Home  |  Islam  |  Suugaan  |  Qoraalo   |   Contact Us  
BBC Somali 5:00
BBC Somali 9:00
Codka nabada
RadioGalkayo
Radio Daljir
SBC-online
Somali tntv
Radio Sweden
Radio scerdo
HornAfrik
Radiolascaanod
R-freeSomalia
somaliahamradio
Radio Garowe
Radio Warsan
radiobaay.com
Algaracad
Alcarab
AllPuntland
Allidamaale
Allsomali
Ancis
Allwaamo.com
Agabso
alhudamedia
Ancis
Balcad
Banadir
Buuhoodle
Buuleberde
Calanka
Calmadow
dalkapress
Dayniile
Dhabbad.com
Doolo-Suugaan
4forsomaliwomen 
GaroweOnline 
Golkhatumo
Galdodogob
golkhatumo
iqrasomali
Halgan
Hamarey
Hiiraan
HornAfrica
Horseednet
Laascaanood
laasqoray.net
Idamaale
Jawhor
jirac.com
Kismaayopost
Kismayo
Markacadeey
maktabada
markacadey.net
Midnimo
Mudulood
Nedsom
Olol.us
puntlandgov
Nugaal
pacemagazine
Puntlandpost
Puntlandtimes
Puntchamber  
Qandala
Qandala.com
rakoraaxo.com
Sheerbi.com
Shabelle
somalipressreview
Somaali
  s-community
Somalifans
somali_family
Somheritage
Somaliaonline
somalianinfo
Somaliweyn
Somaliwatch
Somalinet
Somalitalk
Somlink
somalimarket
Stnfm
waayaha
Wardheernews
Widhwidh
Xargaga.com
xamarcadde
yamays.com
Yoobsan


Dagaalkii Ogaadeenya - Casharkii XXXXX-aad W/Q:Dr. Enow
Posted to the MOL July 31, 2006, 10:36 am

Bartamihii bihsii sebtember 1977-kii, hoggaamiyihii Itoobiya oo meel uu u ciirsado waayay, ayaa wuxuu bilaabay in uu doono qaab uu xilka isaga wareejiyo. Culeyska uu dagaalku ku keenay maamulkiisii darteed, ayuu wuxuu qorsheystay in uu dalka ka qabto doorasho deg-deg ah, dabadeed qofka ku soo baa uu halkaas xilka ku wareejiyo. Isagana uu markaas dalka isaga-dhoofo. Danjirihii ugu danbeeyay ee Itoobiya u fadhiyi jirey Soomaaliya, ayaa dhacdadan wuxuu uga sheekeeyay madaweyne Maamad Siyaad. Gegida dayuuradaha ee  magaalada Rooma ayay labada nin ku kulmeen iyaga oo u jeeda dalka Mareekanka. Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa markaas gudanayay socdaal uu ku tago Ameerika kii ugu danbeeyay. Danjiraha Itoobiya, isagu xilligaas wuxuu ku noolaa Ameerika oo dalkiisii waa uu ka baxsaday. Danjirahan oo muddadii socdaalka lagu jirey,  soo dhinac fariistay Madaxweyne Siyaad ayaa ugu waramay caynkan :


 " Jig-jiga waxaad ku burburiseen ciidankii kaydka inoo ahaa. Waxaa markaas madaxdii Itoobiya u muuqatay tabar-darrida ciidankooda. Wax macna leh oo ciidan ah oo  socodka Soomaalida hor istaagi karay ma harin. Mengistu Xayle Mariam, xilligaas ayuu guddoonsaday in uu ka dhoofo dalka, kaddib markuu ku fekeray in uu talada iska wareejiyo. Taasina waxay ahayd tallaabo uu kaga dhuumanayay ceebta haysatay isaga iyo maamulkiisa. Waxaase hakiyay danjirihii Soofeetiga u fadhiyay Addis-ababa, kaas oo dowladdiisii u sheegay halka ay  mareyso xaaladda Itoobiya. Dabadeed waxaa danjirihii la faray in uu Mengistu gaarsiiyo in loo hiilnayo ee uusan dalka ka  baxsan ". (Waaan ka soo xiganay wareysi aanu la yeelanay Jeneraal Warfaa (magac qarsoon) oo xubin ka ahaa wafdigii madaxweynaha).


 Waxaa kale oo jirey ballan-qaad af ah oo ka hilan culus kuwa ay dowladuhu waraaqaha ku kala saxiixdaan, kaas oo  G/ Dh. Mengistu uu ka heley dowladdii Midowga Soofyeeti.


Ballanqaadkaasi wuxuu dhacay bartamihii bishii may 1977-kii, xilligii uu Mengistu booqashada ku tegay Moosko. Mengistu ayaa markaas fadhi rasmi ah la qaatay  hoggaamiyihii xisbigii shuuciga ahaa ee Midowga Soofyeetiga  Leonid Ilyich Brezhnev. Wuxuu hor dhigay laan yar oo qori ah, taas oo calankii Itoobiya uu suran yahay iyo waraaq cad oo uu hoos ka saxiixay. Markaasuu Brezhnev hortiisa wuxuu legday qorigii uu calanku surnaa, oo ku yiri sidan : Waxaan kaa codsanayaa, inaad joojiso calankan dhulka yaal, waraaqdan cadna waxaad doontid ku qoro, haddaan ahay hoggaamiyihii Itoobiya, waan kuu saxiixay oo dood uma baahna inaad qof iga shisheeya aad  oggolaansho ka hesho. Brezhnev oo gartay in ujeeddadu tahay Itoobiya oo hiillo dhab ah u baahan ayaa markaas calankiina joojiyay waraaqdiina dib ugu soo celiyay Mengistu. Markaasuu ku yiri : Calankanna waanu joojinaynaa, waraaqdaadana la laabo.  (Wareysi aanu la yeelaney Cabdullaahi Xasan, 6/ 10- 2004, Qaahira).


 Mengistu wuuu markaas bilaabay in uu la tashado qaar kamid ah ragga maamulka ugu jira, iyo kuwo kale oo uu ku kalsoon yahay. Isla bartamihii bishii sebtember, wuxuu xafiiskiisa ugu yeeray saddex nin oo ruug-caddaa ah. Wuxuu ka doonayay in ay talo ka siiyaan xaaladda qallafsan oo dalku marayay. Ragga uu u yeeratay waxay ahaayeen G/ Dh. Dawit Wolde Giorgis, oo ahaa xigeenka wasiirka dibadda, islamarkaana xubin ka ahaa golahii Dergo. Mekael Imru, wxuu ahaa ra'iisul-wasaarihii ugu danbeeyay ee dowladdii la af-gembiyay. Ketachew Kibret, isaguna wuxuu ahaa la-taliyaha hoggaamiyaha xagga arimaha dibadda. Hoggaamiye Mengistu, wuxuu raggaan ka codsaday in ay ka soo taliyaan sidii looga bixi lahaa xaaladda qalafsan oo Itoobiya ay ku sugan tahay, iyo wixii ay arintan ka qaban karaan ururada caalamiga ah, gaar ahaan JQ ka Dh. Marka uu raggaas howl-gelinayo, isaga waa u caddeed halka uu doonayo in uu laanta geedka ka gooyo. Habeen kamid ah habeenada Eebe ayay saddexdii nin isu tageen. Shir ay iridaha xirteen ayay ku qaateen xafiis kamid ah xafiisyadii wasaaradda arimaha dibadda. Dood dheer oo ay ku waabariisteen ayaa dhex-martay. Dawit Walde oo kamid ahaa saddexdii nin oo fadhiga qaatay ayaa  wuxuu yiri :


 " Waxay ahayd howl adag oo ka sal-gaarkeedu  aanan suuragal ahayn. Waxaanu ahayn kuwo dareenkoodu uu kacsanaa. Waxaanu ogayn aayaha dalka Itoobiya, in uu ahaa mid ku xiran go'aanka aanu gaarno. Habeenkaas wuxuu waaga inoogu baryay xafiiskayga ". (Red Tears. Dawit Wolde Giorgis, 1982, p. 39).


 Subaxii aroor hore ayaa iyaga oo wareersan, islamarkaana uu daal badan ka muudo, ayay ku kallaheen xafiiskii Mengistu. Waxay wadeen taladii ay ku waa-bariisteen. Ra'yigii ay guddoomiyeen oo Mengistu ay kula talinayeen wuxuu ahaa sidan :


" Haddii Soomaalidu ay qabsadaan degmada Dirir-dhabe, halkaas oo uu ka dhisan yahay saldhigga labaad ee ugu weyn oo ay leeyihiin ciidanka cirka ee Itoobiya. Waxaa markaas dhacaya in ay adeegsadaan saldhiggaas, oo dabadeed waxaa u fududaanaya in ay weeraraan Adidis-ababa. Dowladdu waxay markaas ku khasbanaaneysaa in ay magaalada ka qaxdo. Haddaba si magaalo-madaxda loo badbaadiyo, loogana hor tago, culeyska halkaa ka imanaya, iyo weliba in la joojiyo socodka ciidamada Soomaaliyeed. Si arimahaas loo helo, Itoobiya  waa in ay kulan deg-deg ah isugu yeertaa dowladaha xubnaha ka ah golaha amniga ee JQ ka Dh.  Waxaa markaa dhici kara, in golaha amnigu uu soo jeediyo ra’yi ah xabbad joojin. Ama xataa in ay soo diraan ciidan nabadgelyada ilaaliya oo kala dhex fariista xuduudda cusub ee labada dal. Waaanu fahamsanahay, arintaasi haddii ay raagto, in Soomaalidu ay u  sharciyayneeso dhulka ay qabsadeen. Laakiin waa arin aanu hadda ku hakin karno ciidamada Soomaaliyeed in ay ku joogsadaan meesha ay ku sugan yihiin. Taasina waxay ina siinaysaa wakhti dheeri ah oo aanu ku helno fursad aanu si hagaagsan isu ururino. Waxaa markaas suuragal ah inaan awood u yeelano hakinta cadowga, muddo ka gaaban sida la malaynayo. Laakiin wax badan waxay ku xiran yihiin awooddayada. Waa suuragal inaan loo baahan in la aado JQ ka Dh. Waa haddii aanu rumeysanahay in dagaalka aan keligaya wadi karno. Laakiin haddii aynaan haysan hubkii iyo ciidankii aanu weerarkan isaga caabiyi lahayn, tallaabadaasi waxay u muuqanaysaa mid guracan. Sidaasina  waa habka noogu bad-baadada badan ". (Red Tears. Dawit Wolde Giorgis, 1982, p. 40).


 Mengistu markii uu dhegeystay taladii ay soo jeediyeen saddexda xildhibaan, caro darteed ayuu fadhigii kaga kacay. Markaas ayuu isaga oo dhawaaqaya wuxuu ku yiri :


 " Sidee baad u gaari kartaan go’aan caynkan oo kale ah ?. Ma filayo inaad xalay hurdo wanaagsan aad hesheen. Waxaad u muuqataan rag dareenkoodu kacsan yahay. Haddii aad tiraahdaan ha la gaaro heshiis xabbad-joojin ah, waxaa suuragal ah, dhulka ay Soomaalidu qabsadeen in uu u sharciyoobo. Sidee baa haddaba aanu u oggolaanaa arinkaas, xataa haddii ay tahay wakhti gaaban ?. Waxaan malaynayaa in waajibkayagu yahay in aanu dagaalka wadno, si-kasta natiijadu ha ahaatee. Dhamaantaya, annaga oo dagaalamayna ayaanu dhimanaynaa. Facaha danbe ayaa halganka wadaya, illaa guusha laga gaaro. Waajibka ina saran waa mid caynkaas ah ".  (Red Tears. Dawit Wolde Giorgis, 1982, p. 40).


 Mengistu ayaa dabadeed kula taliyay saaxiibadiis in ay hurdo-tagaan oo ka nastaan dhafarkii iyo madawareerkii xalay heley. Sida u caadada ah, hoggaamiye walba oo keligi-taliye ah, Mengistu waxaa meel u yiil go’aan uu keli ku ahaa, kaas oo ah in tababar loo furo beeralay tiradoodu ay ka badan tahay rubuc melyan nin. Markaas lagu caabiyo goobaha ay dagaalladu ka socdaan. Goor danbe ayuu Mengistu bilaabay in uu u sheego rag saaxiibadiis ah iyo kuwa xubnaha ka ah dowladdiisa. Dhamaantood waa ay uga digeen arinkaas. Iyagu waxay u sheegeen in eeyan suuragal ahayn in muddo gaaban lagu ururiyo, islamarkaana lagu tababaro tiro ciidan ah oo intaa le’eg. Raggaasi kuma jirin nin aaminsanaa in mashruucaasi uu ahaa mid xilligaas fuli karay oo wax-tar u yeelan karay bad-baadada Itoobiya. Waayo waxaa maqnaa wixii saldhigga u noqon lahaa fulinta howshan, sida raashin, daawo, dhar, qalab degaan, qalab ciidan iyo xataa gaadiidkii lagu daad-gureyn lahaa markii uu tababarka u dhamaado.


In Mengistu uu ku dhiirado mashruucan waxaa ka danbeeyay dowladdii Soofyeetiga oo iyada dhabarka u dhigatay dhamaan wixii ku bixi lahaa socodsiinta iyo dhamaystirka howshan. Sida aanu soo xusnay, ballan-qaadkan ayaa wuxuu ahaa mid dhacay intaanay ciidamada Soomaaliyeed ku duulin Itoobiya. Waxaa kaloo jirey dhaqan arintan ku aaddan oo ay iska dhaxleen hoggaamiyayaasha dalka Itoobiya. Boqoradii Itoobiya ee ku caan baxay dhul-ballaarsiga ayaa waxay ahaayeen kuwo dhista ciidamo boqollaal ku gaaraya. Markaasay ku mahppbiyaan dhul iyo hanti ay leeyihiin qowmiyadaha la deriska ah. Imbraadoor Theodoros, wuxuu dhisay ciidan ka kooban 800.000. Immbraadoor Johannes, wuxuu dhisay ciidan ka kooban 950.000, Imbraadoor Menelik wuxuu dhisay ciidan ka kooban 350.000 nin. G/ Dh. Mengistu, ayaa qorshe hore wuxuu ku diyaariyay 300.000 nin. Qorshahan danbena wuxuu ku diyaarinayay ciidamo gaaraya 300.000. Wadartoodu waa 600.000. Mashruucaasi wuxuu xambaarsan yahay bidhaan qeexeysa wejiyada ay isaga midka yihiin maamullada Itoobiya, haba kala magc duwanaadeene.


24/ 9- 1977-kii, Soomaalidii waxay bilaabeen in ay weeraraan saldhiggii Gaara-harda, kaas oo ahaa jiidda hore oo cidamada Itoobiya ay difaaca ka galeen. Saldhiggaasi wuxuu ku yiil meel istraateeji ah oo in cadowga laga furtaa eeyan sahal ahayn. Dagaalkii II-aad ee dunida, waxaa halkaas fariistay ciidamo Talyaani ah, oo aanan wadan hub casri ah. Rasaasta ay haysteena waa yareyd. Ciidamo Ingiriis ah oo Itoobiya u hiilinayay ayaa isku deyay in ay ka saaraan goobtaas Talyaanigii. Inkasta oo Ingiriisku ay hub casri ah siteen, misana in ay qabsadaan saldhigga, waxay ka qaadatay laba bilood. Ciidamadii Soomaalida ee halkaas weeraray waxay ahaayeen kulmis uu hoggaaminayay G/ S. Cali Ismaaciil, kuwaas oo lagu jaheeyay weerarada jiidda hore. Afar cisho oo qura ayay k qaadatay in ay cadowgii ka qabsadaan saldhiggii Gaara-harda. Afar cisho oo uu socday dagaal habeen iyo maalin ah, ayay Soomaalidii kula wareegeen saldhiggii. Galabnimo ay taariikhdu tahay 28/ 9- 1977-kii. (Waxaan ka soo xiganay wargeyska Dagens Nyheter. Tirsigiisii soo baxay 29/ 9- 1977-kii.Stockholm - Sweden).


Guushaasi, waxay ka yaabisay khubarada ciidameed ee dunida. Waxay kamid noqotay mucjisooyinkii ay dagaalka ka muujiyeen ciidamada Soomaaliyeed. Arintaasi Soomaaliya waxay ka yeeshay ummad la dareensado oo aanan la dhayalsan. Dowladihii u waaweynaa reer galbeedka, waxay markaas bilaabeen dhawaaq ay Soomaalida ugu sheegayaan in ay ciidamadeeda db ula laabato. Soofyeetiguna wuxuu bilaabay in uu dedejiyo tababar uu siinayay dhallinyaro badan oo uu u qaaday tababaro aqooneed ee la xiriira ciidamada. Waxay isugu jireen duuliyayaal, madaafiicley, taangiistayaal iyo hoggaamo ciidanka dhulka.


 


Ingiriiska gantaal iyo


Godin aan u afeystiyo


Garuun baan kaga qaaday


Geddigeedba waqooyi


Talyan geesta Kismaayo


Gudihii Xamar weyne


Gardafoyga Caluula


Intuu gaarka ka meershay


Gelin buu kaga dhoofay


Gogoshiisa ka duubtay


Faransiisna gartiisiyo


Wixii gaaray doraato


Uga guuryay Jabuuti


Garangoori af-dheer iyo


Maadigoo gafanaa baa


Gablamow cirba taagi


Isa soo gondiyaayoo


Geyigayga damcaaya


Ma gudboona wallaahoo


Gudcur baad socotaayoo


Sidii gows la ridaayiyo


Galley aan dubanaayo


Garow heedhe ma dhaantid


Qabku waa gurayaayoo


Talaan kuu guntayaaye


Nabad haatan ku guux (Cali Cilmi Af-yare)





Dagaalkii Ogaadeenya - Casharkii XXXXIX-aad


Saaxiibkaa u dir

Sep 09 Inta badan wadamada Islaamka oo isku raacay inay beri oo Jimce ah tahay maalin ciid
Sep 03 Who Are the Real Pirates in Somalia?
Aug 30 War Saxaafadeed: Madaxweynaha Soomaaliya Ayaa Dalbaday Taageero Caalami Ah Oo Deg-deg ah
Aug 27 Somalia: Weekly humanitrian report
Aug 26 Warbixin gaaban: Kuxigeenka Duqa magaalada Gaalkacyo C/laahi Axmed Ibraahim (Macruuf) oo lagu eedeeyay inay adeeg sanayaan kooxo doonaya inay qalqal galiyaan maamulka cusub ee degmada Gaalkacyo



Afkeena iyo Fartiisa W/Q: Dr. Saadiq Enow

 

»ASAASKII XISBIGII LEEGADA (SYL)
Dood ay diyaarisay idaacada VOA oo ay ka qayb-galayaan Wasiirka Arimaha dibada ee dowlada KMG ah iyo Laba suxufi oo kala ah Bishiir cumar Good iyo Faysal C/kariim Gabanow 
DAGAALKA DAHSOON EE SOOMAALIYA W/Q:Dr. Saadiq Enow 
AWOODDII LIIDATAY
W/Q: Dr. Saadiq Enow
AQALKII LIITEY
W/Q: Dr. Saadiq Enow
SUUBBANEHEENNII MAXAMED IYO SAGAALKIISII XAAS!! W/Q:Sabriye Macallin Muuse
Dagaalkii Ogaadeenya W/Q: Dr. Saadiq Enow
GOORTII DHULKAYAGII LA QEYBSADAY!
W/Q: Dr. Saadiq Enow
XAFLAD LAGU TAAGEERAYO DAWLADDA SOOMAALIYA OO KA DHACDAY OTTAWA
Sheeko Jacayl ah Nabar aan Dawoobeyn
W.Q. Cabdulqaadir M. Wacays
XAALADDA DHAQAALE EE SOOMAALIDA OTTAWA W/Q: Mohamed Dalmar
Warbixinaha iyo Macluumaadka Puntland:
Warbixin: Puntland, shacab baarri ah iyo maamul hanan waayey! W/Q: Abdulkadir Ali Salad
Warbixin Sawiro wadata: Madaxweynaha Puntland oo warbixin dheer siiyey shacabka Bosaso dhinacyadiisa kala duwan ka dib safarkiisa u ku tagay wadamo dhawr ah

Warbixin Sawirowatada: Wasaaradda Hormarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska, Wasaarad ku dayasho mudan

Warbixin Sawiro watada: Rug-Doorsiga Jaamacadda Dowlad Goboleedka Puntland (PSU)
Shirkii Jaamacada PSU ee magaalada Minneapolis June 8, 2008.
 
Webmaster@mudugonline.com -   ©2005 Mudug Online   ®All rights reserved.