Home  |  Islam  |  Suugaan  |  Qoraalo   |   Contact Us  
BBC Somali 5:00
BBC Somali 9:00
Codka nabada
RadioGalkayo
Radio Daljir
SBC-online
Somali tntv
Radio Sweden
Radio scerdo
HornAfrik
Radiolascaanod
R-freeSomalia
somaliahamradio
Radio Garowe
Radio Warsan
radiobaay.com
Algaracad
Alcarab
AllPuntland
Allidamaale
Allsomali
Ancis
Allwaamo.com
Agabso
alhudamedia
Ancis
Balcad
Banadir
Buuhoodle
Buuleberde
Calanka
Calmadow
dalkapress
Dayniile
Dhabbad.com
Doolo-Suugaan
4forsomaliwomen 
GaroweOnline 
Golkhatumo
Galdodogob
golkhatumo
iqrasomali
Halgan
Hamarey
Hiiraan
HornAfrica
Horseednet
Laascaanood
laasqoray.net
Idamaale
Jawhor
jirac.com
Kismaayopost
Kismayo
Markacadeey
maktabada
markacadey.net
Midnimo
Mudulood
Nedsom
Olol.us
puntlandgov
Nugaal
pacemagazine
Puntlandpost
Puntlandtimes
Puntchamber  
Qandala
Qandala.com
rakoraaxo.com
Sheerbi.com
Shabelle
somalipressreview
Somaali
  s-community
Somalifans
somali_family
Somheritage
Somaliaonline
somalianinfo
Somaliweyn
Somaliwatch
Somalinet
Somalitalk
Somlink
somalimarket
Stnfm
waayaha
Wardheernews
Widhwidh
Xargaga.com
xamarcadde
yamays.com
Yoobsan


Afkeena iyo Fartiisa - Casharkii IX-aad W/Q; Dr. S. Enow
Posted to the MOL December 30, 2007, 4:42 pm

Afafku waxay caado u leyihiin in ay is weeraraan oo ay kala adkaadaan. Afkii laga itaal roonaado, wuxuu noqonayaa mid la shiiqiyo oo la hoos mariyo. Marksta waxaa adkaada afka dadkiisu ay ummad ahaan u hanaqaadeen. Af-soomaaligu wuxuu la kulmey duulaamo tira badan oo kaga yimid ummado shisheeye ah. Dhulka ay ku dhaqan yihiin bulshada ku hadasha af-soomaaliga, waa mid qaawan oo u furan laba badood oo caalami ah. Arintaasi waxay sahashey in ummado badan ay soo milicsadaan degaanka. Islamarkaa tirada dadka ku hadla af-soomaaliga oo aad u yareyd ayaa waxay ahayd qodob kale oo kallifayay in af-soomaaligu noqdo mid u sharaxan weerar dibadda kaga yimaada. Afafka duulaanka ku ahaa af-soomaaliga, waxaa lahaa ummado kala duwan, kuwaas oo marxalado kala duwan ay dadkooda hormood ka ahaayeen ilbaxnimada dunida tiil. Taariikhda waxaa ku xusan reer kasta oo hanaqaadey, meelaha ay cagta la soo gaari jireen waxaa kamid ah Geeska Afrika. Iyagu waxay markiiba xiriiro kala duwan la yeelanayeen bulshadii ku dhaqneyd degaanka. Heerka duulaanku wuxuu ahaa mid ku jaan-go'an hadba inta uu gaarsiisnaa xiriirka dhex-marey Soomaalida iyo ummadihii doolaalka ahaa.
 
Dadyowga reebey taariikhaha qoran kuwooda ugu da'da wayn waxaa kamid ah bulshadii ku hoos dhaqneyd maamulkii boqortooyadii reer Fircoon. Waxay qoraalladooda ku xuseen in xiriirkooda ganacsi uu soo gaari jiray dhulka Soomaalidu ku dhaqan yihiin. Waxaa la hayaa qoraallo tilmaamaya dagaallo dhex-marey boqortooyadii Punt ee ka dhisneyd Soomaaliya iyo maamulkii Mentuxoteb III (2019-1007 ch.) ee ka dhisneyd Masar. Duulaamo kala danbeyay ayay Masaaridu ku soo qaadeen xeebaha Soomaaliya. Waxaa iyana xusan boqortooyadii 18-aad (1570-1365 ch.) in ay Soomaaliya la yeesheen xiriir ka duwan kaa hore ee colaadda ku dhisnaa. Maamulkan ayaa Soomaaliya wuxuu u arkayay dhulkii Eebe ee dahirnaa. Sidaa darteed xiriir dhaqan iyo mid ganacsi ayuu la yeeshay dadkii ku noolaa Soomaaliya.
 
Inkasta oo aanan wax laga heyn afkii ay ku hadli jireen dadyowgii xilligaas ku noolaa Soomaaliya, misana waxaa jira oo maanta lahayaa raadka afkii Fircoonada (Hieroglyphia) uu ku reebey af-soomaaliga. Waxaa jira ereyo ka dhex-muuqda afka-hooyo oo ka soo jeeda afkii Hieroglyphia-da. Sidaa darteed af-soomaaligu wuxuu kamid yahay afafka ilaaliyay qaar kamid ah ereyadaas filka wayn. Ereyada Soomaaliga iyo Hieroglyphia-da ay isaga midka yihiin waxaa kamid ah kuwan :
 
Hieroglyphia
.......................... af-soomaali
Qorrax
..................................... Qorrax
anooka
.................................... aniga
suga
......................................... isaga
ann
......................................... annaga
tan
........................................... tan
 
Tan iyo qarnigii 7-aad, markii ay soo if-baxday diinta Islaamka, Geeska Afrika waxaa soo gaarayay hirar qaxooti ah oo kaga imanayay dhulka Carabta, kaas oo ay ka dambeysay colaadaha diineed ee xilliyadaas hore ka jiray degaanka. Kooxdii ugu horeysey ee qaxaas ku soo gaarey Geeska Afrika, waxay ahaayeen asxaabtii suubanihii Maxamad ahaa (shacni iyo nabadgelyo dushiisa ha ahaatee). Sanadkii shanaad ee soo if-bixii diinta Islaamka ayaa qaar kamid ah dadkii hor u islaamay ay u soo qaxeen dhulka boqortooyadii Abasiiniya. Iyagu waxay markaas ka soo baxsadeen cadaadis kaga yimid reerahooda. Waxaa qaxa kula taliyey suubanihii Maxamad ahaa (sh. n. d. a.).
Sheekooyinka qaar baa waxay xusaan in kooxdaasi ay ka soo degeen xeebta degmada Seylac.
 
Qarni kaddib, ciidamo ciidamo ka socda dowladdii Amawiyiinta, ayaa duulaan ku yimid xeebaha koonfureed ee Soomaaliya. Waxay daba joogeen, dadyow muslin ahaa oo degaankoodu ahaa agagaarka webiga Shabeelle. Dadkaasi ayaa waxay diideen in ay bixiyaan xoolihii sakada ahaa ee lagu lahaa. Ciidamadii Amawiyiinta, waxay markaas degaan ka sameysteen dhulka koonfureed ee uu maro webiga. Halkaas waxaa ku abuurmey unugyadii ugu horeyay bulshooyinka carabeed ee ku dhaqan koonfurta Soomaaliya.
 
Dabayaaqadii qarnigii 8-aad, koonfurta Soomaaliya waxaa soo gaaray dadyow caqiidadoodu tahay Sunni, kuwaas oo ka soo baxsaday maamulkii dowladdii Cabaasiyiinta ee Shiicada ahaa. Dadkan ayaa la maleynayaa in ay yihiin kuwii asaasey degmooyinka koonfureed ee Soomaaliya (Xamar, Marka iyo Baraawe). Xog laga helay degaanka Kilwa ayaa waxay sheegeysaa, nin la yiraahdo Saa'id bin Cali bin Xuseen iyo rag raacsan, in ay ku noolayeen degmada Xamar. Ninkaasi wuxuu kamid ahaa durriyaddii suubanaha (n. sh. d. a.). Muddo dabadeed, isaga iyo xertiisii waxay u tallaabeen dhulka gudaha. Kooxdaasi waxay ka cararayeen cadaadis kaga yimid maamul Xamar ka jiray ee carabtii degaanka kaga soo horeysey ay sameyeen. Qaar kamid ah beelaha Baajuunta ah ayaa waxay rumeysan yihiin in ay ka soo jeedaan ninkaas iyo xertii la socotey. (Islaam in East Africa. J. Spencer Trimingham. 1964. p.48).
 
Qarnigii 13-aad, gobolka Banaadir waxaa ka bilowday dhismo maamul boqortooyo ah oo ay horseedayaal ka ahaayeen qoyskii reer Fakhr Al-diin. Waxaa xigay dal-mareeno carab ah oo si is daba-joog ah u iman jiray degaanka. Ragga qarnigii 14-aad soo booqdey Soomaaliya oo waxna ka qorey waxaa kamid ahaa dal-mareenada kala ah Ibnu-Batuuta 1331-kii, Al-Haaruuni 1334-kii iyo Ibnu Siciid 1344-kii. Waxaa xusid mudan, in carabtu ay ahaayeen kuwii u eryey Burtuqiiskii qarniyadii dhexe weerarka ahaa, in uu ku nagaado degaanka.
 
Qarnigii 19-aad, dowladdii Masar ee uu hoggaaminayey Ismaaciil Al-Khadawi, iyaga oo doonayey in ay maamulkooda baahiyaan, ayay duulaan ku soo qaadeen degmooyin Soomaaliyeed. Waxaa kamid ahaa Seylac, Harar, Caluula iyo Kismaayo. Muddo 11 sanadood ah ayuu maamulkooda halkaas ku sugnaa.
Dagaalkii II-aad ee dunida kaddib, koox saraakiil ah oo ka tirsanaa ciidanka Masar ayaa dalka ku qabsaday af-gembi. Kooxdaasi oo uu hoggaaminayay Jamaal Cabdi Naasir, sanadkii 1952-kii, ayay gacanta ku dhigeen taladii dalka. Saraakiishu kama ayan harin damacii maamulladii carbeed ee ka horeyay ay ka lahayeen Soomaaliya. Xaaji Maxamad Xuseen Xaamid oo markaas odey u ahaa ururkii Leegada, ayaa si xoog badan ugu ololaynayey dareenka ay Masaaridu ku doonayeen in ay raad xoog leh ku yeeshaan dhaqanka Soomaalida, gaar ahaan afka. Dowladdii Masar, iyaga oo Soomaalida u fidinaya kaalmo kala duwan ayay dalka ka dhiseen dugsiyo heerar kala duwan ah, kuwaas oo manhajkooda waxbarasho uu ku sidkanaa dugsiyada dalka Masar.
 
Sanadkii 1951-kii, gobollada koonfureed ee Soomaaliya, tirada ardeyda wax ka baraneysay dugsiyadii ay Masaarida fureen, waxay ahaayeen 1.500 oo ardey. Marka la eego dal Soomaaliya oo kale ah, tirada ardeydaas maahan wax badan. Laakiin waa tiro muuqata markii la eego aqoonyahaannada soo kacayey iyo raadka dhaqameed oo ay ku yeelan karayaan mustaqbal bulsho xilligaas badow aheyd ee dhaqan xoolo-dhaqato leh.
 
Taariikhdaas dheer ee xambaarsan xiriirada isugu jira diin, dhaqan, siyaasad, ciidan iyo ganacsi, ayaa waxay af-soomaaliga dhaxalsiisey in afka carabiga uu meel wayn ka qabsado ku milanka af-soomaaliga. Tusaale ahaan, dhamaan ereyada diiniga ah ee af-soomaaligu leyahay waxay ka soo jeedaan af-carabi. Iyada oo aanan la barxin ayaa sidooda loo soo miin-guurshey. Tusaale :
 
" Alle, Rabbi, Nebi, rasuul, qiyaamo, aakhiro, malaa'ig, caqiido, shaydaan, soon, salaad, sadaqo, xaj, janno, cadaab, ................................... ".
 
Waxaa kale oo af-soomaaliga lagu arkaa, inkasta oo ayan badneyn, jumlado macna leh oo sideeda looga soo miin-guuriyey carabiga. Waxaa kamid ah (Anaa lahaa), oo af-carabina ku noqoneysa isla ceynkaas. Waa jumlad hadal ah oo dhawaaqeeda iyo macnaheeduba ay labada af isku mid yihiin. Keliya waxaa kala duwan culayska la saarayo (intuation) shaqallada, midka gaaban iyo midka dheer ee la socda xarafka hore (Anaa). Carabigana shaqalka gaaban ayuu culeyska saaraa, soomaaligana shaqalka dheer.
 
Aafka Ingiriiska iyo Talyaaniga ayaa iyaguna kamid ah kuwa duulaanka xoogga leh ku soo qaadey af-soomaaliga. Inkasta oo ayan u suurogelin in ay af-soomaaliga ku yeeshaan saameyn xoog badan, misana markii la eego muddada gaaban oo ay degaanka gumeysanayeen, waxaa muuqanaya raadka xowli-orodka badan oo ay afafkaas ku dhex galeen af-soomaaliga.
 
Ingiriiska, in uu xiiseyo dalka Soomaaliya, waxay bilaabatay sanadkii 1839-kii, kaddib markii uu fariisin ku yeeshay magaalada Cadan. Ujeeddada fariisinka Cadan ayaa wuxuu ahaa in ay ku nastaan, laga dhuxuleyo isla markaasna ay sahay ka sii qaataan maraakiibtiisa u gooshaya bariga fog. Soomaaliya wuxuu uga baahday labo arrimood. Waa mare in uu ka ammaan helo dhallinyarada Soomaaliyeed ee boobka ku hayay maraakiibta badda maraya. Tan kale waxay ahayd in uu raashin, gaar ahaan hilib, u helo ciidamada badan ee Cadan ka fadhiyay.
 
Talyaanigu goor danbe ayuu ku soo biirey xoogaggii gumaysiga. Arahdii ugu horeysey ee Talyaani ah, waxay Soomaaliya soo gaartey sanadihii 1970-aadkii. Bayaankii ka soo baxay fadhigii la magac baxay Berlin Act, 26/ 2- 1885kii, ayaa Ingiriiska iyo Talyaaniga u saamaxay in ay qayb u helaan degaamo ay ku dhaqnayeen beelaha Soomaaliyeed. Waxaa xusid mudan qowmiyaadka masiixiga ah oo Soomaalida la deriska ah qudhooda in ay hooshkaas qeyb ka heleen. Waxaa gacan ku siiyey xoogaggii embriyaaliga ahaa. Waxaa intaas dheer oo boqor Menelik uu u geystay Soomaalida in uu sheegto dhul Soomaaliyeed, sidaasna wuxuu ku noqdey xubin kamid ah xoogaggii qeybsaday degaanka. Ingiriisku wuxuu qaatay gobollada waqooyi, halka Talyaanigu uu qaatay gobollada ku sii jeeda bad-waynta Hindiya.
 
Waxaa jiray halgan teel-teel ah oo ay beelaha Soomaaliyeed ku diiddanayeen in xoogagga gumeysiga ay caga-dhigtaan ciiddooda. Taasi waxay wax badan dib u dhigtey qorshihii ay wateen dowladihii gumeysatada ahaa. Halgamadaas midkoodii ugu doorka roonaa waa kii Daraawiishta ee uu hoggaaminayey Sayid Maxamad Cabdulle Xasan. Kadib markii la muquuniyey dhamaan wixii halgan ahaa oo ay Soomaalidu wadeen, dalku wuxuu gacanta u galay xoogaggii shisheyaha ahaa. Waxaa xusid mudan, degmada Iskushuban in ay ahayd magaaladii ugu danbeysay ee gacanta gumeysiga gasha, taas oo Talyaanigu uu qabsaday bishii disember sandkii 1927-kii. (David. D. Laitini Politics, Language and Thought. 1977. p. 62).
 
Talyaaniga waxaa xilligaas u talinayay maamulkii Fashiistada ahaa ee uu odeyga ka ahaa Benito Mussolini (1922-1945). Ninkaasi ayaa wuxuu olole u galay in uu hakiyo qax ballaaran oo ay dad-waynaha Talyaanigu la beeganayeen qaaradda Ameerika. Saboolnimo daran ayaa dalka ka heysatey. Dad-waynuhu waxay ka qaxayeen dhibaatooyinka dhaqaale ee xilligaas ka jiray dalka Talyaaniga. Nadaamkii Fashiistadu wuxuu dhiiri-geliyay in dadka Talyaaniga ahi ay u qaxaan dhulalka ay ka abuureen maamullada gumaysiga oo ay Soomaaliya kamidka ahayd, taas oo weliba ay dowladdu ku maal-gelineyso ciddii halkaas u qaxda.
 
Kaddib markii ay hanteen gobolladii koonfureed, ayaa Talyaanigii wuxuu xoog ku degay dhulkii uu isha ku hayay ee ahaa dhulka beeraha ku wanaagsan. Waa gobollada ay maraan biyaha labada webi (Juba iyo Shabeelle). Sanadkii 1926-kii, Talyaaniga wuxuu Soomaaliya ka dhoofsadey 400 oo tan oo moos ah, taas oo dhamaantood loo dhoofiyay Talyaaniga. Toban sano dabadeed (1936-kii) wuxuu dalka ka dhoofsaday 49.000 tan oo moos ah. 24.900 tan oo kamid ah ayaa Talyaaniga aadey. Maamulkii Talyaaniga, markaas ayuu magaalo-madax u doortay Xamar, halkaas oo ay fadhiyeen madaxdii gumeysiga. Dabadeed wuxuu xariiqday dhul kamid ballaaran oo ah meelihii beeraha ku wanaagsanaa. Wuxuu ku magacaabay Regia Azienda Monopolio Banana. Waxaa halkaas lagu abuurey mooska loo dhoofinayo Talyaaniga. (Politics Language and Thought, David D. Laitin, 1977, p.63).
 
Dhaawac ayaa ku yimid mashaariicdii gumeysiga ee Talyaaniga, kaddib markii dowladdoodii looga adkaaday dagaalkii II-aad ee dunida. Waxaa kale oo dhaawac ku reebay halgankii ay bilaabeen dhallinyaradii Soomaaliyeed ee isku bahaystay ururkii la oran jiray S.Y.L. (Somali Youth League). Waxaase jirtey in mashaariicdii Talyaaniga ay si xoog badan u soo laabteen, kaddib markii JQ ka Dh ay Talyaaniga u xil-saartey in ay Soomaaliya gaarsiiso madax-bannaani. Soo-noqoshadii Talyaaniga, waxaa is beddeley xiriirkii uu la lahaa dalka iyo dadka. Hadduu shaley ahaa gumaysi, wuxuu noqdey macallin Soomaalida baraya sidii ay isu maamuli lahaayeen. Wuxuu furey dugsiyo lagu barto aqoon jaadad kala duwan (siyaasad, farsamo, caafimaad, ciidan, macallinnimo, maamul, iyo ganacsi). Waxaa weheliyay dugsiyo hoose iyo kuwo dhexe oo afka Talyaaniga lagu dhigo. Sanad dugsiyeedkii 1957-1958, ardeyda wax ka baranayay dugsiyadii magaalada Xamar oo tiradooda lagu qiyaasay 10.000, ayaa 4.000 oo kamid ah waxay wax ku baranayeen afka Talyaani. ( Ibidavid. p. 66).
 
Dhan kale waxaa kordhay wargeesyadii, buugaagtii iyo filimadii Talyaaniga ahaa ee dalka imanayey. Xilligaas af-talyaanigu wuxuu noqdey afka saddexaad ee dalka ka shaqeya. Wuxuu bilaabey in uu si wanaagsan u dhex-qaado af-soomaaligii oo uu u gudbo bulshada inteedii aanan waxna akhrin waxna qorin. Nin tifaf-tire ka haa wargeys la oran jiray Corriere della Somalia, ayaa sanadkii 1952-kii wuxuu tilmaamey sida af-talyaaniga uu ugu faafayo dadkii rayidka ahaa ee lagu wareejinayey howlihii uu Talyaaniga ka tegayay. Ninkaasi wuxuu la dhacsanaa dhaqanka gumeysiga iyo mashruucooda ku wajahan duulaanka afka. Isagu wuxuu soo qorey sidatan :
" Mar walba waxaa haboon in af qalaad loo helo Soomaalida. Kuwii u doodayey af-soomaaliga, waxay noqdeen kuwo uu soo jiito af-talyaanigii oo ah afkii maamulka, iyaga oo markaa, sida ugu sareeya uguna xushmad badan u ilaalinaya dhaqanka Talyaaniga sidii uu uga qeyb-qaadan lahaa hor u marka Soomaalida ". (David. D. Laitini Politics, Language and Thought. 1977. p. 68. Laga soo xigtey Corriere della Somalia 14/ 8- 1952).
 
Qore : Dr. Saadiq Enow


Afkeena iyo Fartiisa - Casharkii VIII-aad
Saaxiibkaa u dir

Sep 09 Inta badan wadamada Islaamka oo isku raacay inay beri oo Jimce ah tahay maalin ciid
Sep 03 Who Are the Real Pirates in Somalia?
Aug 30 War Saxaafadeed: Madaxweynaha Soomaaliya Ayaa Dalbaday Taageero Caalami Ah Oo Deg-deg ah
Aug 27 Somalia: Weekly humanitrian report
Aug 26 Warbixin gaaban: Kuxigeenka Duqa magaalada Gaalkacyo C/laahi Axmed Ibraahim (Macruuf) oo lagu eedeeyay inay adeeg sanayaan kooxo doonaya inay qalqal galiyaan maamulka cusub ee degmada Gaalkacyo



Afkeena iyo Fartiisa W/Q: Dr. Saadiq Enow

 

»ASAASKII XISBIGII LEEGADA (SYL)
Dood ay diyaarisay idaacada VOA oo ay ka qayb-galayaan Wasiirka Arimaha dibada ee dowlada KMG ah iyo Laba suxufi oo kala ah Bishiir cumar Good iyo Faysal C/kariim Gabanow 
DAGAALKA DAHSOON EE SOOMAALIYA W/Q:Dr. Saadiq Enow 
AWOODDII LIIDATAY
W/Q: Dr. Saadiq Enow
AQALKII LIITEY
W/Q: Dr. Saadiq Enow
SUUBBANEHEENNII MAXAMED IYO SAGAALKIISII XAAS!! W/Q:Sabriye Macallin Muuse
Dagaalkii Ogaadeenya W/Q: Dr. Saadiq Enow
GOORTII DHULKAYAGII LA QEYBSADAY!
W/Q: Dr. Saadiq Enow
XAFLAD LAGU TAAGEERAYO DAWLADDA SOOMAALIYA OO KA DHACDAY OTTAWA
Sheeko Jacayl ah Nabar aan Dawoobeyn
W.Q. Cabdulqaadir M. Wacays
XAALADDA DHAQAALE EE SOOMAALIDA OTTAWA W/Q: Mohamed Dalmar
Warbixinaha iyo Macluumaadka Puntland:
Warbixin: Puntland, shacab baarri ah iyo maamul hanan waayey! W/Q: Abdulkadir Ali Salad
Warbixin Sawiro wadata: Madaxweynaha Puntland oo warbixin dheer siiyey shacabka Bosaso dhinacyadiisa kala duwan ka dib safarkiisa u ku tagay wadamo dhawr ah

Warbixin Sawirowatada: Wasaaradda Hormarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska, Wasaarad ku dayasho mudan

Warbixin Sawiro watada: Rug-Doorsiga Jaamacadda Dowlad Goboleedka Puntland (PSU)
Shirkii Jaamacada PSU ee magaalada Minneapolis June 8, 2008.
 
Webmaster@mudugonline.com -   ©2005 Mudug Online   ®All rights reserved.