Casharkii VII-aad
 |
| Allaha
u naxariistee Cabdirashiid oo si Farxad leh Xilkii
Ra'iisal Wasaaranimo ugu Wareejinaya Cabdirasaaq
xaaji Xaseen. |
26-kii bishii maarso, 1964-kii ayay dhacday doorashadii
barlamaanka Soomaaliyeed, iyada oo kululaanshihii dagaalku
uusan weli qaboobin. Bil kadib, Dr.
Cabdirashiid C. Sharmaarke ayaa madaxweynihii
jamhuuriyadda ku wareejiyay xilkii ay dowladdiisu haysay.
7/ 6- 1964-kii, madaxweyne Aadan
Cabdulle wuxuu ra'iisul-wasaare u magacaabay
Cabdirisaaq Xaaji Xuseen, oo kamid ahaa
halgamayaashii Leegada. Isla markaas madaxweynuhu wuxuu
faray raŽiisul-wasaaraha cusub in uu soo dhiso xubnihii
hoggaamin lahaa dowladda. Xilligaas qallafsan ayay labadii
masuul (Cabdirashiid iyo Cabdirisaaq) isku dhaafsadeen xilkii ay
hayeen si kalsooni iyo niyad-wanaag leh oo ka duwan
anaaniyada maanta ku fitaaxday Soomaalida.
15/ 7- 1964-kii, raíisul-wasaare
Cabdirisaaq Xaaji wuxuu
barlamaankii u soo bandhigay dowladdii uu dhisay,
taas oo markiiba ay waajahday dhibaato kaga timid
gudaha, kadib markii ay weyday kalsoonidii xubnihii
barlamaanka. Bil kadib ayaa dowlad labaad la soo dhisay,
taas oo ku guulaysatay in ay hesho codka intii badnayd
ee fadhiday barlamaanka taariikhdu markay ahayd 27/
8- 1964-kii. Dabadeed dowladdii cusbayd ayaa sidaas
lagu ansixiyay.
RaŽiisul-wasaaraha cusubi, wuxuu talada qabtay iyada
oo qadiyadda dhulalka maqan ay goŽdoon tahay. Dowladdii
Soomaaliyeed waxay marar badan isku deyday in ay taageero
ka raadiso ururkii midnimada Afrika OAU. Sidii dowladdii
ka horeysay ay ugu hungowday ayaa dowladdii Cabdirisaaq-na
ay ugu hungowday. Taasina waxay ka dambeysay, dowladihii
xubnaha ka ahaa ururka oo qaatay aragtidii ku salaysneed
in xudduudaha Afrika sidooda loo dhaafo.
Waxaa xusid mudan in madaxweynihii Soomaaliya Aadan Cabdulle Cismaan, uu ka qeyb galay fadhigii ugu horeeyay oo OAU-da
ee lagu qabtay Addis-ababa sanadkii 1963-kii. Wuxuu
halkaas ka jeediyay khudbad uu ku cadeynayo sida uu
u diidan yahay in gobolka Ogaadeenya loo aqoonsado
dhul Itoobiya leedahay. Wuxuu si xoog leh u naqdiyay
aragtida oraneysa in xudduudaha Afrika loo daayo sidii
uu gumeysigu kaga tegay. Madaxweynaha Soomaaliyeed
wuxuu arintaas ku tilmaamay mid salka ku haysa siyaasad
khaldan oo aanan cadaalad ku dhisnayn, taas oo tilmaameysa
mowqif dib u gurasho ah oo looga dhuumanayo geesinimadii
ku haboonayd in lagu waajaho dhibaatada uu gumeysigu
kaga tegay Afrika iyo xal u-heliddeeda. Hadalladii
uu madaxweynuhu halkaas ka jeediyay waxaa kamid ahaa
:
" Aragtidaasi waxay muujinaysaa sida gaaban
oo aanu u fekereyno, haddiiba uu ururku dhinac iska
marinayo qadiyadaha inoo yaal oo matalaya nolosheena
dhabta ah ". (Daahir
Maxamuud Geelle, risaalad uu ku diyaariyay shahaado
majisteer, Qaahira, 1995-kii, s. 64).
Madaxweyne Aadan Cabdulle
Cismaan, wuxuu dowladihii
ururka ka codsaday in ay fiiro u yeeshaan dhibaatada
gaarka ah oo dadweynaha Soomaaliyeed ka heysata xudduudaha
la farsameeyay, kuwaas oo kala teeday shacab mid ah
oo walaala ah.
Dowladdii cusbayd oo uu Cabdirisaaq dhisay,
sidii middii ka horaysay, waxaa gacanta sare ku lahaa
xisbigii SYL. Cimilada qallafsan ee dowladda ka haysatay
siyaasadda dibadda waxaa u weheliyay culayska ka haystay
gudaha. Taas oo ka timid xisbigii Leegada markii uu
noqday awood ballaaran, wuxuu waayay xoog ku mucaarad
ah oo talada kula loolama. Markaas, sida caadadu tahay,
waxaa bilaabatay in dhexdiisa uu ka abuurmo mucaarad.
Arintaas waxay sababtay in madaxweynihii Soomaaliya
iyo raŽiisul-wasaarihiiba ay ka cudur-daartaan ka
qeyb-galka fadhigii OAU-da ee ka dhacay Qaahira bishii
juun 1964-kii. Wafdigii Soomaalida uga qeyb galay
shirkaas waxaa hoggaamiyay wasiirkii arimaha dibadda
Axmad Yuusuf Ducaale.
Waxaa wafdiga lama filaan ku noqday, qodob uu golaha
si kedis ah u keenay madaxweynihii Tansaniya Julius Nyerere,
taas oo oranaysay in loo codeeyo aragtida ah in xudduudaha
Afrika loo dhaafo sidii uu gumeysigu kaga tegay. Xubnihii
fadhiga yimid, intoodii badnayd, waxay u codeeyeen
in xudduudaha aanan la fara-fareyn. Wafdigii Soomaaliduna
wax u bannaanaa oo kale ma jirin, aanan ka ahayn in
ay mowqif diidmo ah ka istaagaan aragtidan ay ku dulmanaayeen.
Inkasta oo dowladda Masar oo martida loo ahaa ay u
muuqatay mid garab taagan qadiyadda Soomaalida, misana
waxay u codeysay in xudduudaha sidooda loo daayo.
Csimaan Yuusuf Keenadiid baa wuxuu lahaa tix oraneysay :
Arki maysid sebenkaan wixii aaddanaan jiraye
Axdi kaad la dhigataan hadhow loogu imanayne
Inkastood ikhyaar tahay nimaad aamintaan jirine
Kadib markii Soomaalidii looga adkaaday dagaalkii
diblomaasiyadeed ee qaaradda gudaheeda, iyaga oo weli
curdan ah ayay isku deyeen in ay gacan ka raadiyaan
saaxiibo ka baxsan qaaradda Afrika oo ay u kaashadaan
qadiyaddooda. Taladaas ayay ku timid fadhigii dowladaha
Islaamka ee lagu qabtay Xamar bishii disember 1964-kii.
Fadhigaasi, Soomaalidu si wanaagsan bay ugu soo bandhigeen
dhibaatada ka haysata xuduudda, iyaga oo codsaday
in gacan laga siiyo arintaas. Xubnihii matalayay dowladda
Suuriya oo keliya ayaa arintii booriyay oo dowladaha
fadhiga yimid ku dhiiri geliyay in ay qadiyaddan taageeraan.
Waxaase jirtay in arintii laga gaabsaday.
Sanadba sanadka xigay, waxaa soo if-baxayay farqiga
weyn ee ku kala jiray siyaasaddii barlamaanka Soomaaliyeed
ee shacabka lagu hoggaaminayay iyo mowqifka caalamiga
ah ee diidan in uu debec u muujiyo Soomaalida iyo
qadiyaddooda. Sidaa darteed ayaa raŽiisul-wasaare
Cabdirisaaq X. Xuseen iyo
dowladdiisii waxay ku dadaaleen in ay ka baaxaan siyaasadda
ciriiriga ah ee dibadda ka haysatay. RaŽiisul-wasaaruhu,
isaga oo aanan ka tanaasulin qadiyaddii dhulka inaga
maqan, ayuu misana debciyay siyaasaddii ku dhisnayd
caadifadda Soomaalinimo. Bishii oktoober 1965-kii,
dowladdu waxay heshiis la dhigatay Itoobiya ku saabsan
in dicaayadaha la joojiyo.
Isla markaas dowladdu waxay
gacan siisay raggii qadiyaddatan u halgamayay. Waxaa
ay howlahooda u gacan baneysay wasaarad ay lagu magacaabay
Danaha Soomaaliyeed, taas oo wasiir looga dhigay Shiikh
Maxamuud Maxamad Faarax
(Maalin-guur). Shiikhu wuxuu kamid ahaa halgamayaashii magaca
weyn ku lahaa ururkii Leegada. RaŽiisul-wasaare
Cabdirisaaq Xaaji, mar
uu la kulmay xubnihii madaxda ka ahaa Jabhaddii Xoreynta
Soomaali Galbeed, wuxuu si toos ah ugu sheegay in
nabadgelyada qarannimada Soomaaliyeed ay halis ku
jirto, sidaa darteed ay mudan tahay in loo kaadsado
howlaha halganka oo lala sugto xilli kale. (National
and Class Conflict in the Horn of Africa, Jhon Markakis,
1987, p. 180).
Cabdirisaaq X. Xuseen wuxuu
kamid ahaa halgame ku soo caan baxay dhaq-dhaqaaqii
ururkii Leegada. Sida uu BBC-da ka sheegay, madaxda
Soomaaliyeed waxaa lagu doortay in ay ahaayeen hormoodkii
ururkaas oo xilligii gobanimo-doonka, mana eeyan lahayn
khibrad siyaasadeed oo ay kaga tallaabsadaan qodxaha
diblomaasiyadeed ee hor-tiil. Isla markaas Soomaalidu
malahayn dad reer magaal ah oo iyaga ka waaya-aragsan.
Dadaal bay ka ahayd in ay la kufaa-kacaan hoggaanka
talada dalka, iyada oo eeyan jirin cimilo siyaasadeed
iyo qowmiyado la caadifad ah oo u hiiliya. RaiŽiisul-wasaaraha
kama uusan tanaasulin qadiyaddii Ogaadeenya, laakiin
wuxuu qabay in laysu diyaariyo xilli ay kaga haboon
tahay in la halgamo. Xilligii Cabdirisaaq bay ahayd
markii magaalada Garoowe laga furay xero ay ku tababartaan
dhallinyaro jabhad ah, kuwaas oo laga soo ururiyay
gobolka Ogaadeenya. Tirada ragga halkaas isugu yimid
waxay gaarayeen 1.200 oo nin. (Ibid,
p. 181)
Siyaasaddii gudaha, raŽiisul
wasaaruhu wuxuu ku jaheeyay in uu xooga saaro wax
ka qabadka hannaanka dowladda iyo muŽasasaadkeeda.
Wuxuu ku dadaalay in uu la dagaalamo anshax-xumida
maamulka iyo xafiisyada dowladda oo ay kamid tahay
eexda, qabyaaladda iyo laaluushka. Inkasta oo ay soo
waajahday dhibaatooyin siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale,
misana Cabdirisaaq waxaa lagu amaanaa in uu isku deyay in uu dhiso
muŽasasaad ay dowladdu ku caga-dhigato.
Dowladdii Midowga Soofyeeti ayaa dhankeeda mar kasta
ka sii kordhinaysay kaalmada ciidan iyo midka dhaqaale
oo ay u fidinaysay Soomaalida. Danta uu Soofyeetigu
ka lahaa arintan maahayn mid dhaafsiisan istraateejiyadii
ahayd in uu Soomaaliya ka dhigto albaab uu Afrika
ka galo, si uu qaaradda meel weyn uga helo uu kula
loolamo reer galbeedka. Sidaa darteed ayuu wuxuu qorsheeyay
in uu Soomaaliya ka abuuro cimilo mustaqbalka u hiilisa
sidii dalka looga heli lahaa kawaadir badan oo ku
qanacsan aragtida shuuciyadda, kuwaas oo wax ka hogaamiya
talada dalka.
Sanadkii 1967-kii, dagaalkii la magac baxay Dagaalkii
Lixda Maalmood ee dhex maray dowladda IsraaŽiil iyo
qaar kamid ah dowladihii carabta, ayaa quus ku kordhiyay
qadiyaddii Soomaaliyeed. Taasina waxay ka dambeysay
markii dagaalka looga adkaaday dowladihii Carbeed
ee Soomaalida la saaxiibka ahaa. Niyad-jabka ay qadiyadda
Soomaaliyeed ka dhaxashay dagaalkaas waxaa weheliyay,
dhaawac dhaqaale oo dagaalku uu ku reebay dowladda.
Dagaalku wuxuu xiray biya-mareenkii Suweys. Waxaa
wareeg dheer, oo saddex jibaar ku dhow, uu galay waddadii
lagu dhoofin jiray muuska oo ahaa halbowlaha walxaha
ay Soomaalidu dibadda u dhoofin jireen. Waxaa kale
oo guud ahaan hoos u-dhac ku yimid dhameystirka mashaariicdii
hor u marinta dhaqaale ee ku jaan goŽnaa qorshe-dowladeedkii
shanta sano ahaa oo ay dowladdu horay u dejisay. Sidaa
darteed ayaa dowladdu waxay goŽaansatay in muddo saddex
sano oo dheeri ah (1967-1970) la siiyo mashaariicdaas.
(National and Class
Conflict in the Horn of Africa, Jhon Markakis, 1987,
p. 228).
Bishii maarso 1967-kii, madaxweynihii
cusbaa Dr. Cabdirashiid Cali Sharmaarke wuxuu Maxamad Ibraahim
Cigaal u doortay raŽiisul-wasaare
hoggaamiya dowladda cusub. Inkasta oo Cigaal
loo arkay hoggaamiye geesi ah oo ka danbeeyay
midnimadii labada gobol ee Soomaaliyeed, misana masuuliyaddii
uu qabtay waxay noqotay mid ay Soomaalidu dood badan
geliyaan. Waayo waxay hoos u dhigtay rajadii loogu
halgamayay qadiyaddii dhulalka Soomaalida ka maqan.
RaŽiisul wasaaraha cusubi wuxuu isku deyay in uu debciyo
xiriirka sii xoogoobaya oo Soomaalidu ay la yeeysheen
USSR, halkiisana ay galaan dowladaha reer galbeedka,
gaar ahaan Mareekanka. Wuxuu qaaday tallaabooyin uu
ku qaboojinayo kuleylkii dhex-yiil Soomaaliya iyo
dowladaha deriska ah (Keenya iyo Itoobiya). Waxaa
la xiray xeradii tababarka ka socday ee Garoowe. Wasaaraddii
Danaha Soomaaliyeed waxaa lagu magacaabay nin la yiraahdo
Maxamad Shiikh Yuusuf oo ku magac dheer (Derbi), kaas oo ahaa
siyaasi lagu yaqaan mowqif aanan is rog-rog lahayn
inflexibility. RaŽiisul wasaaruhu isaga oo
hoggaaminaya wafdi Soomaaliyeed ayuu fadhi OAU-du
ku lahayd magaalada Kambala (Ugaandha) uu kaga khudbeeyay
in dowladdiisu ay xushmeynayso xuduudda Keenya, isla
markaasna ay ilaalinayso isu-socodka lagaga tallaabsanayo
xadka. (Ibid, p. 181 & 185).
Arintaasi waxay ku dhamaatay heshiiskii degmada
Caruusha (Tansaaniya) ay ku gaareen raŽiisul-wasaaraha
Soomaaliyeed Maxamad I.
Cigaal iyo madaxweynihii Keenya Jomo Kenyatta. Qodobka
koowaad oo ah midka ugu hilan cuslaa ayaa lagu qeexay
in labada dowladood ay is-dhaafsadaan xushmad mid
walba loogu aqoonsanayo urusanaanta dhulkeeda iyo
is-heysashada gobolladeeda. Tanaasulka ay dowladda
Soomaalidu samaysay waxna kagama eeyan beddelan dowladdii
Keenya.
RaŽiisul-wasaare Maxamad I. Cigaal, isaga oo arintan ka waramayay ayuu wuxuu ka
sheekeeyay waxa ku khasbay goŽaanka uu qaatay. Wuxuu
ka waramay mar uu niman madax ah oo u dhashay dalka
Ingiriiska uu weydiiyay sababta ay NFD ugu dareen
gobollada Keenya. Waxay ugu jawaabeen sidan :
" Soomaaliya waxay ku tagtay in ay gowrac u
noqoto danaha dowladaha waaweyn ". (Daahir Maxamuud Geelle, risaalad uu ku diyaariyay
shahaado majisteer, Qaahira, 1995-kii, s. 67).
Raggaa Ingiriiska ah waxay sheegeen
in boqorkii Itoobiya uu ku calaacalay dowladda Mareekanka
isaga oo ka baqaya haddii NFD ay Soomaaliya raacdo,
in Ogaadeenya iyo Jabuutina ay raacayaan. Dabadeed
Madaxweynihii Mareekanka J. F. Kennedy ayaa Ingiriiska ka codsaday in NFD aanan
Soomaaliya la raacin. Si kastaba ha ahaatee, heshiiskii
Caruusha wuxuu ahaa mid aanan soo dhoweyn ka helin
dad-weynihii Soomaaliyeed. Waxaase jirtay in heshiiska
laga ansixiyay barlamaanka 22/ 11- 1967-kii.
Waxaa kale oo xilligaas jiray shiddo dowladda
Soomaaliyeed ka haysatay gudaha oo ahaa dagaallo sokeeye
oo ay beelaha reer miyiga ahi isku baabiŽinayeen.
Kaas oo ku baahay dhulkii ay ka talinaysay jamhuuriyadda
madaxa bannaan. Waxaa tusaale loo soo qaadan karaa
colaad 40 jirsatay oo ka dhex aloosnayd beelaha Abgaal
iyo Murursade, taas oo baaluq noqotay xilligii dowladdii
Cigaal. Waxaa xoog ku qaboojiyay ciidamada la wareegeen
talada dalka. Dagaallada xilligaas socday ee ku faafay
inta badan gobollada Soomaaliya, ayay ahaayeen kuwuu
ka gabyay Cabdullaahi Suldaan
(Timacadde) markii uu
lahaa :
Ubadkiinii waad daadiseen waadna
dubateene
Dubaaxdiisi waad wada cunteen duhur dharaareede
Dariiq toosan Soomaaliyay waa lagaa dedaye
Darajada Ilaahay ninkii doonayaa helaŽe
Nin ka duday dastoorkiyo waxyiga diinta ka carowye
Dugsi maleh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane
Tallaabadii uu qaaday raŽiisul-wasaare Cigaal, ee ahaa aqoonsiga xudduudaha, waxay rajo weyn
ku abuurtay dowladdii Mareekanka. Waxay arintaasi
kaga jawaabtay in ay Soomaaliya u soo dirto madaxweyne
ku xigeenkoodii Hubert
Humphrey, kaas oo Xamar
yimid bishii janaweri 1968-kii. Qiimeyntii masuulka
martida ah siiyay tallaabooyinkii ay dowladda Soomaaliyeed
qaaday ayaa dhalisay in raŽiisul-wasaarihii Soomaaliya
uu bishii maarso ee sanadkaas u kicitimo magaalada
Washington. M. I. Cigaal, socdaalkiisii
kama uusan soo helin kaalmadii dhaqaale oo uu rajeynayay.
Sababtuna waxay ahayd, dowladdii madaxweyne Lyndon
B. Jhonson oo ku mashquulsanayd
howlaha samafalka ah welfarism oo dalka gudihiisa
laga hirgelinayay iyo qorshayaasha dagaalka warfarism
ee Fiyetnaam. Soomaaliyana xilligaas maahayn degaan
kamid ah meelaha istraateejiga ah oo Mareekanka uu
ahmiyadda siinaysay. Waxaa taas wehelisa caadifadda
u janjeerta Itoobiya ayaa dowladda weyn waxay u diidaysay
in ay Soomaaliya u fidiso kaalmo ay ku caga-dhigato.
Sidaas baa dowladdii Soomaaliyeed
ay ku weyday qadiyaddoodii iyada oo uu soo food saaray
xilli uu dhaqaalihii hoos u dhacay, khilaafkii qabiilkuna
uu cirka isku shareeray. Odey Soomaaliyeed oo ka quustay
hanaankii ay siyaasiyiintu wax ku wadeen ayaa doorashadii
ugu danbeysay tix afar beyt ah ka tiriyay. Odeygaas
oo magaciisa la yiraahdo Cali Aadan Ciye ayaa
diiday in uu dhameystiro gabeygaas. Wuxuuse ballan
qaaday in haddiiba uu gaaro doorashada danbe, uu markaas
dhameystirayo gabeyga. Dhowr bilood dabadeed waxaa
dhacay afgembigii ay ciidanku talada kula wareegeen.
Tixdii Cali Aadan waxay ahayd
sidan :
Haddaan woodka woodkiisa
kale weyda lagu raagin
Nin wanaagsanaan
jiray hadduu midab waraaboobin
Ninkii wiil ahaan jiray hadduu waabta ka adeegin
Meeshiyo wareegsane haddaan Galowgu wiireynin
Waa
socotaa.... Gadaal
ugu noqo casharada