Dowladdii Soomaaliyeed ee rayidka
ahayd waxay arimaha qaranka ku maamulaysay tab siyaasadeed
ee hannaan dimoqraadi ah, isla markaasna ku sidkan
dowladaha reer galbeedka oo ay xilligaas ka helaysay
taakuleyn xagga dhaqaalaha. Soofyeetiga oo damac
xoog leh kaga jiray in uu reer galbeedka kala wareego
degaankan, ayaa ka codsaday madaxweyne Cabdirashiid Cali in
uu Berbera ka siiyo fariisimo ciidameed. Madaxweynaha
Soomaaliyeed waa uu ka diiday, isaga oo degaanka
ka ilaalinayay in uu kamid noqdo fagaaraha ay xoogagga
waaweyni kula gal-galanayaan hardankoodii ahaa Dagaalkii
Qaboobaa. Mareekanka ayaa isna dhankiisa aanan ku
qanacsanayn xiriirka ciidan oo xoogoobaya ee ka
dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Soofyeeti. Arimahaasi
waxay dhaliyeen in dowladaha xooga leh, mid waliba
ay dhankeeda kaga dadaasho sidii ay siyaasadda Soomaaliya
uga dhigi lahayd mid si buuxda ula meereysata hanaanka
caalamiga ah oo midba ay leedahay. (Waxaan ka soo xiganay gar-yaqaan Cabdi Faarax
Baashane, xeer ilaaliyihii qaranka dowladdii Cigaal,
Qardho, 2/ 12-2000).
 |
|
Fadhi
ka mida fadhiyadii ugu horeeyay ee golihii
kacaanka ka gadaal cinqilaabkii ay xukunka
kula wareegeen.
|
Maaratoonkii mashruucaasi waxaa ku guuleystay dowladdii
Soofyeetiga oo abuurkeedii uu u mira dhalay markii
koox saraakiil ah ay afgembi kula wareegeen taladii
Soomaaliya. Waxaa xusid mudan in ragga gudaha kala
shaqeynayay howlaha loogu gogol-xaarayay afgembigaasi
ay qorsheeyeen in madaxweynaha lagu dilo socdaal
uu ku kormeerayo gobollo ay ka jirtay abaar baŽan
oo dhaawac u geysatay dadkii iyo duunyadiiba. Madaxweynaha
waxaa loo diyaariyay in saddex meelood midkood lagu
dilo (Laas-caanood, Burco iyo Dhuusa-mareeb). Waxaa
dhacday in goobtii ugu horeysay ay qadartii Eebe
ugu timid, halkaas oo dable ka tirsanaa ciidamadii
soo dhoweynayay uu madaxweynihii ku toogtay goor
ay galab tahay markay taariikhdu ahayd 16/ 10- 1969-kii.
21/ 10- 1969-kii, habeen talaada
ah ayaa waxaa taladii dalka la wareegay saraakiil
isugu jira ciidamadii xooga dalka iyo biliiska.
Muddo saddex cisho ah ayaanan la ogayn ragga ka
dambeeyay afgembiga. Dabadeed waxaa idaacadda ka
hadlay taliyihii xooga dalka Sareeye/Gaas
Maxamad Siyaad Barre.
Jeneraalku wuxuu ka waramay xaaladda uu dalku ku
sugnaa, taas oo uu ku tilmaamay midda kaliftay in
ay talada la wareegaan. Wuxuu xusay qodobo ay saraakiishu
ku magacaabeen Axdigii Kacaanka. Waxaa kamid ahaa
in ay baadi-goobayaan dhulalka Soomaaliya ka maqan
ee ku haray gacanta dowladaha shisheeye.
Af-agembigaas oo si wanaagsan
loo soo agaasimay ayaa wuxuu ahaa mid cad oo aanan
wax dhiig ah ku daadan. Wuxuu ka koobnaa 25 sarkaal
oo isugu jira 7 Dhamme, 7 Gaashaanle 7 Gaashaanle/Dhexe
iyo 4 Jeneraal. Saraakiishaas ayaa waxay u muuqdeen
kuwo lagu ilaaliyay dheeli-tir goboleed iyo mid
beeleed. Naqshad laga akhrisan karo farsamada ka
danbeysay magacaabidda afarta jeneraal baa waxay
tahay mid leh muuqaal ku filan ogaanshaha jaan-gooyada
lagu beegay xulashadii raggaas. Laba kamid ah afarta
jeneraal waxay ahaayeen biliis (Qoorsheel
& Kulmiye), labada kalena
waxay ahaayeen milleteri (Siyaad & Ceynaanshe). Laba kamid ah darajadooda waxay ahayd Sareeye/Gaas
(Siyaad & Qoorsheel), labada
kalena Sareeye/Guuto (Ceynaanshe
& Kulmiye). Laba kamid
ah waxay ahaayeen reer waqooyi (Qoorsheel & Ceynaanshe), labada kalena reer koonfur (Siyaad & Kulmiye). Laba kamid ah waxay u dhasheen Harti iyo Mareexaan
oo ah beelaha ugu ballaaran Daaroodka ku nool jamhuuriyadda
xorta ah, labada kalena Hawiye iyo Isaaq oo ah beelaha
ugu ballaaran ee aanan Daarood ahayn.
Dad-weynihii Soomaaliyeed
si farxad leh ayay u soo dhoweeyeen saraakiishii
la wareegtay talada. Iyaga oo han-weyn ku eegaya
hoggaanka cusub ayaa waxaa ay ka rajeynayeen sida
ballan-qaadkii axdigu ahaa in ay ku gaaraan dhamaan
yididiilooyinka ummaddu sugaysay, oo ay kamid yihiin
xoreynta dhulalka inaga maqan. Waxaa kale oo dadweynuhu
ay soo dhoweeyeen aragtida hanti-wadaaga ah oo ay
saraakiishu ka dhigteen manhajkii siyaasadda dalka
lagu hogaamin lahaa. Abwaan Cali
Cilmi Af-yare ayaa tix
uu lahaa inoo ku tilmaamaya soo dhoweyntii ay saraakiishu
heleen markii ay talada la wareegeen.
Kolkaad Gole Sare inoo dhisteen goysay taladiiye
GoŽaanadi ka soo baxay annana garab kutaageernay
Galshadii biyo leh geelu waw galab caraabaaye
Hantiwadaagu geestuu jiraa loo gudoonsadaye.
Bilowgii sanadihii 1970-aadkii, maamulkii kacaanka
wuxuu xooga saaray mashaariicda hor u marinta dhaqaalaha
iyo barnaamijyada baraarujinta siyaasadeed ee dad-weynaha.
Kacaanku wuxuu rabay in uu bulshada ka helo saldhig
xoog leh oo taageerta hanaanka ay doonayeen in ay
dalka ku maamulaan, kaas oo ah manhajka siyaasadeed
ee ku saleysan keligi-taliska midka dan-yarta u
adeegta (Proletariat Dictatore). Isla markaas
madaxdii kacaanku dib uma eeyan dhigan howlaha ku
saabsan baadi-goobka madax-bannaanida dalalka inaga
maqan.
Bartamihii 1970-kii, dowladdu waxay mideysay jabhadihii
saddexda ahaa (NFD, Ogaadeenya iyo Jabuuti), waxayna
u sameysay maamul mid ah oo uu hoggaamiye u yahay
Maxamad Diiriye Uurdoox. islamarkaasna waxaa la hoos keenay wasaaradda
gaashaan-dhigga Soomaaliyeed. Uurdoox wuxuu qabay
aragti ah in uu howlaha dhaqdhaqaaqa ay ka madax-bannaanaato
maamulka ciidamada, waase lagu diiday.
Waxaa jiray dadyow aanan Soomaali ahayn oo qadiyadda
inala wadaaga, kuwaas oo dhankooda ka tirsanayay
waxyeelo. Dadkaas oo ay xubno kamid ah ay joogeen
Xamar, ayaa waxay isugu jireen beelaha Oromada ee
ku dhaqan bariga iyo koonfurta Itoobiya sida Qotida,
Caruushada iyo Booranta. Waxaa kamid ahaa Shiikh
Maxamad Surra oo markii uu af-gembigu dhacayay dibadda ugu maqnaa
socdaal. Shiikhu wuxuu ku sugnaa dalka Suuriya oo
ahaa dalka keliya oo jabhaddu ay xiriir la lahayd,
markii amar lagu siiyay in uu soo galona waa uu
diiday. Xilligaas waxaa Suuriya ku sugnaa toban
nin oo wax ka baranayay kulliyadaha ciidamada. Raggaasi
oo u dhashay gobolka Ogaadeenya ayaa shan kamid
ah waxay kamid ahaayeen ardaydii Soomaaliyeed ee
ka soo qalin jebisay dugsiyadii sare ee Soomaaliya.
Waxaa ardaydaas kamid ahaa Axmad
Shiikh Cabdi-daadi ee
hoggaaminayay ciidankii ugu horeeyay ee ka tallaabay
xuduudda, kuwaas oo riday xabaddii ugu horeysay
dagaalkaii Ogaadeenya. Shanta kale waxaa soo dirsaday
oo loo tababarayay jabahaddii xoreynta Soomaali
galbeed. Waxaa iyagana kamid ahaa Yuusuf Maxamad Sugaal
(Yuusuf Dheere) oo ahaa hoggaamiyihii qeybtii labaad ee ciidamadii
jabhadda ee huriyay dabshidkii dagaalka.
Shiikh Maxamad Surra,
wuxuu diiday codsi ka yimid saraakiishii Kacaanka
oo ahaa in uu dalka dib ugu soo laabto. Shiikhu
wuxuu abuuray jabhad cusub oo lagu magacaabo Jabhadda
Xoreynta Itoobiya, taas oo ka madax-bannaan tii
Xamar laga xukumay. Wuxuu dowladda Suuriya u sheegay
in dhulka Itoobiya dhamaantiis ay ku nool yihiin
dadka Oromada ah, isagana uu doonayo in boqorka
faasidka ah (Xayle Selassie) uu ka xoreeyo. Sidaa darteed buu u codsaday
in raggiisa la siiyo tababar iyo hub. Tiro afartan
qof ah ayaa markiiba loo siiyay deeq ah waxbarasho
ciidan.
Howlaha uu Shiikhu ku jiro waxaa la ogaaday bartamihii
sanadkii 1971-kii, markaas oo wafdi uu hoggaaminayay
Maxamad Diiriye Uurdoox ay Dimashaq booqasho ku tageen. Wafdigii ayaa
la kulmay sarkaalkii u qeybsanaa xiriirka dibadda
xisbigii hayay talada dalka. Waxaa la hor keenay
qoraalladii Shiikh Surra, iyaga oo u sheegay in ay la yaaban yihiin magaca
uu Shiikhu la baxay oo taabanaya Itoobiya oo idil.
Suuriya waxay xilligaas ahayd dal si caddaan ah
u taageera jabhadaha gobanimo-doonka ah. Xubnihii
wafdiga ayaa markiiba la xiriireen Cabdullaahi
Kolombo oo ahaa danjirihii
Soomaalida u fadhiyay Qaahira. Xilligaas Soomaaliya
weli kuma eeyan yeelan safaarad dalka Suuriya. Danjiraha
Soomaaliyeed wuxuu soo qoray waraaq uu ku muujinayo
in Shiikh Maxamad Surra
uu yahay nin Soomaali ah.
Dowladdii Suuriya, waxay Shiikha
iyo raggiisii ugu deeqday doon ay saaran yihiin
hub iyo rasaas. Waxaa Shiikha la socday rag ay kamid
yihiin Bidaar Qoti,
Maxamad Cali iyo Jafas.
Doontaasi ayaa soo fariisatay meel u dhow degmada
Lug-haye dabayaaqadii sanadkii 1973-kii. Dowladda
Soomaaliyeed ayaa markii ay qabatay la wareegtay
wixii hub ahaa oo doonta saarnaa, ragii la socday
oo Shiikh Surra
uu kamid kamid ahaana waxaa lagu xiray xabsiga Mandheera.
Waxaa halkaas ku hakaday howlihii uu Shiikhu
la keliga ahaa. (Waxaan ka soo xiganay Yuusuf Maxamad Sugaal, London,
30/ 10- 2003).
Labadii sano ee ugu horeysay ee uu jiray maamulkii
Kacaanka (1970-kii iyo 1971-kii) waxaa jiray dhowr
kulan oo ay isku arkeen masuuliin ka socday labada
dal (Soomaaliya iyo Itoobiya). Kii ugu horeeyay
wuxuu dhacay iyada oo maamulkii Kacaanka uusan sanad
buuxsan. Bishii juun 1970-kii, waxaa Addis-ababa
u baxay wafdi Soomaaliyeed oo uu hoggaaminayay wasiirkii
dibadda Cumar Carte Qaalib.
Wafdigaas ayaa wuxuu siday dhambaal uu hoggaamiyaha
Soomaaliyeed Janaraal Maxamad Siyaad u diray Imbraadoor
Xayle Selassie. Sidase
caadadu ahayd, jawaab aanan hagaagsanayn ayuu boqorku
soo celiyay. Sanad dabadeed (jaan 1971-kii), Jeneraal Maxamad Siyaad ayaa Addis-ababa socdaal ku tegay, isaga oo ka
qeyb gelaya shir ay isugu imanayeen madaxda dowladaha
Afrika. Boqorkii Itoobiya iyo hoggaamiyihii Soomaaliya,
waxay fursad u heleen in ay si gaar ah isku arkaan.
Labada masuul waxaa wada-hadalkoodii kamid ahaa
dhulka ay isku haystaan iyo in ay suuragal tahay
in labada maamul ay helaan xal qanciya labada dhinac.
Inkasta oo labadaa masuul (Siyaad iyo Xayle)
ay ku dhasheen gobolkaas lagu muransan yahay, misana
xal waa ay gaari waayeen.
Iyada oo siyaasaddii Soomaaliyeed
ay ku meeraysanayso in si nabad lagu doono madax-bannaanida
dhulka inaga maqan, ayaa bartamihii sanadkii 1972-kii,
waxaa booqasho ku yimid Soomaaliya wasiirkii difaaca
ee dowladda Soofyeetiga Marshall
Andrei Grechkov.
Meelihii booqashada loo geeyay wasiirka martida
ah, waxaa kamid ahaa xeryoay fadhiyeen ciidamada
Soomaaliyeed. Markaasuu la yaabay raadka muuqda
oo Soofyeetigu uu ku leeyahay ciidamada dowladdan
curdanka ah. Xero walba waxaa ku soo dhoweynayay
saraakiil ku hadlaya afka Ruushka, isla markaas
hubka muuqda oo ay ciidamadu haystaan waa sancad
Soofyeeti. Marshall A. Grechkov, intuusan dhoofin ayuu saraakiil sare ee Soomaaliyeed
ku yiri :
". Waxaan ballan qaadayaa in aan ciidankan
u dhiso sida ciidamadayda (Soofyeetiga) oo kale
". (Waxaan
ka soo xiganay Jeneraal Ibraahim Aadan Maxamad -
Doolaal, Dubai, 10/ 4- 2004).
Bishii juun, 1973-kii, wasiirkii
caafimaadka ee Soomaaliya, Aadan
Maxamad Shiikh, ayaa wuxuu u kacay Addis-ababa. Halkaas oo uu
boqorka Itoobiya ku gudoonsiiyay dhambaal uu ka
siday hoggaamiyihii Soomaaliya. Waxaa xigay, dhowr
bilood dabadeed, intuusan sanadku dhamaan in hoggaamiyaha
Kacaanka Soomaaliya iyo boqorka Itoobiya ay isku
arkeen magaalada Rabaad (Marooko) oo ay isku soo
qaadeen sidii ay qadiyadda Ogaadeenya uga heshiin
lahaayeen. Waase isku af-garan waayeen. Isla sanadkaas,
Soomaaliya iyo Itoobiya waxay is-dhaafsadeen booqasho
heer wasiir-dibadeed ah, taas oo Cumar Carte uu ku tegay
Addis-ababa, Xamarna uu ku yimid wasiirkii dibadda
ee Itoobiya Ketema Yifru.
Kulamadaas diblomaasiyadeed ma noqon kuwo wax ka
bedela cimilada qallafsan ee ka jirtay xuduudda
labada dal. Waayo Itoobiya waxaa u caado ahayd,
markasta oo dhulka lagala hadlo, waxay kaga jawaabi
jirtay in ay ciidamo soo dhoobto xuduudda. Sidaa
darteed ayaa dabayaaqadii sanadkii 1972-kii iyo
bilowgii 1973-kii, dhowr jeer ciidamada labada dowladood
ay xabado isku dhaafsadeen xuduudda u dhexeysa,
gaar ahaan degmooyinka Doolow iyo Bongol. Colaaddaasi
waxay sabab u ahayd in xiriirkii labada dal uu sii
murgo.
Bishii abriil, sanadkii 1973-kii,
G/S. Cumar Xaaji Masalle ayaa wuxuu isu geeyay Jeneraal Siyaad iyo
Yuusuf Dheere oo kamid ahaa raggii Suuriya ku soo dhameystay
tababarkii ciidameed, kaas oo ku soo laabtay dalka.
Sheeko socotay muddo saacad ah ayay isku dhaafsadeen
aragtida ay ka qabaan qadiyadda dhulka maqan. Hoggaamiyaha
Kacaanka, isaga oo Yuusuf
u muujinaya aragtida
uu ka qabo dhulka maqan ayaa wuxuu yiri :
" Inta ay dhulalkayagu
yihiin kuwo inaga maqan, ruuxa Soomaaliga ah oo
ismooda in uu xor yahay, waa nin ka dhacsan himilada
nololeed ". (Waxaan
ka soo xiganay Yuusuf Maxamad Sugaal, London, 30/
10- 2003).
Jeneraal Siyaad wuxuu
Yuusuf Dheere u sheegay in qadiyadda dhulka maqan ay u baahan
tahay saaxiibo inoogu hiiliya, gaar ahaan qaaradda
Afrika dhexdeeda, isla markaasna la diyaarsadaa
wixii ciidan iyo qalab ah oo la awoodo. Mar uu jeneraal
Siyaad, ka wareystay shakhsiyadda Shiikh Maxamad
Surra, Yuusuf wuxuu ugu jawaabay
:
" Shiikhu waa nafti-hure
xabsi ku jira " (Waxaan
ka soo xiganay Yuusuf Maxamad Sugaal, London, 30/
10- 2003).
Bilowgii sanadkii 1974-kii, dowladda Suuriya waxay
jabhadda u ogolaatay 20 arday oo ay siiso deeq waxbarasho
oo isugu jira mid ciidan iyo mid rayid. Waxaa kale
oo ay u ogolaatay in ay u rarto hub ay u ballan
qaaday in ay siiso. Intiiba waxaa diiday dowladdii
Kacaanka oo ku tilmaamtay ardayda wax ku barta dalalka
carabta in ay yihiin kuwo ku shixnadan fikrado keenaya
isku day af-gembi dowladeed. Sidaa darteed baa dowladdu
waxay ogolaatay in ardayda jabhadda ay u dhoofaan
Waqooyiga Kuuriya oo ay ka heleen deeq waxbarasho.
Halkaasna ay ku soo qaataan tababarradooda ciidameed.
Sidaas baa bilihii ugu horeeyay ee sanadkaas waxaa
Pyongyang aaday laba qeybood oo kamid ah
dhallinyaradii jabhadda. Tababarrada ciidameed ay
halkaas ku soo qaateen waxaa kamid ahaa dagaalka
dhuumaaleysiga ah, dayuuradaha dalladda looga boodo
Parachute, jid-gooyada, sahamada iyo waxyaabaha
qarxa. Raggaas ayaa markii ay soo noqdeen waxay
laf-dhabar u noqdeen ururkii iyo qadiyaddiisii.
Godob lagama haro iyo xaqii
meel fog kaa galaŽe
Gashigii aad leedahay inaad gudato weeyaane
GamŽi waa walaalihi nimuu haadku gigayaaye
Raggii garabka ii noqon lahaa amase gaashaanka
Gorgorkiyo waraabuhu ka dhereg gaballadeydiiye
Nasab baa guntada maalintay joogto gacal waaye
Alleylehe gunnimo waa middaa guudka noo surane
Geeridu marbay nolosha iyo gabaxso dhaantaaye.
(Cali
Cilmi Af-yare).