. Sababtu waa howsha adag oo kaxeyntiisa iyo ku dhex-jirkiisa ay u baahan tahay. Soomaalidu ma haysan gawaari ama dayuurado ay ku qaadaan taangiyada Xamar yiil. Laakiin waxay lahayd ciidan adkaysi badan iyo niyad adag ku maraya culeys walba oo ka hor-yimaada. Mahadi haka gaadho, taariikhdana ha xusto geesiyadaas u howshooday sharafka umaddooda iyo aayaha dadka Soomaaliyeed. Gaashaanle Cabdi-naasir oo arimahaas ka waramaya wuxuu yiri :  

" Amar baa ii yimid inaan hoggaamiyo ururkii taangiyada ahaa, oo aan Hargeysa geeyo. Taangiyadaas waxaa weheliyay 10 ah gawaarida gaashaaman (BB) iyo  ciidamadoodii iyo laba qori oo shilke ah. Markaan Xamar ka baxnay, waxaanu garab marnay waddada dheer ee laamiga. Markaan Dhuusamareeb gaarnay baa waxaanu u leexannay dhanka Balanballe. Dabadeed waxaanu sii marnay magaalada War-dheer iyo tuulooyin ay kamid ahaayeen Dannood iyo Gaashaamo. Dhulkaas waxaa gacanta ku hayay ciidamadii Soomaalida. Kaddib tuulada la yiraahdo Dabagorayaale, ayaan kaga gudubnay xuduudda waqooyi. Halkaas baanu Hargeysa ka galnay . ....................................... Waxaa nala socday askar dhallinyaro ah oo aanu ka yaabnay dadaalkooda iyo niyadda Soomaalinimada ah ee ku jirtay. Waxaa keliya oo aan oran karaa, dadku maahayn dadka hadda jira, qadiyadduna maahayn qadiyadaha ay Soomaalidu hadda ku dirirayaan. Waxaan fariisanay meel Hargeysa ku dhow oo la yiraahdo Alley-baday ". (Wareysi aanu la yeelanay Jeneraal Cabdi-naasir Xaaji Xaashi. 9/7- 2005. UK. London).  

Qeyb kamid ahaa qalabkan iyo ciidamadii la socday waxay ku biireen qeybo kamid ahaa ciidamadii 26-aad oo loo abaabulayay guluf cusub oo la doonayay in lala beegto degmada Dirir-dhabe. G. Geel-qaad ayaa isna xilligaas la faray in uu ka tago guutadiisii oo ahayd middii ka dagaalantay Dirir-dhabe. Waxaa u tag la yiri jabhadihii ka dagaalamayay agagaarka Harar. Wuxuu sii kaxaystay horin kamid ah guutadii. Guutada inteedii kale wuxuu ku wareejiyay G/S. Maxamad Nuur Galaal oo xilligaas ku howlanaa ururin ciidan kulmis ah oo Dirir-dhabe lagu weerarayo. Geel-qaad, wuxuu ahaa nin afka amxaariga iyo midka oromada si wanaagsan u yiqiin. Waxaa la doonayay in uu howlo ka qabto degaankaas, taas oo lagu dar-dar gelinayo weeraradii jid-gooyada ahaa oo ay jabhadiintu halkaas ka wadeen.  

Degmada Dhagax-buur ayaa xilligaas waxay ahayd mid foolanaysa. Inkasta oo ciidamada Soomaaliyeed ay culeys badan kala kulmeen degmadan, misana waxaa ka gao'naa in cadowga ay ka kiciyaan degmada si markaas ay ula mataanowdo degmooyinka walaalaheed ah. Saraakiishii sare ee ciidamada labada guuto u qorsheynayay qaabka dagaalka, waxay dejiyeen naqshaddii weerarka kama danbaysta ah ee magaalada lagu qabanayay. Sida aanu soo xusnay, magaalada waxaa difaacayay ciidamo mitid ah. Askarta fadhiday difaacyada hore ee cadowga waxay ahaayeen kuwo cagaha ka xiran. Waxaa jirey katiinado waaweyn oo si wada-jir ah ugu dabranaa cagahooda. Jeeddadu waxay ahayd in eeyan ka fekerin in ay baxsadaan, bal ay mitidnimo ku diriraan ama ay halkooda ku dhintaan. Niyaddaa ay ku difaacayeen degmada, waxaa ka beeg cuslaa niyadda uu askariga Soomaaliyeed ku xoreynayay gobolka.  

Aagaggii magaalada ku hareereysnaa ayay Soomaalidu horey u fariisiyeen ciidamadoodii, iyaga oo qeybo ah. Markay saacaddu ahayd saddexdii habeenimo ayaa madaafiicdii Soomaalida ay hinraag bilaabeen. Ciidamadii cadowga waxaa lagu holciyay godadkii ay ku jireen. Madaafiicdii tayada lahaa oo ay wateen ururkii  Qabri-dahare ka yimid, waxay goobtaas ka geysteen raad aanan la ilaawi karin. Guutadii cusbayd qudheedu, waxay sabab u noqotay in niyadda ciidankii ay kor u kacdo. Jarib iyo kadeed badan ayaa cadowgii la baday. Qalabkii waaqlaha ahaa oo markaas Soomaalidii ay si wanaagsan isu barteen, waxba cadowgii waa u difaaci waayay. Weeraradii labada toddobaad socday baa ceebihii waaqlaha la bartay. Sidaa darteed waa layska caabiyay. Waxaa kale oo Soomaalidu ay magaalada ku weerareen intuusan waagu beryin, dayuuradihii dagaalka.  

" Ciidamada Soomaaliyeed waxay ahaayeen ciidan isku kalsoon oo si wanaagsan u garanayay qadiyaddooda. Islamarkaana qadiyadda ay wateen waxay ahayd mid sharci ah dibad iyo gudo. Dastuurka ayay inoogu tiil in shanta gobol oo gumeysigu kala gooyay laysu soo celiyo. Waxaanu arkaynay in dadka gobolku ay yihiin dadkeenii, dalkuna uu yahay dalkeenii. Arintaasi waxay sabab u ahayd in askariga dagaalamayay uu ku kalsoonaado in uu guul ku helayo (Eebe ka sokow) qalabka uu ku dagaalamayay. Waxaa kaloo gacan ka geystay dagaalka, hoggaanka saraakiisha aqoonta wanaagsan u lahayd howl-gallada dagaalka, iyo xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeyay askariga iyo sarkaalka. Arimahaasna waa wax uu xataa cadowgii inoo qirey ". (Wareysi aanu la yeelanay Jeneraal Cali Ismaaciil. 6/ 8- 2005.Soomaaliya. Boosaaso).  

Waagu markuu baryay, ayaa ciidamadii Soomaalida ay ku sikadeen dhankii degmada. Iyagu waxay ka yimaadeen laba jaho (waqooyiga iyo bariga). Ciidankii cagta oo ay hor-kacayeen gawaari-gaashaaman iyo taangiyo waxay si fudud u jebiyeen dhufeesyadii hore ee cadowga. Meyd badan oo cagaha ka xiran ayay halkaas kaga tallaabeen. Ciidankii danbe ayay foodda isa-saareen. Iyaga oo rafaad badan kala kulmay difaaca degmada, islamarkaana aanan wax taakulo ah haysan ayaa cadowgii waxay bilaabeen in ay dib u gurtaan oo ay meelo baro ah isku xoojiyaan. Laakiin waxaa u muuqatay in eeyan jirin fursad u hartay oo aanan ahayn ama is-dhiib ama geeri. Markaasay bilaabeen in ay baqa-cararaan. Ciidankii Soomaalida ee sooma-jeestayaasha ahaa baa markaas ku guuleystay in ay dacallada ka soo galaan degmada.  

Saraakiisha dagaalkaas sida wanaagsan u dagaalamay waxaa laga xusi karaa G/ Dh. Cali Xuseen, oo isagu talye xigeen ka ahaa guutadii uu Cali Ismaaciil hoggaaminayay. Gaashaanle Abshir Askar Xuseen, wuxuu odey ka ahaa howlgalka ciidanka. Isagu markii hore urur kumaandoos ah ayuu hor kacayay. Askartii ururkaas, dagaaladii ay horey u galeen ayay ku dhamaadeen. Xoogaa ka soo haray waxaa loo qeybiyay ururadii XD ee Dhagax-buur ka dirirayay. Dhamme Cabdullaahi Tima-jilic, goor danbe ayuu Harar ku shahiiday. Gaashaanle Muuse Joqraafi wuxuu hoggaaminayay taangiyadii ka dagaalamay halkaas. Gaashaanle Daahir Nuur iyo Gaashaanle Daahir Indha-qarsho oo labaduba ay hoggaaminayeen ururo madaafiicda goobta ah. Dhamme Axmad-dheere, wuxuu hagayay qoriga ugu tiirada dheeraa ee kamid ahaa qalabkii ay ciidankan wateen, kaas oo ahaa qori BM ah.  

Goor ay duhurnimadii ahayd ayaa magaaladii si buuxda looga sifeeyay cadowgii. Waxaa bartamihii magaalada ku kulmay raacii hore ee ciidamadii Soomaaliyeed ee labada aag ka soo weerartamay iyo saraakiishoodii. Laba toddobaad ayay dagaal ku jireen. Waxaa ka shahiiday sakar tiradoodu ay ku dhowdahay 300 oo nin. Rafaadka iyo daalka ciidankaas ka muuqday wejiyadooda, waxaa qarinayay dareenka farxadda leh oo ay ka dhaxleen guusha taariikhiga ah oo ay ku hanteen degmadii. Saraakiishii hagayay labada guuto ayaa, meel fagaaro ah waxay sureen calankii jabhadda Soomaali Galbeed iyo kii jamhuuriyadda Soomaaliya.  

Hayeeshee hal baa foolatayoon haybi leeyahaye

Inay tahay hantidi aan lahaa hubanti weeyaane

Hawaartiyo fartii baa ku taal iyo habeediiye

Anigoo aan hana-qaadin baa layga haybsadaye

Habkeediyo tilmaantana haddaan idin haleeshiiyo

Hashu wey irmaan tahay haddana cidi ma haaneedin

Waa galoof xabeeb badan haddana caanahaa hidiq leh

Wey haraatamaysaa hadana weyska hebedkaase

Waa hooto oo gaawahaa lagu haliilaaye

Waa horor dagaalama haddana Awr hayina weeye

Hogoshoo da'aysiyo xareed la hirqadaa weeye

Waa haroo haddana waa abaar lagu haraadaayo

Waa hoobaan bislaatiyo caleen kor iyo hoos buuxda

Haddana waa habaas duulayoo lagu hambaaseyne  (Firin)  

Guul-darradii cadowga kaga dhacday degmada, maahayn oo keliya magaalo lagala wareegay. Bal ciidamo tiro badan iyo qalab tayo leh ayaa halkaas kaga baxay oo wax gubtay iyo wax lagala wareegay noqday. Degmadaasi ay ahayd meeshii ugu maxaabiista badnayd , askartii is dhiibayay. Qabashadii Dhagax-buur waxay soo af-jartay marxaladdii labaad taariikhda dagaalkii Ogaadeenya. Dabadeed waxaa bilaabatay marxaladdii saddexaad ee dagaalka. Marxaladdan waxay ahayd isku-deygii ay Soomaalidu ku doonayeen in gacanta ay ku dhigaan degmooyinka halbowlaha u ah jiritaanka dowladda Itoobiya iyo is-haysadkeeda. Degmooyinkaasi waa Jig-jiga, Harar iyo Dirir-dhabe. Qiimaha istraateejiga ah iyo midka dhaqaale oo ay degmooyinkan u leeyihiin dowladda Itoobiya, waxaa ka hilan culus qiimaha macnawiga ah. Soomaaliduna baadi ka maqan oo ay tilmaanteedii heleen bay u arkayeen.  

" .................................. . Golayaal badan ayaanu ka caddeynay qadiyadda umaddaas u guuxaysa inay isu taliso kana tashato aayaheeda. Imbraadooriyaddii Xayle Selaesse oo indhaheeda laga dareemayay in ay gar-waaqsatay baaqa Soomaalida, maalinba maalin ayay ku ergan jidhay. Waa dulan laysla og yahay oo ay iskula dar-daarmeen, markaan gacan ku wadnay waan-waan nabad ka-talin ah, gacanta kale waxaanu ku celinaynay hirarka buux dhaafayay ee gobanimo-doonka ah. Maxaa wacay, waxaanu aaminsannahay, haddaanu nahay curadkii umad-weynta Soomaaliyeed, in ay maskaxdu taliso oo laga war-wareego cabaynta qoriga. Haddaba su'aasha uu waqtigu keenay waxay tahay : Ma la timid garasho ay ku fahamto, imbraadooriyadda macangagga ah, waanada JDS ? War celintu waa maya. Bal waxaa u soo baxay talis mujrim ah oo ku miyir daboolmay malafsiga dhiigga maatida ". (Maqaal uu qorey nin la yiraahdoYuusuf Iimaan. Wargeyska Xiddigta Oktoober.Tirsigiisii soo baxay 23/ 7- 1977-kii. Muqdishow - Soomaaliya).

Saadiq Enow

Waa socotaa.... Gadaal ugu noqo casharadii hore

Dr. Saadiq Enow
enow2@hotmail.com


Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.