Sida aanu soo xusnay, af-soomaaligu weli waa is-haystaa oo waa af qura. Ma gaarin heer uu kala dhilqado oo uu noqdo afaf kala tegey. Laakiin wuxuu leyahay lahjado wax-yar ku kala duwan, taas oo ah meesha bilowga ah oo haddaanan wax isku haya la helin ay kala dhilqanayaan. Markaas waxay noqonayaan afaf kala madax-bannaan. Lahjadaha af-soomaaliga baaristooda waxaa la bilaabay muddo nus qarni laga joogo horteed. Ragga u kuur-galay kala duwanaanshaha lahjadaha af-soomaaliga, waxay isugu jiraan aqoonyahanno Soomaaliyeed iyo kuwo shisheye ah. Ninka la yiraahdo Martino Moreno, oo ahaa aqoonyahan u dhashay dalka Talyaaniga, ayaa sanadkii 1951-kii wax ka qoray lahjadaha af-soomaaliga. Ninkaasi wuxuu baaritaankiisa ku koobnaa lahjadaha looga hadlo degaamada gobolka Benaadir. Isagu wuxuu lahjadahaas ku magacaabay (Benaadiri).
Ninkaas ayaa wuxuu xusay in uu jiro khilaaf yar oo lahjadahaas u dhexeya. Wuxuu arintaa ku tilmaamay kuwo ay sababeen socdaallada dhanka baadiyaha uga imanaya degaanka Benaadir. Sida caadada u ahayd maamullada gumeysiga, waxaa soo raaci jiray aqoonyahanno u kuur-gala dhaqamada ay lahaayeen ummadaha la gumeynayo. Iyagu waxay bartaan meelaha ay ku kala duwan yihiin bulshada dadyowga ay gumeysanayaan. Ujeeddadu waa in ay helaan meel ay khilaaf ka abuuraan. Martino Moreno, wuxuu diraasaadkiisii ku tilmaamay, Soomaalida xoolo-raacatada ah in ay raad xooggan ku leyihiin lahjadaha gobolkan. Wuxuu xusay, lahjadda ay ku hadlaan xoolo-dhaqatada Soomaaliyeed, in ay weerar ba'an ku hayaan lahjadaha Benaadiriga. Waxay ahayd xilli af-talyaanigu uu ahaa midka tir-tirayay ee shiiqinayay dhamaan lahjadaha af-soomaaliga.
Tan iyo xilligaas waxaa jiray aqoonyahanno xiiso u hayay in ay kala soocaan lahjadaha af-soomaaliga. Waxay isugu jireen mid dan guracan u adeegayay iyo mid ay dadaal ka tahay. Markii laysku soo urursho natiijada daba-galkii ay ku sameyeen lahjadaha af-soomaaliga, waxay ku abyootay in ay u qeybiyeen afar lahjadood. Waxay kala yihiin sidan :
1. Lahjadda Benaadiriga.
2. Lahjadda Af-Asharaaf.
3. Lahjadda Maay-maay.
4. Lahjadda Waqooyiga Soomaaliya.
Nimanka diraasaadkan sameyay waxay tilmaameen lahjad ay ku magacaabeen Lahjad-dhexaad Common Somali. Lahjaddaasi waa midda lagaga hadlo gobollada ku yaal bartamaha iyo waqooyiga Soomaaliya. Lahjad-dhexaadku waa halka ay ummaduhu u yaqaaniin Classic Language. Waxay mideysaa degaannada Soomaaliya oo dhan. Marka lays barbar dhigo lahjadaha gobollada, waxaa muuqanaya kala duwanaansho la xiriira habka ku dhawaaqa ereyga iyo kala doorasho ereyo isku macne leh.
Common Somali waxaa ku hadla dadka Soomaalida ah intooda badan, waana mid ay Soomaalidu dhammaan fahmi karaan. Sidaas bay ku noqotay af u dhexeya lahjadaha af-soomaaliga. Waxaa iyaguna lahjado fudud ah marka ay qoran yihiin lajadaha Benaadiri iyo Asharaaf. Lahjadda May-mayda, Soomaalida aanan la deriska ahayn gobollada looga hadlo, gaar ahaan kuwa ku nool waqooyiga iyo galbeedka fog, waa ay ku adag tahay in ay fahmaan. Waase lahjad u fudud qofka soomaaliga ah oo wuxuu ka baran karaa dhaqdhaqaaqa nolol-maalmeedka iyo sheekada seyladaha. May-may, waa lahjad ay ku hadlaan beelaha Soomaaliyeed ee leysku yiraahdo Digil iyo Mirifle ee degaankoodu yahay dhulka u dhexeeya labada webi (Juba iyo Shabeelle).
Lahjadda Benaadiri waxaa iyada lagaga hadlaa dhulka u dhexeya magaalooyinka Jowhar iyo Jamaame ee xeebta xiga. Lahjadda Asharaaf waxaa iyana lagaga hadlaa xaafadaha saraha ah ee magaalooyinka Xamar iyo Marka. Arrin xusid mudan baa ah in dadka deggan degmada Baraawe ay yihiin reerka keliya ee ku hadla af aanan Soomaali ahayn. Afkaasi oo la yiraahdo Chi-miini waxay bah-wadaag yihiin afka Baajuuni. Labadaas af waa laamo ka yimid afka Sawaaxiliga.
Waxaanu soo bandhigeynaa tusaalooyin wax inooga tilmaamaya kala duwanaanshaha lahjadaha af-soomaaliga. Lahjadda May-may waxaa ka maqan xarafka ama codka (X). Sidaa darteed meesheedii waxaa buuxiya xarafka (H). Tusaale :
Lah. Dhexaad ………….. Lah. May-may
Xamar ………………….. Hamar
Xoog ……………………. Hoog
Xeeb …………................ Heeb
Xad …………………….... Had
Haddii xarafka (X) uu yahay midka ugu danbeya ereyga, markaas lahjadda May-may waxay goysaa xarafka (X)-da ah. Tusaale :
Lah. Dhexaad …………..… Lah. Maay
Saddex ……………… …… Sidd
Lix …………………..…… Li
Libaax…………………… Libe
Afrax ………………..…… Afra'
Xarafka (C) ee codka lahjad-dhexaadku leyahay, lahjadda May-may waa uu ka maqan yahay. Sidaa darteed codeynta xarafka (C) ma adeegsadaan. Xarafka shaqalka ah eek u xiga ayay ereyga ka bilaabaan. Tusaale :
Lah. Dhexaad …………….…… Lah. May-may
Cali Cabdi …………….…....…… Ali Abdi
Cir iyo Caad …………….....…… Ir iyo Aad
Biciid ………………..…………… Bi´iid
Culeys ……………………...…… Uleys
Col ………………..…………..… Ol
Ereyada laga soo qaatay af-carabiga, xarfaha qaar baa marka lahjaddu ay tahay May-may, waxaa ku dhaca isbedela xagga xarfaha ah. Markaas oo lahjad-dhexaadku uusan ku dhicin wax isbedel ah. Waxaa jira degaamo aanan ku hadlin lahjadda May-may, laakiin arintan la wadaaga. Tusaale :
Lah. Dhexaad ………………..…… Lah. Maay
Wasakh ………………..………..… Wasaq
Shiikh ………………………..…… Shiiq
Waxaa leys bar-bar dhigi karaa lahjadaha saddexda ah ee Waqooyi, Koonfur iyo May-may, markaas waxaa kuu muuqanaya farqiga u dhexeya inuusan ahayn mid cayilan. Halkaas ayuu ka muuqanayaa in af-soomaaligu uusan weli gaarin af kala tegey. Tusaale :
Lah. Waqooyi …… Lah. Koonfureed …… Lah. Maay
Gabadh ………………. Gabar ……………..… Gebir
Badh ………………..... Bar ……..…………… Bir
Xidh …….…………… Xir ……………..…… Hir
Halkanna waxaanu ku soo bandhigeynaa isbedelka ku dhaca qaar kamid ah xarfaha falka ah (verbs) mrkii afarta lahjadood leys bar-bardhigo. Lahjaduhu waa lahjad dhexaad, Benaadiri, Asharaaf iyo May-may. Ereyga ah (Dhihid) ayaa waxaanu raacinaynaa magac u-yaallada lixda ah oo af-soomaaligu leyahay (aniga, adiga, isaga, iyada, annaga iyo idinka). Isbeddelada ay lahjaduhu u geysteen xarafkaas ayaa ah sidaan :
………… Lah. Dhe. .. Lah. Ben. … Lah. Ash. …… Lah. Maay
Anigaa ……Idhi ……... Iri …….... Dhehi ……....... .. Eri
Adigaa ….. Tidhi ……. Tiri ….......Dhehti …….…… Erti
Isagaa ........ Yidhi …... Yiri ......….Dhehi / Dhehyi.….Eri
Iyadaa ....... Tidhi …..… Tiri ...….…Dhehti ………….Erti
Annagaa…..Nidhi …....,. Niri …..…Dhehni …..….…Erni
Idinkaa ... Tiraahdeen Yiriheen ……Dheheen ….……Erteen
Haddana waxaanu wax ka xuseynaa ereyada badan ee magacyada ah, kuwaas oo xiriir la leh lahjadaha ay soomaalidu ku hadlaan. Magacyadaas oo ay u adeegsadaan walxaha ay garanayaan ayaa degmooyinka, qaarba ay ka adeegsadaan qeyb. Halka qeybta kale, iyaga oo garanaya ay garab-maraan. Tusaale :
Lah. Dhexaad ………….. Lah. Benaadiri
Kalluun ………….……….. Mallaay
Caleen …………..………... Hambool
Harag ………….. ……..….. Kor
Ugax …………..……...….. Ukun
Wanaagsan ……………….. Fiican
Bil ………….. ........………..Dayax
Waxaa jira ereyo fal ah, kuwaas oo sida magacyadan aanu xusnay ay gobolladu kala adeegsadaan. Iyaga oo ereygii garanaya ayaa gobolba uu mid adeegsadaa midna ka tagaa. Tusaale :
Lah. Dhexaad ……….......………..Lah. Asharaaf
Seexo………….. ........………........JJiifo
Duulis ………….. ........…….……..Buubis
Cayaar………….. ........…….……..Dheel
Socod ………….. ........………....…Bixid
Istaajin ……..….. .....…….....……..Joogsi
Labada aqoonyahan oo la kala yiraahdo Maxamad Cali Nuux iyo Christopher Ehret diraasaadkoodii la xiriiray af-soomaaliga, waxay ku soo ururiyeen 200 oo erey. Ereyadaas oo ay ka soo ururiyeen gobollada degmooyinka ay ku dhaqan yihiin dadka ku hadla af-soomaaliga, ayaa waxay yihiin erey-maalmeedyada ay Soomaalidu u adeegsadaan hadalka caadiga ah. Ujeeddadu waxay ahayd in loo kuur galo absaxanka lahjadaha af-soomaaliga iyo kala duwanaanshaha lahjadihiisa. Qeyb kamid ah ereyadii ay ururiyeen ayaanu so o miin-guurineynaa si ay noogu muuqato farqiga u dhexeeya lahjadaha af-soomaaliga.
Degaanka ……………..…… Lahjadda …
Jiiddo ………..…ani …….... adi……...uno
Reendiille ……....ani………. ati …...... inno
Bayso…..……..…ani……....ad…….... no
Garre ……..…..…ane…...... iidi .......... unnu
Tunni ………...…ana ….... ..ada ……...uno
Baardheere …....…ini …...... .ide …....... uno
Baydhabo ............ anna ……. ada…..... unnu
Luuq ………...…..anno ….....ado…..... unnu
Diinsoor …….......anne……. .adi …..... unne
Daafeed ………… ani ….......adi …...... unnu
Afgooye …………ani …........adi…...... uni
Baraawe …………anni ……..adi…........unuga
Jamaame …………aniga …...adiga …...unuka
Marka …………… ani….......adi ….......unuka
Xamar ……....…… ani ….....adi …....... unnunka
Jowhar ……....……aniga ...…adiga…... unuka
Buur-heybe ............ aniga …..adiga…... unnuka
Cadale ……….……anniga ....adiga ….... annaga
Buulo-berde …....…aniga …..adiga …..... anaga
Baali …………......,,ani ….,..,adi…..,....,, anneka
Digoodi ………..… aniga .…adiga…..... annaga
Harar ………,,,...… ani…...,,,adi …,,....... anaga
Qallaafe ………… aniga…...adiga…..... annagga
Kismaayo ………...aniga.…..adiga…..... annagga
Gaalkacayo …..…...aniga …..adiga…..... annaga
Qardho ……….…...aniga…...adiga…..... annaga
Wardheer ………....aniga…....adiga ….... anaga
Jabuuti ……...…….ani ….......adi…........ inaga
Dirir-dhabe ….........ani…........adi…......... annaka
Seylac ………….…aniga …...adiga …..... anaga
Jigjiga ……….....…an….........adiga …..... inaga
Boorama ….........…aniga…....adiga…...... inaka
Gebiley ….......… aniga …...adiga …...... innaka
Baabili …........… anniga .…adiga …...... annagan
Hargeysa…….… anniga …..adiga…..... anaka
Ceerigaabo ….....…anniga…...adiga …...... innaga
Burco …….…… anniga…...adiga …...... inaga
Laas-caanood ….…anniga…...adiga…...... anaga
Af-soomaaligu maahayn oo keliya af ay Soomaalidu u adeegsadaan hadalka. Balse wuxuu ahaa cadayn shakhsiyadeed oo ay isku garan jireen, isla markaas ay ku kala sooci jireen qofka Soomaaliga ah iyo kan shisheeyaha ah. Dowladihii Soomaaliyeed ee rayidka ahaa iyo tii ay ciidamadu ka talinayeen, dhamaantood waxaa dastuurka ugu qornaa in af-soomaaligu yahay caddeynta tilmaameysa qofka soomaalinimadiisa. Waxaa xeer u ahaa, dadka ku hadla af-soomaaliga in ay yihiin isku xuquuq. Sidaa darteed, bulshooyinkii soomaaliyeed ee ku hoos noolaa xudduudihii uu gumeysigu ka tegay, waxay noqdeen kuwo la xuquuq ah kuwii ku dhaqnaa gobolladii xorta noqday.
Af-soomaaligu waa xubinta ugu milgaha culus ee xiriirisa bulshada Soomaaliyeed. Sikasta oo cadow u dhaawacay midnimadooda, waa midka khasbaya in ayan ku kala tegin siyaasadaha guracan ee makastadu ka talisay. Weliba waa calaamad muujineysa wax wada-qabsi iyo isu hilow. Taasina waxay si wanaagsan u muuqatay, markii ay hoggaamiyayaashii Soomaaliyeed dan moodeen kala qeybinta bulshada. Markaas ayaa afku wuxuu noqday midka fashiliya mashruuc kasta oo Soomaalida lagu qeybinayo. Waayo dadkii oo ay dan xoog badan ka dhexeyso ayaa afku wuxuu fududeyay in dadku ay si sahlan u kala fushadaan danahooda. Colaadduna waxay ku hartay dagaal-oogayaasha iyo dhallinyarada ciidanka u ah oo keliya.
Waxaa xusid mudan, dadka ku dhaqan degmada Baraawe, in ay leyihiin af u gaar ah. Afkaas magacyada loo yaqaan waxaa kamid ah : Simiin, Simwini, Simbalazi, Simbaraawa iyo Miini. Si buuxda looma caddeyn karo in afka Barawaaniga uu kamid yahay lahjadaha af-sawaaxiliga. Dadka reer Baraawaha ah ma oggola in afkoodu uu yahay mid ka soo jeeda afka Sawaaxiliga. Taasina waxay ku saleyeen sida ayan isku afgaraneyn iyaga iyo lahjadaha Sawaaxiliga ah ee lagaga hadlo gobollada waqooyiga Keenya.
Arrin muddo lagu howlanaa baa waxay tahay, is barbar-dhigga xaaladaha lahjadaha Sawaaxiliga ee waqooyiga Kenya iyo xiriirka ka dhexeen kara iyaga iyo afka Barawaaniga. Natiijadii laga dhaxlay baa waxay noqotay in ayan waxba wadaagin. Si kastaba arrintu ha noqotee, is afgarad-waagu ma noqdo beeg looga qiyaas qaato in asalka afafku ay meelo kala duwan ka yimaadeen. Waa ay jirtaa in afka Barawaanigu uu yahay af u muuqaal eg lahjadaha Sawaaxiliga ah ee looga hadlo waqooyiga Kenya. Bal waxay uga dhowdahay lahjadaha kale ee Baantuuga ah ee lagaga hadlo bariga qaaradda Afrika. Markii la eego codka u gaarka ah lahjadaha sawaaxiliga ee looga hadlo bariga Afrika iyo ereyada badan oo ay wadaagaan, kuwaas oo ay la gaarka yihiin, intuba waxay caddeynayaan xiriirka qaraabanimo oo ay leyihiin Barawaaniga iyo lahjadahaas Sawaaxiliga ah. Sidaa darteed baa af-baraawuhu, afka keliya oo ay qaraabada yihiin afafka degaanka, wuxuu noqonayaa afka Swaaxiliga. Farqiga u dhexeya waxaa lagu tilmaami karaa arin ay sababtay go'doonka ku dhacay afka Barawaaniga, iyo duulaanka xoogga leh ee af-soomaaligu, muddo qarniyo ah, ku hayay si afkaas uu u Soomaaliyoobo.
Soomaalida ku dhaqan xeebaha koonfureed, reer baraawaha oo keliya ayaa afka Sawaaxiliga ku hadla. Waxaa soo raaca qeyb kamid ah bulshada Baajuunta ah. Dhulmareenadii carbeed iyo kuwii reer Yurub ee qarnigii 19-aad yimid koonfurta Soomaaliya waxay caddeyeen in magaalooyinka Xamar iyo Marka dadkii degganaa ay yiqiineen afka Sawaaxiliga. Dhan kale haddii la eego lahjadaha kala duwan ee Sawaaxiliga ah oo ay ku hadlaan dadyowga Laamu, Baajuun, Siiwu iyo kuwa lamidka ah waxaa si cad u muuqanaya in asalkoodu uu mid yahay. Khilaafka xagga afka ah ee bulshooyinkaas u dhexeya wuxuu yahay mid ka yimid is dhex-galka ay qolo walba la yelatay qolooyin ay deris la noqdeen.
Qore : Dr. Saadiq Enow
Casharadii hore ee afkeena iyo Fartiisa:-