Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

Dr Enow
Dagaalkii Ogaadeenya
Casharkii IX-aad

Soomaalidu inteeyan dayoobin, qadiyadatan waxay ahay mid qalbigooda ku weyn oo safka hore kaga jirtay himilada ummadeed oo ay tiigsanayeen. Bulshadu waxay ahayd mid la dareen ah walaalahooda ku haray gacanta gumeysiga. Sidaa darteed baa dadweyne iyo dowladaba waxay diyaar ula ahaayeen in ay wax kasta u huraan sidii ay dhibaatada uga bixi lahaayeen, tabari meel-kasta ha dhigtee. Iyada oo ay jirto taageerid laŽaan caalami ah oo diidanayd in Soomaalidu ay gaarto hayaanka ay higsaneyso, ayaa misana aanan laga harin sidii yoolkaas loo xaqiijin lahaa. Baadidaas inaga maqan waxaa hadal-hayay qofkasta oo Soomaali ah. Dabaqadaha bulshada oo qadiyaddu ay ka dami weyday illaa maantana ku weyn tahay waxaa kamid ah abwaanada ku hodmay hal-abuurka. Cabdulqaadir Xirsi Yam-yam, tix uu lahaa oo uu si wanaagsan ugu shaxnay qadiyaddan ayuu ku yiri :

Adoonsigu dadkaa uu jebshee juuqda laga dhowray 
Jimicsigu mayeelee dadkaa nacabku jeer-jeershay  
Jitaabada dadkaa looga dhigay hogagga jeex-jeexan
Afrikada dadkaa aan ku jirin midaba waa jaade
Dadkaa jecel xornimo aan lahayn cid ugu jeeqaada
Dadkaa johoraddoodii la cunay ee jirraban caawa

Jeebada dadkaa lagu xiree jilibku naafoobay 
Dadkaa qodaxda jiiq-jiiq leh ee dhinaca loo jiifshay
Jirrabkuu Gurey baday dadkaa haatan laga jeebo
Ee jiirta dheer lagu eryee jaanta lagu dheelo
Caruurtooda nimankaa la jaray uur ku jirahooda
Tallaabada dadkaa noo jiree ina jalleecaaya

Waxaa kale oo jirtay dabayl gobanimo-doon ah oo xilligaas dunida ku haawanaysay. Waxay ahayd xilli aanan laga been abuuri karin sharciga tilmaamayay xaqa ay ummaduhu u leeyihiin in ay u halgamaan madax-bannaanidooda. Iyada oo ay taasi jirtay ayaa dowladdii kacaanka ahayd waxay si xoog leh isugu deyday in ay si nabad ah wax kaga hesho dowladaha haysta dhulka Soomaalidu leedahay. Hoggaamiyihii kacaanka, Jeneraal Maxamad Siyaad, wareysi ay idaacadda BBC-da la yeelatay bilowgii sanadihii 1970-aadkii ayuu arintaas ku tilmaamay. Hadalkiisii waxaa kamid ahaa :

" Dalalka Soomaaliyeed oo maqan horay baanu u sheegnay in aanu doonayno in ay ku soo biiraan dalkii hooyo. Taasi wax qarsoon maaha. Haddaba habka lagu doonayaa waa kee ?

Awalan, siyaasad keligeed meel fariisan kartaa ma jirto. Siyaasaddu siyaasado kale bay ama dhashaa ama ku xiran tahay. Siyaasadda weyn oo aan anagu qabnaa waxaa weeye, meelo badan baa Afrika laga gmeysanayaa. Afrikana, waxaanu is-leenahay, xornimo siyaasi ah, wax uun waa ka haysataa. Laakiin xornimada runta ahi siyaasad keliya maahan, wey ka sii ballaaran tahay. Waxaa weeye dhaqaalaha, waxaa weeye sancada, waxaa weeye macaamilka iyo isu-tagga, waxaa weeye qeybta xaqa ah in ay ka qaadato aduunka maamulka la maamulayo. Ayaan darro, kama qaadatee waa loo taliyaa. Marba talo la goostay ayaa ku soo finiinta.

Haddaba markii Afrikaanimo weyni ay nagu jirto, waxa ka dhexeeya annaga iyo wixii jiiraankayaga ah sidee loo maamulayaa weeye hadalku. Waxay taasi nagu dhalinaysaa, awalan, dad ahaan iyo dowlad ahaan, ma aaminsanin in dad Afrikaan ah, inta banaatiikh isugu dhiibaan ajnabi ay isku baabaŽashaan. Dhiiga Afrikaanka, intii la dhaqaaleyn karo in la dhaqaaleeyo ayaan qabnaa. Runtii, qadiyaddii Soomaali weyna waa joogtaa. Marka siyaasaddayadu waxaa weeye in aanu ku wadno (nabad) illaa aakhiro laxda. Waana aan ka guul gaareynaa aad baanu ugu kalsoon nahay, si sharaf leh, dawaaŽilkaas, dalalkii Soomaaliyeed qaarkood haysta. Si aan iyagana ceeb ku ahayn, annagana aan dilan nagu ahayn in aanu wax u qeybsano. Oo aanu gaarno in caqliga Afrikaanka taliyo, intii uu qoriga talin lahaa, iyo ninka isticmaarka ah oo daaqadda taagan. Hase taliyee in uu ku taliyo mid roon oo ay u aayaan ilmaha Soomaaliyeed ee danbe ". (Waxaa laga sii daayay BBC-da, barnaamijkii Waxaan u Soo Joogay. 2/ 11- 2003-dii).

Sida ku cad hadalka Jeneraal Siyaad, aragtidaas nabadeed ayay dowladda kacaanka ahi dooratay in ay ku howl-gasho. Tallaabooyinkii diblomaasiyadeed oo ay xilligaas qaaday waxaa ugu weynaa martiqaadkii ay u fidisay fadhigii caadiga ahaa oo ay isku arkayeen madaxweynayaasha ururka midowga Afrika. Xilka ay Soomaaliya ku qabatay kal-fadhigaasi waxaa la filayay in uu ku cuslaan doona, markii dhowr meelood laga eego. Dhaqaalaha ku baxaya fadhiga, sugidda nabadgelyada wufuudda ka soo qeyb-gelaysa iyo qalabka loo adeegsanayo farsamada socodsiinta fadhiga. Waxaase dhacday in Soomaaliya ay si wanaagsan ugu guuleysatay habsamidii uu shirku u dhacay. Magac iyo sharaf ayaa halkaas ka raacay dadkii Soomaaliyeed iyo maamulkii kacaanka.

Golihii Sare waxay ku dadaaleen in dowladaha shirka isugu imanaya ay ka helaan qaar ku gacan siiya qadiyaddooda. Intuusan fadhigu dhicin, sida caadadu ahayd, wasiirkii dibadda ee Soomaaliya Cumar Carte Qaalib wuxuu socdaal dheer ku soo maray magaalo-madaxda dowladaha qaaradda. Ujeeddadu waxay ahayd in uu madaxweynayaasha dalalka Afrika uu u geeyo waraaqda casumaadda ah oo ay shirka ka soo qeyb galaan, si uu fadhigu u noqday mid sharaftiisu buuxdo. Madaxda dalalka uu wasiirku booqday ayaa dhamaantood waxay ahaayeen kuwo kacaan ah. Waxaa kale oo wasiirka Soomaaliyeed uu isku deyay in uu madaxdaasi ku qanciyo taageerada qadiyadda Soomaaliyeed. Misana fadhigii ay madaxda isugu yimaadeen, qadiyaddii Ogaadeenya gacan waa ay ka weyday. Sababta waxaa loo aanaynayaa socdaal gaaban oo boqorkii Itoobiya uu ku tegay Yurub, kaas oo ka danbeeyay socdaalkii wasiirka Soomaaliyeed.

Soomaaliya xilligaas waxay ahayd dal si wanaagsan isu ururiyay oo ku socda xowli dheereynaya. Siyaasadda dalka waxay afka qabsatay qaaradda Afrikada madow ee saxaraha ka hooseysa. Taasi waxay keentay aqoonsi xoog badan oo caalamka laga helo. Ururka Midowga Afrika, waxaa u caado ahayd, hoggaamiyaha dalka martida loo yahay, in sanadkaas uu odey ka noqdo ururka. Sidaas baa Jeneraal Maxamad Siyaad uu ku noqday odeygii sanadkaas ee ururka. Waxaa taas u weheliyay oo ay Soomaalidu damceen in ay qaataan xoghayaha guud ee ururka. Kartida siyaasadeed oo ay la maxfal timid darteed, ayaa keentay in wasiirkii dibadda Cumar Carte Qaalib uu isu taago in uu qaato darajadaas. Waxaase arintaas hor istaagay labadii dowladood oo ugu daŽda weynaa ururka. Itoobiya waxay ku diiday in aanan loo adeegsan iyada. Masar ayaa iyana ku diiday Ruushka aan wadanay awgiis, iyaguna ay isku xumaayeen.

Boqorkii Itoobiya Xayle Selassie, isaga oo daŽdiisu ay dhaaftay 80 jir ayuu Xamar yimid isaga oo ka soo qeybgalay kal-fadhiga. Urursanaanta iyo siyaasadda hana-qaadka ah oo ay Soomaalidu ku guuleysteen ayaa cabsi weyn ku abuurtay boqorka iyo dowladdiisii. Taas ayaa kaliftay in uu socdaalkan culus soo galo.

Shirkii madaxda Afrika waxaa ka soo baxay waraaq ay ku magacaabeen Bayaankii Muqdisha Mogadishu Declaration. Kaas oo lagu xusay in xuduudaha Afrika loo daayo sidii uu gumeysigu kaga tegay. Halkaasna waxaa ku guuldareystay qadiyaddii ay Soomaalidu doonayeen in loogu hiiliyo. Jeneraal Maxamad Siyaad oo ka waramaya sababta ay Soomaaliya, Afrika dhexdeeda uga weyday wax qadiyaddooda ku taageera, wuxuu yiri :

" Waxaa jirey nin madaxweyne Afrikaan ah oo aannu saaxiib aheyn, kaas oo dalkiisu uu dhowaan madax bannaanidiisii qaatey. Ninkaasi markii uu ku jiray halganka gobanimo-doonka ah, aad baan u taageeray. Fadhi kamid ah fadhiyadii ururka O.A.U. baa waxaan ka codsaday in aan la kulmo. Laakiin waa uu i diiday in uu ila kulmo. Iyadoo fadhigii uu socdo ayaa waxaan ku kulanay meel dibadda ka ah aqalkii lagu shirayay. Gacantaan kasoo qabtay oo meel gees ah intaan la aaday baa waxaan weeydiiyay : Maxay tahay sababta aad u diiday in aad ila kula-nto?

Waa uu i eegay isaga oo didsan, waxuuna iigu jawaabay : Waad ogtahay in aan ahay mid ku xiran taageerada aan dibadda ka helo. Sidaa darteed waxaa layga mamnuucay in aan wax kula qabsado, halis iskama aan gelin karo kaalmada la isiiyo.

Tabtaas ayuu iila hadlay. Sidaas baad ku aamini kartaa in dowladaha Afrikaanka ahi eeyan xor ahayn. Dal xoroobaa ma jiro inta uusan cagahiisa ku istaagin. Sidaas beeyan u jirin dal Afrikaan ah oo Soomaaliya ay taageero ka heshay . Waa ay ina ayidi lahaayeen haddii ay dowladaha xoogga leh ay farta ugu fiiqi lahaayeen. Haddase waa ay naga fogaanayaan waayo dowladaha waaweyn ayaa sidaas raba ". (I Somalia, Bo Bjelfvenstam, 1982. p. 141).

Afrikada Ilaahow maxaa laga abuuraayay
Allahayow alhuum iyo maxaad iinta ugu reebtay
Allayahow awood iyo maxaad aalad ugu diiday    
   
(Ibraahim Shiikh Saleebaan).

Waxaa bilaabatay diyaargarow, qofkii wax-garad ahaa uu dareemi karo. Waxaa la furay xaruntii loo bixiyay Xalane. Halkaas oo lagu tababari jiray shaqaalaha dowladda iyo ardayda ka baxa dugsiyada sare ee dalka. Tababarku wuxuu ahaa mid dhan oo ciidameed. Waxaa kale oo halkaas lagu soo xereyn jiray ardayda ka baxa dugsiyada dhexe, kuwooda loo tababarayay macallinnimo. Tacliinta ay qaadanayeen waxaa kamid ahaa mid ciidameed. Waxaa la furay mashruuc loogu tala-galay in uu shan sano socdo, kaas oo loogu magac-daray degmadii uu ka fulayay mashruuca ee ahayd tuulada Ceel-jaalle. Ardayda dugsiyada sare ee Xamar, saddexda bilood oo ay dugsiyadu u xiran yihiin ayaa halkaas waxay ku qaadan jireen tababaro ciidan oo uu dab-ridku kamid yahay. Waxaa xusid mudan in tababarradii Ceel-jaalle uu gudoomiye ka ahaa Cabdullaahi Xasan Maxamuud oo xilligaas kamid ahaa saraakiishii wasaaraddii waxbarashada.

Dhan kale dowladdu waxay kordhisay tirada ciidamada biliiska iyo kuwa asluubta. Sidoo kale waxaa la kordhiyay tirada iyo tayada jaadadka ciidanka xooga dalka (Cir, dhul, bad iyo difaaca cirka).

Guluf iyo colaad dunidu waa laysu goodiyiye
Gantaashii cirkiyo saanad baa laysu ganayaaye 
Waxa Xalane loo gelahayaa gogol-dhig weeyaane

Gumeystuhu ka baqay niman haday dhab u gahayraane     
Gaashaanka waa loo tuntaa cadow ku gees yaale       
Godobtaada maaqan maalin baad gudo tiraahdaaye
(Cali Cilmi - Af-yare)

Waa socotaa.... Gadaal ugu noqo casharada

Dr. Saadiq Enow
enow2@hotmail.com


Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.