Casharkii
VI-aad
Bishii nofember, sanadkii
1963-kii ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqay heshiiskii
ciidan-dhiska ahaa ee dhex-maray Soomaaliya iyo Midowga
Soofyeeti. Tallaabadaas ayaa waxay ka danbeysay socdaalladii
isdaba-jooga ahaa oo uu ra'iisul wasaarihii Soomaaliya
iyo taliyihii ciidamada xooga dalka ay isaga danbeeyeen
oo ay ku tageen dalka USSR. Bishii agosto ee sanadkaas
waxaa Moosko ka degay Dr.
Cabdirashiid Cali Sharmaarke,
bishii xigtay ee sebtember waxaa isna ka degay Jeneraal Daa'uud Xirsi. Inkasta oo Ruushku uusan ku qanacsaneyn in uu
taageero u fidiyo dowlad xambaarsan aragti reer galbeed,
misana waxaa u muuqatay, kaalmada uu bixinayo in ay
sabab u noqon karto in Soomaaliya uu mustaqbalka ka
abuuro xukun shuuci ah. Sidaa darteed ayuu la soo
deg-degay fulinta is-kaashigii uu la saxiixday masuuliintaa
Soomaaliyeed.
Taasi waxay walaac ku abuurtay dowladdii uu hoggaamiyaha
ka ahaa boqorkii dahirnaa (sida uu sheegan jiray)
ee Itoobiya. Sidaas ayaa ayuu ku curtay dagaalkii
ka dhex shidmay labada dowladood ee deriska ah bilowgii
sanadkii 1964-kii. Boqor
Xeyle Selaesse wuxuu gudoonsaday in uu Soomaalida kala hor maro
dharbaaxada colaadeed, si uu u shiiqiyo hanka dowladnimo
oo Soomaalida ku abuurmay iyo damaca ay u lahaayeen
in ay bahdood gole mid ah ku ururiyaan. Boqorku wuxuu
si buuxda u ogolaaday taladii janankiisa daacadda
u ahaa Amaan Maichal Andom ee ahayd qorshaha duulaanka Soomaaliya.
Dhan kale waxaa kordhay tiradii ciidanka Jabhadda
Xoreynta Soomaalida Galbeed ee Xabashidu Gumeysato,
kuwaas oo falal jid-gooyo ah ka waday gobolka lagu
muransanaa ee Ogaadeenya. Tirada jabhadiinta ayaa
waxay gaartay 3.000 oo nin. Raggaasi waxaa u hub ahaa
303 qori oo ah nooca xabad keliyaalaha ah. (National
and Class Conflict in the Horn of Africa, by John
Markakis, 1987, p. 178).
 |
|
Xayle
salaase oo kormeeraya ciidankiisa cirka Waqtigii
dagaalkii 1964-kii [source:acig]
|
Ciidamada Itoobiya, xilligaas
waxay ka koobnaayeen afar gaas ( 40.000 oo nin), kuwaas
oo sitay qalab casri ah oo ay ka heleen kaalmo ay
dowladda Mareekanku u fidin jirtay dalka Itoobiya.
Afarta gaas waxay kala fadhiyeen Ereteriya, gobollada
koonfureed, Addis-ababa iyo nawaaxiga degmada Harar.
Gaaska III-aad ee fadhigiisu ahaa Harar ayaa wuxuu
ka masuul ahaa ilaalada gobolka xasaradu ka taagneyd
ee Ogaadeenya. Tirada ciidanka gaaskaasi wuxuu dhamaa
10.000 oo nin. . Itoobiya waxay xilligaas ahayd dowladda
ugu ciidanka wanaagsan, uguna qalabka culus dowladaha
ku yaal qaaradda Afrika ee ka hooseeya saxaraha. (Ibid, p. 179).
14/ 1- 1964-kii ayaa ciidamadii
Itoobiya ay fariisimahoodii ka soo dhaqaaqeen, iyaga
oo weeraro lasoo beegsanaya fariisimihii jabhaddu
ku lahayd gobolka. Dagaalkoodii waxay ka bilaabeen
baadiyaha magaalada Jigjiga. Dabadeed waxay u soo
tallaabeen in ay weeraro lu soo qaadaan degmooyin
istraateeji ah ee ka ku yaal xuduudda dhererkeedu
yahay 1.600 km. oo dowladda Itoobiya ay la leedahay
Soomaaliya. Dowladdii Soomaaliyeed ayaa arinkaa waxay
kaga jawaabtay in ay heegan geliso ciidamadeedii oo
tiradoodu aanan dhameyn 3.000 oo nin, isla markaasna
ay u soo daad-gurayso xuduudda ay la leedahay Itoobiya,
meelo ku beegan fariisimihii ciidankii Xabashida.
Gumaysigu
hashuu naga dhacay een gurayay raadkeeda
Guyaal iyo guyaal badan hashii gama'a ii diiday
Goobtay istaagtaba hashaan joogay garabkeeda
Guuraha habeenimo hashaan gebi walba u jiidhay
Gaashaandhigeedii hashuu galowgu eedaamay
Hashii geeddankeedii rag badan goodku ku casheeyay
Garre iyo guntane maalintay gees isugu booday
Allaa noo gargaaree xornimo nooma-may garane
Geeraarradeedii hashaan annigu googooyay
Galool iyo maraa iyo hashaan gediga geylaanshay
Gaajiyo harraad badan hashaan ugu garaacaayay
Goortuu sidkeedii go'aye galabtii foolqaaday
Ayadoo candhada giijisay oo godol ku sii deysay
Garaad midan lahayn bay la tahay waad ka gaagixine
Annagoo gantaalaha dhaciyo haysan qori gaaban
Hashaan gaadda weynow libaax uga gaboon waayay
Inaan Goraya-cawl uga tagaa waa hal soo gudhaye
Caashaqii Soomaalidu ay
u qabeen ilaalada Maandeeq ayaa sababay in wiil iyo
waayeel loo gurmado xuduudda. Inkasta oo ay ka tayo
liiteen ciidamada Itoobiya, misana waxaa Soomaalida
kaalmo u noqday dhulka lagu dirirayo oo howd ahaa
iyo waddooyinka oo aanan wanaagsanayn. Arintaasi waxay
fursad wanaagsan siisay in ciidamadii jabhaddu ay
ugaartaan ciidamada Xabashida iyo gaadiidkii ay saaraayeen.
Waxaa intaa weheliyay niyadda birta ah oo ciidamada
Soomaaliyeed ay u hayeen difaaca qaranimadooda.
Ciidankii jabhadda oo xilligaas
lix bilood dagaalka ku jiray ayaa waxay u baahdeen
qoryo iyo rasaas. Xamar baa waxay u soo dirsadeen
nin ka qeylo-dhaan geeya. Ergeyga jabhadda ka yimid
waxaa magaciisa la yiraahdaa Yuusuf Axmad Gaas.
Inkasta oo ciidamadii Soomaaliyeed eeyan haysan hub
fiican oo ay deeq ka bixiyaan, misana waxay isku deyeen
intii karaankood ah in ay ka turjumaan qadiyadda qowmiyadeed
ee uu shacabka jamhuuriyadda gebi ahaantoodba aaminsanaayeen
ee ahayd xaqa aaya ka taliska ah, beelaha Soomaaliyeed
ee ku haray gacanta gumeysiga. Taasi waxay keentay
in Jeneraal Daa'uud Xirsi uu qaato go'aan uu keli ku ahaa. Bakhaaradii
hubka ugu kaydsanaa ayuu ka bixiyay 180 qori oo ka
casriyaysan kuwii ay jabhaddu hore u haysteen. Dabadeedna
wuxuu gudoonsiiyay ergeygii jabhadda. (Ibid, p. 179).
Waxaa xusid mudan, dowladda Masar oo markiiba soo kabtay baahidii
ay Soomaalidu u qabeen qoryaha. Dowladdii uu hoggaaminayay
Jamaal Cabdi Naasir ayaa si dhakhso badan waxay Soomaalidii
u soo direen 5.000 oo qori, noocii loo yiqiin Xakiim,
kuwaas oo dowr wanaagsan ka qaatay dagaalkaas. (National
and Class Conflict in the Horn of Africa, by John
Markakis, 1987, p. 178).
7/ 2- 1964-kii ayaa ciidamada
Soomaaliyeed ay weerar ku qaadeen meelihii ay soo
fariisteen Itoobiyaanka. Goobaha laysaga hor yimid
waxaa kamid ahaa degmooyinka Tog-wajaale, Gorayaalo,
Wardheer, Feer-feer iyo Doolow. Soomaalidu waxay ku
guuleysteen in ciidamada Itoobiya ay ka kiciyaan tuulooyin
xuduudda ku yiil oo ay qabsadeen. Waxaa kale oo jiray
in Itoobiyaanku ay dayuurado ku soo weerareen degmooyin
ay kamid yihiin Hargeysa, Gaalkacayo iyo Beled-weyne.
Dhaawac naf iyo maalba leh ayay halkaas kaga tageen.
Waxaa xusid mudan in ciidanka cirka ee Itoobiya uu
xilligaas dhisnaa muddo 20 sano ah.
Hubkii ay wateen ciidamada
Itoobiya iyo hankoodii waa uu noqon waayay mid ay
ku gaaraan yoolkii ay higsanayeen ee ahaa in muddo
48 saacadood ah ay ku qabsadaan Hargeysa iyo Berbera.
Inkasta oo ciidamada Soomaalidu ay ka tiro iyo tayo
yaraayeen kuwa Itoobiya, misana niyad bir ah iyo mitidnimo
ayay ku dirireen. Shacabka Soomaaliyeedna hiilo aanan
xad laheen ayay ka heleen. Taasi waxay dheeli-tir
u keentay miisaankii ciidameed ee u janjeeray dhanka
Itoobiya.
Abwaan Cabdullaahi
Macallin Axmad (Dhoodaan) oo kamid
ahaa raggii dagaalkaas ka qeyb galay ayaa isla markaasna
wuxuu kamid ahaa abwaanadii inoo reebay maansooyinka
taariikhiga ah ee wax inooga bidhaaminaya colaaddaas.
Dhoodaan oo ka waramaya hankii Soomaalidu ku dagaalamayeen
iyo halka xilligaas ay tiigsanayeen, gaar ahaan kuwii
ka qeyb qaatay fara isa-saarkii dagaalka. Dhoodaan, waxaa tixihiisii kamid ahaa :
Rag
intaad colowdaan haddii caasha lays geliyo
Oo ciidan laysula tagoo saanaddii caloowdo
Qolo ay la ciirtaba markaa waa in lays cunoŽe
Haddaad tahay colow kii la baray calanse loo dhaarshay
Amaad adigu ciidaad lahayd cadow ka reebayso
Inaad cararto waxaa kaaga roon caawadaa dhimoŽe
Dabayaaqadii bishii
maarso ee sanadkaas, Soomaalidu waxay isku diyaarinayeen
doorashooyinkii II-aad ee barlamaanka, muddadii xorta
la ahaa. Ra'iisul-wasaare Cabdirashiid
Cali Sharmaarke, isaga oo ka hadlaya dagaalka
ku furan umadda Soomaaliyeed iyo baahida loo qabo
in doorashada ay xilligeeda dhacdo ayuu ka khudbeeyay
idaacadda. Waxaa hadalladiisii kamid ahaa ooraah caan-baxday
ee ahayd :
'' Gacanna doorashada ayaanu
ku dhiibeynaa oo dowlad baanu ku dhisaneynaa, gacanna
dagaalka ayaanu ku wadeynaa oo dalka ayaanu ku difaacaneynaa
''.
Dagaalkaas oo loo yaqaan (Dagaalkii Ogaadeenya
ee I-aad) ayaa wuxuu socday muddo laba bilood ah.
Labada dal ee diriray midkoodna natiijo guul ah kama
uusan gaarin colaadan. Dhanka Soomaalida, waxaa ku
yaraa tirada ciidanka iyo hubka dhanka Itoobiyaankuna,
waxaa hooseeyay niyadda ay ku dirirayeen. Sidaa darteed
ayay is mari waayeen oo midkoodna uusan guul kala
tegin. Soomaalida waxaa guul macnawi ah u ahayd in
ay iska caabiyeen dowlad ku soo duushay oo ay dhul
ku sheeganayeen, wax badanna ka xoog weyn. Tixihii
Dhoodaan baa waxaa kamid ahaa :
Mar
haddii cabaar laysku riday mootahaa culuse
Oo wiilal ciiddu u qodnayd lagu cardiiqeeyay
Oo caaro-dhuub waalan iyo aarmi la cabaystay
Xabashida inaan ceyrinaa caaday noo tahaye
Waxaa
arinkaas weheliyay Dagaalkii Qaboobaa oo xilligaas
aanan soo gaarin qaaradda Afrika. Dowladaha waaweyn
ayaa markaas ku mashquulsanaa sidii ay qaaradda Yurub
ugu kala sad-badsan lahaayeen. Sidaa darteed midkoodna
diyaar uma ahayn in uu hub ugu deeqo dowladaha ku
dagaalamaya geeska qaaradda Afrika.
Dowladda USSR, waxay Xamar
iyo Addis-ababa u soo dirtay wasiir xigeenka arrimaha
dibadda. Wuxuu labada dowladood gaarsiiyay fariin
uu ka siday dowladdiisa oo ahayd in ay dagaalka
joojiyaan, khilaafka dhexyaalna ay si nabad ah ku
xaliyaan. Mareekanka ayaa isna dhankiisa ugu baaqay
in si nabad ah lagu xaliyo muranka ka dhexeeya labada
dal, isla markaas wuxuu raaciyay in Soomaaliya ay
joojiso gardarooyinka ay ku kacayso. (Al-siyaasa Al-dowliya. Tirsiga 54-aad. s.23).
Isla xilligaas waxaa
jiray baaq uu soo saaray Ururka Midowga Afrika oo
uu kaga codsanayo labada dowladood in ay joojiyaan
dagaalka ka aloosan xuduuddooda, khilaafkooduna ay
si nabad ah ku xalliyaan. Labada dowladood oo diriray
midkoodna dagaalka ma uusan sii wadi karin. Sidaa
darteed ay u ogolaadeen baaqii OAU-da. Madaxweyne Cabuud-kii
Suudaan ayaa magaalada Khartuum waxuu ku qaabilay
labadii wasiir dibadeed Cabdullaahi
Ciise iyo Ketema Yifru, kuwaas oo kala saxiixday heshiis xabad
jiijin ah markay taariikhdu ahayd 6/ 3- 1964-kii.
Waxaa heshiiskaas kamid ahaa in ciidamada laga qaado
xuduudda masaafo 15 km ah, iyo in la joojiyo dicaayadaha
laysku hayo.
Waa
socotaa.... Gadaal
ugu noqo casharada