Home  |  Islam  |  Suugaan  |  Qoraalo   |   Contact Us  
BBC Somali 5:00
BBC Somali 9:00
Codka nabada
RadioGalkayo
Radio Daljir
SBC-online
Somali tntv
Radio Sweden
Radio scerdo
HornAfrik
Radiolascaanod
R-freeSomalia
somaliahamradio
Radio Garowe
Radio Warsan
radiobaay.com
Algaracad
Alcarab
AllPuntland
Allidamaale
Allsomali
Ancis
Allwaamo.com
Agabso
alhudamedia
Ancis
Balcad
Banadir
Buuhoodle
Buuleberde
Calanka
Calmadow
dalkapress
Dayniile
Dhabbad.com
Doolo-Suugaan
4forsomaliwomen 
GaroweOnline 
Golkhatumo
Galdodogob
golkhatumo
iqrasomali
Halgan
Hamarey
Hiiraan
HornAfrica
Horseednet
Laascaanood
laasqoray.net
Idamaale
Jawhor
jirac.com
Kismaayopost
Kismayo
Markacadeey
maktabada
markacadey.net
Midnimo
Mudulood
Nedsom
Olol.us
puntlandgov
Nugaal
pacemagazine
Puntlandpost
Puntlandtimes
Puntchamber  
Qandala
Qandala.com
rakoraaxo.com
Sheerbi.com
Shabelle
somalipressreview
Somaali
  s-community
Somalifans
somali_family
Somheritage
Somaliaonline
somalianinfo
Somaliweyn
Somaliwatch
Somalinet
Somalitalk
Somlink
somalimarket
Stnfm
waayaha
Wardheernews
Widhwidh
Xargaga.com
xamarcadde
yamays.com
Yoobsan


Afkeena iyo Fartiisa - Casharkii VIII-aad W/Q: S. Enow
Posted to the MOL December 18, 2007, 5:54 pm

9. Yuusuf Sharmaarke Cismaan (1863-1918). Abwaanku wuxuu ku magac dheeraa Shan ku-kibir. Isagu wuxuu adeer u ahaa boqorkii saldanaddii Majeertiinya (boqor Cismaan). Sidaa darteed wuxuu kamid ahaa duqeydii wax ka hayay talada maamulkii ka dhisnaa gobolka. Islamarkaa wuxuu ahaa af-hayeenkii boqorka. Wuxuu gabey ku difaaci jiray qadiyadda maamulkaas. Inta badan waxay isu gabyi jireen abwaanadii fadhiyay Hobyo, oo ay xinif ka dhexeysay. Suugaan qurux badan ayuu abwaanku reebay. Waxaanu tusaale u soo qaadaneynaa tix uu u tiriyay dhaqdhaqaaqii Daraawiishta qarnigii 20-aad bilowgiisii. Waxay ahayd xilli Daraawiishtu ay guulo ka soo hoyday dagaallo waawayn oo ay la gashay ciidamo Xabashi ah iyo kuwo ka socday maamulkii Ingiriiska ee ka talinayay waqooyiga Soomaaliya. Abwaanka, isaga oo u tahniyadeynaya dhaqdhaqaaqaasi wuxuu yiri :
 
Ragga yimid risaalada la sido libinta rooreysa
Ee sabaradii Roox ka yimid saaka lagu reeye
Reer guurey reer nagi qalbigu waa iska raacaaye
Nimankaa kufriga riixayaan ahay rafiiqoode
Reerkoodi waxay dhaafsadeen raaxo aakharo'e
Anigaa ka raagaye raggii tegey ku reyreeye
Rakcadahaan tukado sunnada faralka aan raacshey
Wardigaan rukukumay iyo tusbaxa raatubka aan heysto
Hortii baan rabigey tuugi jiray inuu rakeeyaaye
Saakana in gaaladii la rogey reylki noo yimiye
Ruugga ha dhigtee waan la rabey riiqashiyo ceebe
Qalbiguna rakaal suul gelyoo waa ruxanayaaye
Sayid Maxamad rugta uu fadhiyo rugihi loo jeelye

 
10. Salaan Maxamad Xirsi (1875-1940) : Abwaanku wuxuu leeyahay sheekooyin-dhaqameed xiiso badan oo dhex-maray isaga iyo abwaano kale oo ay duddo wadaag ahaayeen. Wuxuu ku magac-dheeryahay Salaan Carabey. Maansooyin qiimo ku fadhiya ayuu reebay, kuwaas oo ka hadlaya dhaqanka wanaagsan ee u baahan in la ilaaliyo, sida nabadda, xushmadda xididka, deeqda, marti-soorka, geesinimada iwl. Wuxuu kamid yahay abwaanadii Soomaaliyeed ee kaalinta wacan kaga jiray gabeyada taariikhiga ah ee lagu magacaabo Guba. Gabeyada quruxda badan ee uu leeyahay waxaa kamid ah mid uu ka tiriyay mar uu doonay gabar la yiraado Cawa Dhooble. Reerihii gabadha dhalay ayaa waxay Salaan Carabey ka codsadeen in yaradka uu soo raacsho faras magaciisa la yiraahdo Wegen-Xille. Wuxuu markaas u xirnaa nin abti u ah abwaanka. Xilligaas reerka uu gabadha ka doonay iyo reerka uu faraska la yaal ee reer abtigiis ah, waxaa dhex-tiil colaad adag. Salaan oo ogsoonaa sida arintu u adag tahay, ayaa gabay u tiriyay abtigiis. Tixihii uu faraska ku weydiistay, waxaa kamid ahaa :
 
Tol widhiidhi galey geed wahdiya ururka waayeelka
Wigle jeedal lagu toociyuu warasayoo boodey
Bar-bariiqo lagu waabiyuu wadane xiimaaye
Kolkaasey wuxuushtiyo cunaan haad Allow wacaye
Rag is wada wajiiriyo inkaar waramadoo dhiig leh
Isagoo wajaqay meel xun buu wegerad yaallaaye
Markaasuu waraar rag u noqdaa wiiro la lahaaye
Weji gacalku weysugu qabtaa shey kastoo wacane
Haddaan walaxdu gurigiina iman kuma wareersheene
Wax ku siiyayaa iyo xaggaa kugu wareeyaaba
Kolla waarimeysee abtow Weris ha ley raacsho
 
11. Raage Ugaas (1880-1910) : Wuxuu kamid yahay abwaanada horseedayaasha ka ah suugaanta Soomaaliyeed. Waa ninka curiyay ereyada lagu fur-furto gabeyada Soomaaliga ee ah Hoyaalayey. Inkasta oo uu dhintay isaga oo dhallinyar, misana waa abwaan heer ummadeed ku qaan-gaarey. Gabeyadiisa waxaa si gaar ah uga muuqda daacadda uu u yahay wanaagga uu beeshiisa la doonayay. Gabeyada Raage inta badan waxay tilmaamaan calaacal. Kuwooda ugu milgaha culus waxaa kamid ah tixdan :
 
Xalay waxaa isniintii i heley toban umuuroode
Asal gama'na waan is idhi oo uurka kama seexan
Indhahana ma kala qaadahayn aragna wey muuqdey
Afka kama dhawaaqeyn haddana aamus ma aan yeelin
Ogaan uma qosleyn oo haddana iligyadey muuqdey
Aradkana dad kuma weheshanayn ururna waan joogey
Albaabada bannaankaan ka jiray aqalna waan jiifey
Istanbuuli cadarna la ima marin udugna way saaqey
Oon baa idiley oo biyaan ku ag wareegaayay
Onkod iyo hillaac roobna wuu nagu itaaleeyey
Ufo dhibicdu mey wadan haddana ooduhuu lulayay
Awaartii ma nabin oo haddana wuu anfacay keynta
Anfariir xaluun baan hurdada oog la soo kacaye
Illinkaan tallaabada ku wadey waan abbaar nahaye
Meeshaan abraarada ku tago aakhir bal aan eegno

 
12. Faarax Nuur (1880-1930) : Wuxuu ahaa suugaan-yahan geesi ah. Inta badan gabeyada abwaankan, waxay ku jeedeen halgan uu beeshiisa kaga xoreynayo maamulkii saldanaddii beelaha Garxejis. Beesha uu abwaanku ka dhashay oo ah Arab ayaa xilligaas laga itaal roonaa. Faarax Nuur wuxuu ahaa nin beeshiisa ku difaacay af addin. Isagu wuxuu hoggaamin jiray gulufyadii ay beesha abwaanku, ku doonayeen madax-bannaanida. Gabeyadiisa waxaa kamid ah midkan aanu qeybta ka soo miin-guuriney. Abwaanka ayaa tiriyay mar la damcay inta marti-soor loo fidiyo, in halkaa ama lagu qabto ama lagu dilo. Casumaaddii u timid ayuu gabey kaga jawaabay. Tixihii gabeyga waxaa kamid ahaa :
 
Haddaan nabadda loo wada qasdiyin weyska qiil jabane
Waataa raggii qoomanaa qaar xabaal yahaye
Goormaad run uga qaadateen qaan-yaraa dirirku
Qabbi hadalka lagu laankalaan qaar ka saamiciye
Waa lagu qiyaameynayaa Arabka qaaroowe
Bal qilaafka deya geeddigaa idin qaddaacaaya
Qaandhaawahoodii maxaa qoriga loo siistay
Qaalmaha rasaastii maxaa loogu wada quudhay
Qosol been ah fool wada qayilan qiil aan garanaayo
Booraan afkii laga qafiley quburna hooseeyo
Qunsur oodan shabaag leysu qubey qoolad iyo xeelad
Qulaab iyo kulaab iyo lucaab leysu qarinaayo
Qiyaamada kobtaa daahiraan qun ugu soo jeedin
Doqon baa halkii lagu qatali qoorta soo dhigane
Maanaa mindiyo ley qarshaa leygu qali doono

 
13. Ismaaciil Mire (1884-1950) : Abwaanku wuxuu kamid ahaa abaanduulayaashii ciidamadii Daraawiishta. Waxaa kale ee uu ahaa ninka labaad ee u gabya Daraawiishta. Waxaa uu hoggaamiye ka ahaa dagaalkii lagu dilay jeneraalkii Ingiriiska ahaa ee la oran jiray General Richard Corfield oo ay Somaalidu u taqaan jeneraal Koofil. Ismaaciil Mire wuxuu kamid yahay abwaanada calanka u sida suugaanta Soomaaliyeed. Gabeyadiisa caan-baxay waxaa kamid ah mid uu xaaskiisa kula hadlayay. Isaga oo hor kacayay ciidan ka soo laabtay dagaal, ayaa guluf diyaar ah loo dhiibay. Markaasuu xaaskii oo raashin iyo gogol u diyaarisey u yimid. Wuxuu ku yiri :
 
Faadumoy falaadkaygan baan fiiro kaa bariye
In faseexad loo wada hadlay gobi ku faantaaye
Fahmadaba adoon qaadan baad feedho hadashaaye
Filan naag taqaan waa ibleys furuq Alluu-keenye
Fidmadeeda xaajada adaa furaya shaallaaye
Ferenjaan ilaalinahayaa foos ka soo baxaye
Feddadaan wareegaa sidii farow ugaareede
Ma fur-furo habeenkii guntiga foore soo dhacaye
Fakayoonka iyo gaadhka badan feeyigaan bidaye
Xeedhyahan fandhaaleysan iyo Faarac lebenkeede
Fujaamadan la soo sido iyo foonka malabeysan
Far anoonan saarin baan fuuli Looshane'e
Inaan adiga kaa fiigayaad iga fileysaaye
Furuq heygu dilo naag kalaan faraha saaraaye
Ha fur-furin dermada leyga waa inaan fadhiistaaye
Foolkii astaadkaan ku heley feydo iyo kheyre
Faataxo markuu ii maraan farax dhaqaaqaaye
Ma faqriyo shareecada ninkii faraqa haystaaye

 
14. Cali Aadan Gorayo (1986-1950) : Wuxuu kamid yahay abwaanada miisaanka ku culus ku leh suugaanta. Wuxuu ku magac dheeraa Cali-Dhuux. Inkasta oo uu ahaa abwaan ka gabya godad badan, misana wuxuu ku caan baxay gabeyada godobta xambaarsan. Abwaanku wuxuu ahaa ninkii bilaabay gabeyadii Guba ee muddada 30-ka sanadood ah socday. Isla isaga ayaa lahaa gaba-gabadii gabeyadii Guba. Si xoog badan wuxuu u mucaaraday dhaqdhaqaaqii Daraawiishta oo uu u tiriyay gabeyo badan. Wuxuu si gaar ah u diiddanaa Sayid Maxamad oo odey ka ahaa dhaqdhaqaaqa. Gabeygii uu ku bilaabey silsiladdii Guba ayaanu tusaale u soo qaadaneynaa. Tixihii gabeygaas sidaan ayay ahaayeen :
 
Cartaney camuud leyska qaad ceelki reer Magane
Haddey curaddadii nool yihiin waad cabi lahayde
Nimankii ku caawiyi jiraan cidi ka nooleyne
Cabdullaahi iyo Yuusuf baa ciidda hoos galeye
Beddel baa cashiiro u xigoo waa cuq dabadeede
Raggii calanka saaraan jiriyo Caliba loo diidye
Niman baaba Caarshe u noqdiyo Caamir oo kale'e
Markuu Haybe sidii Coomir degey looga soo cararye
Ma la cawryi reer Yuusuf waa cirir Ogaadeene
Mid uu caayo mid uu ceyriyiyo mid uu carjaameeyo
Saddexdaa calaamuu ka dhigey cuurki reer Dalale
Caqli waxaan lahayn baad tahaye ha i caloolyeyne
Cayn iyo hartaad leedahaye caraqda fuuq-fuuqso
 
15. Qamaan Bulxan (1890-1950) : Wuxuu ahaa abwaan hanaqaad ah, ku caan baxay xikmad iyo murti culus. Qamaan wuxuu ka hadli jiray dhaqanka xoolo-dhaqatad Soomaaliyeed. Wuxuu kamid yahay abwaanada u kacay beesha Ogaadeen. Gabeyadiisa waxaa ku badan suugaan uu ku daafacayay beesha uu ka dhashay. Wuxuu ka jawaabi jiray gabeyada ay soo tiriyaan beelaha Harti iyo Isaaq. Qeybo kamid ah gabeyada uu abwaankani tiriyay, waxaa ay noqqdeen ooraah ay Soomaalidu ku maahmaahaan. Waxaanu tusaale u soo qaadaneynaa xirmo kamid ah tixdan :
 
Caliyow da'daan ahay waqaa looma duur-xulo'e
Duq gaboobey iyo wiil yar baa loo dedaa hadale
Diirkaan ka garan xaajadaad dabaqa saarteene
Ma dumaalo naaguhu ninkey nolol ku deyrshaane
Dayib uma yiraahdaan jerduu hawli daashado'e
Nin walaalki doorsadey Ilaah darajo siin waaye
Dalkaad ina adeerkaa dhigtaad weli degeysaaye
Baadida ninbaa kula dey-deyi daalna kaa badane
Oon doonahayn inaad heshaa daayin ebedkaaye
Dadkuna moodi duul wada dhashoon wax u dahsooneyne
Dallo malaha aakhiro haddii loo kitaab dayo'e
 
16. X asan Tarabi (1890 – 1950) : Abwaanku wuxuu kamid yahay ragga af-soomaaliga ku shaxney suugaanta qurxoon. Xasan Tarabi wuxuu u dhashey beesha Ciidagale. Wuxuu difaaci jiray magaca beesha. Waxay isu jawaabi jireen suugaanyahannada u dhashay beelaha deriska ah ee gabeyada weerarka ah soo tiriya. Nin la yiraahdo Cumar Ustelie oo u dhashay Habar-Awal
(Sacad Muuse), ayaa mar soo maagey beesha Abwaanka. Dabadeed Xasan Tarabi oo u jawaabaya wuxuu yiri :
 
Wadaadkii cadceed iyo cadceed laga cabsoonaayay
Isaga oo cartiisii qaboon cidina taa-taaban
Qabiil kale cayaar uma dhaceyn culus hashiisiiye
Guutada camuudda ah kolkii caasha loo geliyay
Gabagabaha ciirada markaad Cadar xaggaa moodey
Cara wiilasheedii kolkaan Caynab ku eryaayay
Caamir hooyadii iyo kolkey Calasa ooyaysey
Waakii Caruusa ugu galey caydha berigiiye
Nimankii calqadihii ka ridey ma cid kalaad moodey
Sow cududda Habar-Yoonis iyo Ciida-gale maaha

 
17. Maxamad Fiin (1895 – 1948) : Abwaanku wuxuu kamid ahaa raggii ka qeyb qaatay gabeyadii Guba. Wuxuu kaga qeyb-qaatey af-shaxan qiimi ku fadhiya. Suugaanta uu tiriyay waxay tilmaan wacan ka bixineysaa dhaqanka xoolo-dhaqatada Soomaaliyeed. Aragti fog iyo dareen micna wayn xambaarsan ayaa ka dhex muuqda. Tixdan ayaa tusaale ah :
 
Guntigii wadaadkii la eed gaba-gabeyntiiye
Galow baa ka ciyay ceelashaad geesi ku ahayde
Buuhoodle geel looma horin goorti dabadeede
Gammaankii badnaa ugama fulo labada geesoode
Gadhlihii shubaayiyo la waa garabya wayntiiye
Geedaha ka baxay lagama cuno gudubyo dhaadhowe
God abaadey waa kaa noqdiyo guri madoobaadey
Waxaa guul-darrida ugu wacan gini colaadeede
Waa gaasir reer Cali wuxuu wada gudboonaaye
Ma gu' yaree see Cali tashigu ugu galaalaadey
Guhaad laguma falo meel haddey gogoshu kuu taalle
Gaadiid ku qaadiyo haddaad gelin lixaad weydo
Gur-gur lama shilleystiyo hashii geela ka irmaane
Gunta lagama jaro geed hadduu kuu gabaad yahaye
 
18. Faarax Shuuriye (1910 – 1967) : Abwaanku wuxuu leeyahay gabayo badan oo dhacdooyin kala duwan ka hadlaya. Wuxuu ahaa af-tahan beeshiisa ku difaaca suugaan. Gaar ahaan, wuxuu wax ka tirin jiray gabeyada ama dagaallada dhex-mara beesha abwaanku ka dhashay (Habar-Gidir) iyo beelaha Daaroodka ah ee la degaanka ah (Majeerteen & Mareexaan). Mar uu ka jawaabayay gabey beesha loo soo tiriyay ayuu wuxuu yiri :
 
Mas galaalan good laba af-loo ganaya waabaayo
Abris nin uu god uga soo baxoo micida gaarsiiyay
Gallad Eebe mooyi iyo inuu uga gargaaraaye
Sow inuu go'aa lama ogaan galowdu raageynin
Nin libaax ku gawriirsadoo garabku hooseeyo
Oo guudka kala saaran yahay miciyo gaalleef ah
Haddaan guutadiisii ka celin gucumalow aarka
Sow inuu go'aa lama ogaan galawdu raageynin
Baddu nimey gur-guurtoon aqoon gudubsi loo dhaafo
Oo uu xiisku gaaddaha marshoo gebiga dhaafsiiyay
Gallad Eebe mooyi iyo inuu ugu gargaaraaye
Sow inuu go'aa lama ogaan galowdu raageynin

 
19. Cismaan Yuusuf Keenadiid (1895-1972) : Wuxuu ahaa abwaan fikrad dheer.
Filosoofi xikmad badan oo ka dhaqan duwanaa dhamaan abwaanada Soomaaliyeed. Marxalado nololeed ee kala duwan ayuu la kulmey. Cismaan Yuusuf, sida badan wuxuu ka hadli jiray dhaqan-wareega ku socday umadda Soomaaliyeed. Wuxuu difaaci jiray hiddihii wanaagsanaa ee soo-jireenka ahaa oo Soomaalida u dhaqanka ahaa. Islamarkaa wuxuu dadka ku wacyi gelin jiray in ay ummad ahaan isu ururiyaan. Cismaan wuxuu si buuxda uga gaabsaday gabeyada godobta ah ee qabiilka ku saleysan. Wuxuu ka fogaadey suugaanta beelaha lagu weerarayo ama lagu difaacayo. Aragtida uu xambaarsanaa ee ahayd mid ummadeed, waxaa tilmaamaya gabeyadii uu bulshada kula hadli jiray. Arintaas ayuu ku muteystay, xarumaha dhaqamada ee caalamka, in looga aqoonsado Aabihii Dhaqanka Soomaaliyeed (Father of Somali Culture). Suugaantii uu bulshada kula hadlayay sanadihii 1950-aadkii, waxaa kamid ah tixahan :
 
War Soomaali leyntiyo fitnada amase leystaanta
Laqdabada ku wada saabsan iyo lahanka uurkooda
Iyo Lillaahi gaabidu wixii lumiyay weeyaane
Iyagaa Libaaxyo isu noqon oo is laariyiye
Midba inuu walaalkiis legduu leebyada u tumane
In laftood jabeysiyo ma oga le'ashadoodaase
Shisheeyaha lalabayaa dadkii qaarki leexsadaye
Liicsade nasaaradu intey loodin karayeene
Liiradiyo shilinkaa ka ridey lun iyo haadaane
Haddey Liiggu suu yiri maqlaan luri ma gaarteene
Laqantooyo iyo daallinimo libin ma moodeene
Luqmad ay cunaan iyo arlada lacag ma siisteene
Uma laleymeen ceeb intey luqunta saartaane
Laxaad uma noqdeen gaaladii nagu lidka ahayde
Madaalyada xunoo laga lulluli lib uma qaateene

 
20. Cabdullaahi Suldaan (1920 – 1973) : Abwaanka oo ku magac-dheer Tima-cadde, ayaa wuxuu kamid yahay abwaanada caan baxay ee tusaalaha waawayn uga tegey umadda. Wuxuu kamid yahay abwaanada suugaanta ku difaacay qarannimada bulshada Soomaaliyeed iyo madax-bannaanideeda. Isku si ayuu u tilmaamaya cadwga dibadda ee weerarka ku ah jiritaankooda, iyo aragtiyaalka guracan ee umadda bur-bur ku keenaya. Isagu wuxuu ahaa ninkii ka gabyey calankii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed ee loo taago madax-bannaani gobol Soomaaliyeed. Gabeygaas oo bulshada dhexdeeda ku caan baxay, wuxuu ahaa (Kana siib kana saar). Gabeyada abwaanka, waxaa kamid ah maanso uu Soomaalida kala hadlayay qadiyadda foosha xun ee qabyaaladda. Goor hore ayuu tilmaamay shiddada ay leedahay iyo nafac la'aanteeda. Waxaa tixaha gabeygaas kamid ah :
 
Dadkan la hadlayaa baan lahayn dux iyo iimaane
Bal inay dalfoof tahay caqliga dooni laga saarey
Wixii horey u soo daashadey degashaneysaaye
Doc haddey u wada jeedsatoo dhowrto danaheeda
Oo duul walaala ah tahoo duunka ka heshiiso
Dadka kama yaraateene weys dabar-jareysaane
Duba madaxa weys kala dhacdaan daayin ebidkiine
Goortey is wada dooxataa daad u soo geliye
Ubadkiini waad daadiseen waadna dubateene
Dubaaxdiisi waataad cunteen duhur dharaartiiye
Dariiq toosan Soomaaliyay waa lagaa dedaye
Darajada Ilaahay ninkii doonayaa hela'e
Nin ka dudey dastuurkiyo waxyiga diinti ka carowye
Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane
 
21. Maxamad Ibraahin Warsame (Wuxuu dhashay sanadkii 1943-kii) : Abwaanku wuxuu ku magac-dheeryahay Hadraawi. Waa aqoonyahan ku caan baxay waddaninimo iyo Soomaali-jacayl. Suugaanyahan calanka u qaadey far-shaxanka af-soomaaliga. Abwaanku wuxuu ku soo caan baxay hal-abuuro uu curiyay bilowgii sanadihii 1970-aadkii. Waxaa xilligaas soo kordhayay baraarugga ummadeed ee xagga siyaasadda. Maansooyinka abwaanku uu xilligaas hal-abuurey, inta badan waxay astaan u ahaayeen caashaq. Laakiin waa ay dahsoonaayeen oo waxay ahaayeen kuwo mucaarid ku ahaa dowladdii kacaanka. Isla markaas wuxuu ku baraarujinayay dad-waynaha. Arimahaas ayuu abwaanku sanado xabsiga ugu jiray. Gabeygiisii Dur-dur ayaanu tixo ka soo qaadaneynaa :
 
Ma ogtahay ninkii doora baa hadalku deeqaaye
Ma ogtahay sur-suur daaban baa dabinku yaalaaye
Ma ogtahay dalluun baa ka qodan doox horteena ahe
Ma ogtahay xadhkaha daadsan aan lana dareemeynin
Ma ogtahay inaad door heshaan lagula dooneynin
Ma ogtahay mid kula doodayoo kuu dan laa jira'e
Ma ogtahay shisheeyuhu nin dagan waa kuwii dila'e
Ma ogtahay digtoonaan la'aan dacar inaad leefi

 
22. Khaliif Shiikh Maxamuud (1950 – 1982) : Muddo dhowr sano ah ayuu kamid ahaa abwaanada Soomaaliyeed ee la xiiseeyo suugaantooda. Isagu wuxuu markiiba calanka u qaadey hal-abuurka suugaanta af-soomaaliga. Khaliif wuxuu ahaa ninkii bilaabay gabeyadii silsiladda miinleyda ahaa oo illaa 43-ka gabey ay ka tiriyeen abwaano Soomaaliyeed. Gabeygiisii Hurgumo ee uu tiriyay dabayaaqadii sanadkii 1978-kii, ayuu ahaa midka ugu horeeyay oo shiday hurka suugaantii xilligaas bilaabatey. Gabeyadii uu sababey Hurgumo, waxay hor-dhac u noqdeen loolankii siyaasadeed oo ay curiyeen jabhadihii qabiilka ku dhisnaa. Taas oo ku abyootey dagaalka sokeeye iyo bur-burkii ummadeed. Isla gabeygaas Hurgumo ayaa loo aaneyaa in uu haybaddii dowladnimo ka qaadey maamulkii ay saraakiishu hayeen.
Tixihii Hurgumo waxaa kamid ahaa :
 
Marse haddaan qeyliyo oon mirar u yeer-yeero
Moxorkii jaceyleed hadduu firimbi mowleeyo
Haddii aan magaaladii Qandala oohin kula meero
Madaxyada Wal-waaleed haddey belo muluufaaddo
Ceelkii Mareegsane hadduu qiiqu mulufleeyo
Marsada iyo xeebaha haddii leysu mari waayo
Miskintii haweenkiyo haddaan marashin dheer qaato
Madal leysu soo baxay haddaan muusanow kiciyo
Waxaan maanka ku hayaa inuu maata-doox dhiciye
Innagoo makiinada laliyo moodhar ku ordeyna
Oo caradu naga muuqataan mowqifkii imane
Eebow waxaan maaganahay yaa maslixi doona

 
Waxaa dhab ah, sidaan horeyba u xusnay, inaanan halkan lagu soo koobi karin magacyada abwaanada u hanaqaadey bulshada Soomaaliyeed. Mahadi ha ka gaartee, aad ayay u badan yihiin ragga ka dhex-muuqda af-shaxanka iyo taariikhda suugaanta Soomaalida. Abwaanadaasi ayaa si qurux badan iyo siyaabo kala duwan u xardhey afka-hooyo. Iyagu waxay tilmaameen hodantooyada af-soomaaligu leeyahay. Qeybo kamid ah xikmadaha iyo Murtida ay reebeen, afaf badan ayaa lagu turjumey. Waxay noqdeen qaamuusyada lagu keydiyo ereyada af-soomaaliga. Isla markaasna loo doonto tix-raacyada qeexa ereyga. Abwaanada casriga ee la tilmaamo waxaa kale oo kamid ah Aw-Daahir Af-qarshe, Xaaji Aadan Af-qallooc, Maxamad Cali Gamuute, Nuur Cali Qonof, Jimcaale Dhegataag, Careys Ciise Kaarshe, Cali Cilmi Af-yare, Maxamad Cabdullaahi Sangub, Maxamad Cali Kaariye, Cabdulle Raage, Cabdi Muxumad Amiin, Abshir Nuur Faarax Bacadle, ikk.
 
Qore : Dr. Saadiq Enow





Casharadii hore ee afkeena iyo Fartiisa:-


Saaxiibkaa u dir

Sep 09 Inta badan wadamada Islaamka oo isku raacay inay beri oo Jimce ah tahay maalin ciid
Sep 03 Who Are the Real Pirates in Somalia?
Aug 30 War Saxaafadeed: Madaxweynaha Soomaaliya Ayaa Dalbaday Taageero Caalami Ah Oo Deg-deg ah
Aug 27 Somalia: Weekly humanitrian report
Aug 26 Warbixin gaaban: Kuxigeenka Duqa magaalada Gaalkacyo C/laahi Axmed Ibraahim (Macruuf) oo lagu eedeeyay inay adeeg sanayaan kooxo doonaya inay qalqal galiyaan maamulka cusub ee degmada Gaalkacyo



Afkeena iyo Fartiisa W/Q: Dr. Saadiq Enow

 

»ASAASKII XISBIGII LEEGADA (SYL)
Dood ay diyaarisay idaacada VOA oo ay ka qayb-galayaan Wasiirka Arimaha dibada ee dowlada KMG ah iyo Laba suxufi oo kala ah Bishiir cumar Good iyo Faysal C/kariim Gabanow 
DAGAALKA DAHSOON EE SOOMAALIYA W/Q:Dr. Saadiq Enow 
AWOODDII LIIDATAY
W/Q: Dr. Saadiq Enow
AQALKII LIITEY
W/Q: Dr. Saadiq Enow
SUUBBANEHEENNII MAXAMED IYO SAGAALKIISII XAAS!! W/Q:Sabriye Macallin Muuse
Dagaalkii Ogaadeenya W/Q: Dr. Saadiq Enow
GOORTII DHULKAYAGII LA QEYBSADAY!
W/Q: Dr. Saadiq Enow
XAFLAD LAGU TAAGEERAYO DAWLADDA SOOMAALIYA OO KA DHACDAY OTTAWA
Sheeko Jacayl ah Nabar aan Dawoobeyn
W.Q. Cabdulqaadir M. Wacays
XAALADDA DHAQAALE EE SOOMAALIDA OTTAWA W/Q: Mohamed Dalmar
Warbixinaha iyo Macluumaadka Puntland:
Warbixin: Puntland, shacab baarri ah iyo maamul hanan waayey! W/Q: Abdulkadir Ali Salad
Warbixin Sawiro wadata: Madaxweynaha Puntland oo warbixin dheer siiyey shacabka Bosaso dhinacyadiisa kala duwan ka dib safarkiisa u ku tagay wadamo dhawr ah

Warbixin Sawirowatada: Wasaaradda Hormarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska, Wasaarad ku dayasho mudan

Warbixin Sawiro watada: Rug-Doorsiga Jaamacadda Dowlad Goboleedka Puntland (PSU)
Shirkii Jaamacada PSU ee magaalada Minneapolis June 8, 2008.
 
Webmaster@mudugonline.com -   ©2005 Mudug Online   ®All rights reserved.