Home  |  Islam  |  Suugaan  |  Qoraalo   |   Contact Us  
BBC Somali 5:00
BBC Somali 9:00
Codka nabada
RadioGalkayo
Radio Daljir
SBC-online
Somali tntv
Radio Sweden
Radio scerdo
HornAfrik
Radiolascaanod
R-freeSomalia
somaliahamradio
Radio Garowe
Radio Warsan
radiobaay.com
Algaracad
Alcarab
AllPuntland
Allidamaale
Allsomali
Ancis
Allwaamo.com
Agabso
alhudamedia
Ancis
Balcad
Banadir
Buuhoodle
Buuleberde
Calanka
Calmadow
dalkapress
Dayniile
Dhabbad.com
Doolo-Suugaan
4forsomaliwomen 
GaroweOnline 
Golkhatumo
Galdodogob
golkhatumo
iqrasomali
Halgan
Hamarey
Hiiraan
HornAfrica
Horseednet
Laascaanood
laasqoray.net
Idamaale
Jawhor
jirac.com
Kismaayopost
Kismayo
Markacadeey
maktabada
markacadey.net
Midnimo
Mudulood
Nedsom
Olol.us
puntlandgov
Nugaal
pacemagazine
Puntlandpost
Puntlandtimes
Puntchamber  
Qandala
Qandala.com
rakoraaxo.com
Sheerbi.com
Shabelle
somalipressreview
Somaali
  s-community
Somalifans
somali_family
Somheritage
Somaliaonline
somalianinfo
Somaliweyn
Somaliwatch
Somalinet
Somalitalk
Somlink
somalimarket
Stnfm
waayaha
Wardheernews
Widhwidh
Xargaga.com
xamarcadde
yamays.com
Yoobsan


Afkeena iyo Fartiisa - Casharkii X-aad W/Q; Dr. S. Enow
Posted to the MOL January 15, 2008, 7:45 pm

Markii ay soo if-baxeen dad Soomaaliyeed oo u doodaya dhaqanka gumeysiga iyo qarameynta afka Talyaaniga, ayaa waxaa bilowdey doodihii kululaa oo muddada labaatanka sano ah ka socdey Xamar. Doodahaasi waxay ahaayeen kuwo u dhexeeyay dadka lagu tilmaami karey indheer-garadkii Soomaaliya ee xilligaas hanaqaadka ahaa. Qeyb kamid ah waxay difaacayeen afka hooyo, qeybta kalena waxay u doodayeen afafka qalaad oo Talyaanigu kamid yahay.
 
Xilligaas waxaa Xamar ka abuurmay dhallinyaradii la magac-baxdey Bulshada Afka iyo Suugaanta Soomaaliyeed (The Society for Somali Language and Literature). Waxay ku magac dheeraayeen Goosan. Iyagu waxay u joogsadeen in ay af-soomaaliga ka caabiyaan duulaanka xoogga leh ee xilligaas afafka qalaad ay ku hayeen af-soomaaliga. Inkasta oo dhallinyaradaasi ay dadaal badan ku bixiyeen difaaca afka hooyo, misana wax-qabadkoodii manoqon mid si buuxda u hor is-taaga ku milankii afafka shisheeye ay ku milmayeen af-soomaaliga. Sababta ugu wayn waxay ahayd, af-soomaaliga oo aanan xilligaas lahayn qoraal ilaaliya, kaas oo Soomaalidu ay ka mideysnaayeen.
 
Sidaa darteed, weerarka afafka qalaad wuxuu mar-walba helayay fagaare uu ku guuleysto. Dhallinyaradii xilligaas hore u joogsadey difaaca afkooda, maaheyn kuwo tabar iyo tayo ku difaaci karey af-soomaaliga. Laakiin arin qiimaheeda laheyd waxaa ah in ay ku baraarugeen goor hore xaalufinta ku socotey af-soomaaliga. Ereyo badan oo Talyaani ah ayaa weerarkaas ku Soomaaliyoobay, kuwaas oo dadka caadiga ah ay adeegsadaan. Waxaa kamid ah :
 
1. Fatuuro (gaari) wuxuu ka joogaa Auto-vettura
2. Baarbayeeri (tima-jare) wuxuu ka joogss Barbiere 3. Boorso (dambiil harag ah) wuxuu ka joogaa Borsa 4. Jardiino (beer ubax leh) wuxuu ka joogaa Giardino
5. Marshabiyeedi (laamiga dhinacyadiisa) wuxuu ka joogaa Marcia-peade
6. Ookiyaale (quraaradaha indhaha) Occhiali
7. Saandal (kabaho khafiif ah) wuxuu ka joogaa Sandali

 
Ereyo badan oo qalaad ayaa bilaabey in ay ku soo dhex-dhuuntaan qalabkii uu shisheeyuhu la yimid, kuwaas oo si toos ah ay Soomaalidu u qaateen. Tusaale, magacyada waaxyaha gaariga ayaa dhamaantood loo qaatey sidoodii ay ku yimaadeen. Ereyadaas waxaa kamid ah (Sterzo, Fremo, Frazione, ...............). Magacyadii degaanka qudhooda kama nabad-gelin weerarkii afka qalaad. Tusaale, suuqa Anzilotta, xaafadda Aviazione, Villa Abruzzi, Villa Graziano, Centoquindici, degmada Margaritta (waa Jamaame), degmada Lugh Ferrandi (Luuq).
 
Magaalada Xamar iyo degmooyinka kale ee koonfurta Soomaaliya waxaa ku noolaa bulshada Soomaaliyeed kuwoodii reer magaalka noqdey. Waxaa kale oo halkaas ku dhaqnaa maamulkii Talyaaniga iyo jaaliyadihiisii rayidka ahaa. Is dhex-galkii labada bulshadood waxay dhalisay in ay Soomaaliyoobaan jumlado af-talyaani ah oo aanan la barxin. Kuwooda dhaqanka-galay waxaa kamid ahaa ereyadan :
 
  Soomaali
.......................................Talyaani

Subax wanaagsan ............................. Buon giorno Galab wanaagsan ............. ............... Buona sera
Mahadsanid
...................... ..............Grazie
Nabadey ........................................ Ciao
Is-arag danbe ................................ Arrivederci
 
Sida uu af-talyaanigu xilligaas ugu fogaadey hadalka Soomaalida, waxaa laga garanayaa, in xataa abwaanadii dhaqanka ay suugaantooda u soo caariyeysteen ereyo Talyaani ah. Gabeyadii iyo heesihii waxaa soo dhex-galey ereyo talyaani ah. Cismaan Yuusuf Keenadiid ayaa kamid ahaa abwaanada suugaanta ee adeegsaday Talyaani ah. Ereyada uu abwaanku adeegsadey waxay ahaayeen kuwo ku baahsanaa caamada dhexdeeda. Tusaale, beyt kamid ah gabeygii Saxan-saxo ayuu Cismaan Yuusuf wuxuu ku sheegey sidan :
 
Sinyoorow intey ku cel-ceshaan sii-da ma hayaane.
 
Labada erey ee Talyaaniga ah waxay yihiin (Singiore) oo la macna ah Taliye iyo (Si) oo la macna ah waayahay. Cismaan wuxuu gabeygaas tiriyay bishii julay sanadkii 1960-kii. Isagu wuxuu markaa tilmaamayay in Soomaalidii ay ka xarig furatey Talyaanigii madaxda u ahaa ee gumeysanayay.
 
Afka Ingiriiska ayaa isna kamid ahaa afafkii duulimaadka ugu yimid af-soomaaliga. Wixii ka horeeyay qarnigii 19-aad, afka Ingiriiska lagama aqoon Soomaaliya. Inkasta oo degaanka uu uga soo horeeyay af-talyaaniga, misana qarniga dabayaaqadiisii, wuxuu noqdey af garab socday afka talyaaniga. Bilowgii qarnigii 19-aad, siyaasaddii dibadda ee Ingiriiska waxay si xoogan u daneyneysay ammaanka waddooyinka ganacsiga caalamiga ah oo ay maraan maraakiibtooda. Gaar ahaan kuwa socdaalkoodu uu ku dhamaado dalka Hindiya, halkaas oo ay ka dhisteen mustacmarad sal ballaaran. Xeebaha Soomaaliya waxay kamid ahaayeen meelaha ugu milgaha culus ee waddooyinkaasu maraan. Laakiin dhulka gudaha ah ee Soomaaliya, xilligaas hore ma noqon mid soo jiita dareenka xoogaggii embriyaaliga ahaa oo uu Ingiriisku ugu horeeyay. Sidaa darteed beeyan xilligaas u jirin wax qorshe ah oo Ingiriisku uu ka damacsanaa Soomaaliya.
 
Dhacdo hoosh ah oo ay dhallinyaro Soomaaliyeed u geysteen markab ganacsi oo Ingiriis ah ayaa lagu tilmaamaa in ay sababtey damacii ugu horeeyay ee Ingiriisku u yeesho Soomaaliya. Markabka la hooshey wuxuu marayay meel ku dhow xeebta Berbera. Dhacdadaasi waxay ku beegan tahay sanadkii 1825-kii. Isla sanadkaas, Ingiriisku wuxuu ciidamo la yimid Berbera
oo duqeydii degaanka uu heshiis khasab ah kula dhigtay, isaga oo ku soo gabanaya amniga doonyihiisa mushaaxaya xeebaha badda Cas. Heshiiskaas waxaa xigay kuwo is-daba joog ah oo ku saabsan dul-maamul uu Ingiriisku la dhiganayay beelaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan xeebaha badda Cas.
Tan iyo bartamihii qarnigaas, Ingiriiska wax hor u kac ah kama gaarin ogaallada dhulka gudaha ah oo ay Soomaalidu degaan. Sanadkii 1854, hay'ad Ingiriis ah oo la yiraahdo The Royal Geographical Society ayaa waxay diyaarisay mashruuc lagu baranayo nolosha ka jirta gudaha Soomaaliya, gaar ahaan degaanka xiriiriya Seylac iyo Harar. Mashruucaas waxaa odey looga dhigay sarkaal dhallinyaro ah oo magaciisa la yiraahdo R. F. Burton. Ninkan ayaa wuxuu ahaa kii ugu horeeyay ee reer Yurub ah oo ku guuleysta in uu degmada Harar gaaro, kana soo ururiyo ogaallo wax ku-ool ah.
 
R. F. Burton
, intuusan Soomaaliya iman wuxuu ku hor-maray dhulka barakaysan ee Xijaas (Maka iyo Madiina). Halkaas ayuu ka muujiyay in uu qaatay diinta Islaamka. Wuxuuna la baxay Shiikh Cabdullaahi. Muddo ayuu ku sugnaa dhulkaas oo uu baranayay diinta Islaamka iyo afka Carabiga. Wuxuu Berbera soo gaaray isaga oo u muuqaal eg nin wadaad ah. Bartamihii 1854-kii ayuu wuxuu bilaabay in uu kutubo diini ah ka akhriyo masaajid ku yiil Berbera. Sidaas ayuu wuxuu ku helay kalsoonidii culimadii Soomaaliyeed ee degaanka. Dabadeed wuxuu u socdaalay degmada Harar, bishii jenewari 1855-kii, isaga oo ay weheliyaan rag wadaaddo ah oo laga raacshay Berbera. Toban cisho ayuu ku sugnaa degmada. Wuxuu ku soo laabtay Berbera, ogaalladii uu ka qoray waxaa kamid ahaa sidan :
 
" Harar weli lama booqan, magaalo la jaad ah dunida maanta waa ay ku yar tahay. Iridaheeda waawayn weli looma furin arahyada ka imanaya Yurub. Waa magaalo da´ weyn, ilbaxnimona ay ka muuqato. Waxaa ku nool hal dad oo aanan la wehelin. Dadka sida joogtada ah u degan waa dadka degaankoodu yahay geeska Afrika. Magaaladaas oo uu derbi ku weegaaran yahay, waxaa dhexdeeda fadhiya wadaaddo laga barto diinta Islaamka. Aqallada magaaladu waa dhagax, waxay leeyihiin maamul madax-bannaan oo uu ka taliyo nin amiir ah. Dadkeedu waa kuwo aanan horey loo arag, waxay ku hadlaan af aanan la garaneyn, waxay leeyihiin lacag u gaar ah. Waa xarunta qaxwaha (coffee), taliska ganacsiga addoomada iyo meesha ay ka bilaabatey tallaalka dhirta qaadka. Waxay leedahay wershad wayn ee hagaajisa cudbiga dharka laga sameeyo. Dhab-ahaana waa ay mutaysatey in ay la collowdo arahyada ka imanaya Yurub ". (S. Touvalli. Somali Nationalism. 1963. p. 31)
 
Bartamihii qarnigaas, Ingiriisku waxaa kale oo uu xiriir la yeeshay suldaankii Majeertiinya Boqor Cismaan Maxamuud. Waxay ujeeddadiisu ahayd in loo badbaadiyo doonyihiisa ka soo leexanaya dhulka xagasha ah ee gacanka Gardafoy. Ingiriiska xilligaas xiiso uma uusan hayn in uu heshiis dul-maamul la dhigto maamulka Boqor
 
Cismaab. Sidaa darteed ayuu wuxuu u qoondeeyay deeq lacag ah oo uu siiyo sanad walba.
Markuu dhamaadey qarnigii 19-aad, Soomaaliya waxaa ka bilowday halgamo ay Soomaalidu ku diidanaayeen maamulladii gumeysiga. Koodii ugu waynaa wuxuu ahaa halgankii Daraawiishta ee uu hormood ka ahaa Sayid Maxamad Cabdulle Xasan. Dagaaladii badnaa oo ku dhex-maray waqooyiga Soomaaliya ayaa sababay in raadkii Ingiriiska uu gaaro meelo badan oo kamid ah baadiyihii ay Soomaalidu ku dhaqnaayeen. Raadkaasi wuxuu xoogoobey dagaalkii II-aad kadib. Waxaa markaas abuurmey mu’asasaadkii gumeysiga oo ay kamid ahaayeen maamulka iyo shaqaalihiisii. Waxaa weheliyay dugsiyadii Ingiriisku u furey ardeyda Soomaaliyeed. Intuba waxay kordhiyeeen in afka Ingiriiska uu si sahlan ugu milmo af-soomaaliga. Muddo gaaban ayaa waxay ku gaartey, abwaanadii dhaqanka Soomaaliyeed, in ay af-ingiriiska ka soo caariyeystaan ereyo. Waxay u adeegsanayeen suugaantii ay curinayeen.
 
Ismaaciil Mire ayaa kamid ah abwaanada goor hore bilaabey in ay afka ingiriiska ka soo qaataan ereyo ay gabeyga ku darsadaan. Beyt uu Ismaaciil tiriyey ayaa wuxuu ahaa sidan :
 
Ferenjaan ilaalinahayaa foos ka soo baxaye
 
Ereyga foos wuxuu ka taagan yahay (force) oo macnihiisu yahay ciidan. Xeryihii ay fadhiyi jireen ciidamadii u adeegayay maamulka Ingiriiska ayaa la oran jiray force.
 
Suugaanyahan kale oo aanu tusaale u soo qaadaneyno waa Salaan Carabey. Gabey uu abwaanku tiriay ayaa isna tixihiisii waxaa kamid ahaa :
 
La'da xarafka laanka iyo ba'daan loyar ku ahaaye
Nin awowgii loox ugu dhigoo liilgashaan ahaye
Legjar Faranji niman baa akhriya laawis iyo beene
 
Salaan ereyada uu markan doortey waa loyar (lawyer) oo macnaheedu yahay qareen, legjar (lecture) oo macnaheedu yahay muxaadaro iyo laaw (low) oo macnaheedu yahay xeer. Xarafka laanka ah ayuu ka doontey. Arintaasi waxay tilmaameysaa in afafka qalaad ay goor hore heleen fursad ay ku weeraraan af-soomaaliga. Erey kasta oo la qaato, wuxuu riixayaa oo meeshii ka saarayaa erey Soomaali ah. Waana caynkaas habka ay ku bilaabato afafka is-shiiqiya.
 
Bartamihii sanadkii 1960-kii, Soomaaliya waxay qaadatey madax-bannaani. Ardeydii Soomaaliyeed ee wax ka baranayey dugsiyadii dalka, dhamaantood waxay wax ku baranayeen afaf shisheeye. Afafka nasiibka wayn ku yeeshey waxay ahaayeen Talyaani iyo Ingiriis. Tirakoob laga sameeyay sanad-dugsiyeedkii ugu horeeyay jamhuuriyaddii xorta ahayd, waxay kala ahaayeen sidan :
 
Heerka ardeyga
.................. Af-talyaani ....................... Af-ingiriis
Dugsiyada hoose
................ 17.938 ................................... 4.306
Dugsiyada Dhexe
................... 556 .................................... 1.766
Dugsiyada Sare
..................... 159 ...................................... 159
Diyaarin macallin
.................... 102 ....................................... 54
................................................................................................................
Tiro wadar ah
................... 18.755 ....................................... 6.248
(David. D. Laitini Politics, Language and Thought. 1977. p. 66)
 
Afafka Baantuuga ayaa iyana waxay kamid yihiin kuwa mudan in la xuso marka laga hadlayo afafka shisheeye ee ku soo duulay af-soomaaliga. Inkasta oo dadyowga ku hadla Baantuuga ay ka tiro iyo tayo hooseyeen xoogaggii gumeysiga, misan waxaa jirta in afkoodu uu ka qeyb qaatay weerarka lagu shiiqinayay af-soomaaliga. Bulshooyinka ina khuseeya ee aan halkan ku soo qaadanaynaa waa kuwa ku dhaqan xeebaha waqooyi-bari Kenya.
Baantuuga waa dadyow isku dhafan oo u kala baxa qeybo kala guntan. Tusaale, qowmiyadaha Baantuuga ee ku dhaqan Kenya, qeybahoodu waxay isugu xiranyihiin qaab afeed, oo intii isku af ah, iyaga ayaa isu qaraabo ah. Reeraha Sawaaxiliga ah ee lagu magacaabo Majikeendha iyo kuwa Bokomo waa qaraabo markii loo eego sawaaxiliga Sabaaki. Reerka la yiraahdo Sabaaki waxay sheegtaan in afafka ay baantuugu ku hadlaan, asal ahaan uu afkooda yahay. Majikeendhada iyo Bokomadu, iyagu waxay sheegtaan in ay yihiin reero ka soo jeeda boqortooyadii Shunguwaaya ee qarniyadii dhexe, fadhigeedu ahaa koonfurta webiga Juba.
 
Dadka ku hadla Baantuuga (Bantu Speakers) waa qowmiyado leysku raacshey afafkooda oo la maleynayo in ay qaraabo bah-wadaag ah yihiin. Soomaalida ayaa waxay qabaan, in dadyowga Baantuuga ah ee la nool ay yihiin dad degaanka yimid qarnigii 19-aad. Waxay tilmaamaan, carabtii ka ganacsan jirtey iibsiga dadka adoomada ah, in ay yihiin kuwa degaanka keenay. Laakiin asalkoodu uu ahaa Keenya iyo Tanzaniya. Dabadeed mardanbe ayay noqdeen dad beeraley ah oo waxay degeen daamanka labada webi ee Juba iyo Shabeele. Dalaga u baxa waxaa ka iibsan jiray ganacsatadii ku dhaqneyd degmooooyinka xeebaha ku yaal sida Xamar, Marka iyo Baraawe. Dadkan ayaa iyagu waxay isu arkaan in asalkoodu Soomaali yahay oo ay degganaayeen koonfurta dhulka uu maro webiga Juba. Dadyowga ku hadla afka baantuuga ee ku nool bariga dalka Keenya iyo Tanzaaniya, inbadan oo kamid ah ayaa sanadihii 60-aadkii sheeganayay in aslkoodii hore ay ka yimaadeen Soomaaliya. Sanadihii 70-aadkii sheegashadaas waxay ku koobneyd qolooyinka kala ah :
 
1- Majikeendha : waxay ku dhaqan yihiin bartamaha iyo xeebaha Keenya.
2- Bokomo : waxay ku dhaqan yihiin waqooyi-bari Keenya iyo daamanka webiga Taana.
3- Qeybo Sawaaxiliga kamid ah sida : Baajuun (waxay degaan xeebaha gobolka waqooyi-bari ee Keenya iyo koonfurta Soomaaliya) iyo Mambuuri (waxay degaan waqooyiga magaalada Mambaasa).
 
Qaabka ay Baantuugu u dhaawaceen af-soomaaliga waa ay ka culustahay ereyo ay inoo soo dusiyaan. Balse waxay qaateen oo ay dhaqan wareejiyeen beelo Soomaaliyeed oo xoolo-dhaqato ahaa. Kuwaas oo si buuxda ugu milmay qaar kamid ah bulshada Baantuuga ah. Dabadeed, beelihii Soomaaliyeed waxaa ay lumiyeen dhaqankii Soomaaligu lahaa oo afku u wayn yahay. Waxaa la tilmaami karaa qaar kamid ah reeraha Reendiille oo sida la rumeysan yahay kamid ahaa dadyowgii kuushiitigga ahaa ee ku noolaa koonfurta Banaadir. Reeraha la yiraahdo Biyamaal waxaa sheeko-dhaqameedyadooda kamid ah in Reendiille qeyb kamid ah ay yihiin dad iyaga ka tegey oo ay absaxan-wadaag yihiin. Dadkaasi waxay ku tageen dagaal ay xargihii reerka Biyamaal isugu tageen. Magaca reerkan qaxay waa Kalafoow, abtirsiinyahooduna wuxuu gelayaa Sacad oo jifi Biyamaal kamid ah. Waxaa arintaa weheliya duulaanka xagga ereyada ah oo af-soomaaliga kaga imanayey bulshooyinkan Baantuuga ah. Tusaale :
 
Sawaaxili ....................... Soomaali
Baanga
........................ Baangad
Ki Koombo
.................. Koombo
Jiko
.............................. Jiko
 
Qore : Dr. Saadiq Enow


Afkeena iyo Fartiisa - Casharkii IX-aad
Saaxiibkaa u dir

Sep 09 Inta badan wadamada Islaamka oo isku raacay inay beri oo Jimce ah tahay maalin ciid
Sep 03 Who Are the Real Pirates in Somalia?
Aug 30 War Saxaafadeed: Madaxweynaha Soomaaliya Ayaa Dalbaday Taageero Caalami Ah Oo Deg-deg ah
Aug 27 Somalia: Weekly humanitrian report
Aug 26 Warbixin gaaban: Kuxigeenka Duqa magaalada Gaalkacyo C/laahi Axmed Ibraahim (Macruuf) oo lagu eedeeyay inay adeeg sanayaan kooxo doonaya inay qalqal galiyaan maamulka cusub ee degmada Gaalkacyo



Afkeena iyo Fartiisa W/Q: Dr. Saadiq Enow

 

»ASAASKII XISBIGII LEEGADA (SYL)
Dood ay diyaarisay idaacada VOA oo ay ka qayb-galayaan Wasiirka Arimaha dibada ee dowlada KMG ah iyo Laba suxufi oo kala ah Bishiir cumar Good iyo Faysal C/kariim Gabanow 
DAGAALKA DAHSOON EE SOOMAALIYA W/Q:Dr. Saadiq Enow 
AWOODDII LIIDATAY
W/Q: Dr. Saadiq Enow
AQALKII LIITEY
W/Q: Dr. Saadiq Enow
SUUBBANEHEENNII MAXAMED IYO SAGAALKIISII XAAS!! W/Q:Sabriye Macallin Muuse
Dagaalkii Ogaadeenya W/Q: Dr. Saadiq Enow
GOORTII DHULKAYAGII LA QEYBSADAY!
W/Q: Dr. Saadiq Enow
XAFLAD LAGU TAAGEERAYO DAWLADDA SOOMAALIYA OO KA DHACDAY OTTAWA
Sheeko Jacayl ah Nabar aan Dawoobeyn
W.Q. Cabdulqaadir M. Wacays
XAALADDA DHAQAALE EE SOOMAALIDA OTTAWA W/Q: Mohamed Dalmar
Warbixinaha iyo Macluumaadka Puntland:
Warbixin: Puntland, shacab baarri ah iyo maamul hanan waayey! W/Q: Abdulkadir Ali Salad
Warbixin Sawiro wadata: Madaxweynaha Puntland oo warbixin dheer siiyey shacabka Bosaso dhinacyadiisa kala duwan ka dib safarkiisa u ku tagay wadamo dhawr ah

Warbixin Sawirowatada: Wasaaradda Hormarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska, Wasaarad ku dayasho mudan

Warbixin Sawiro watada: Rug-Doorsiga Jaamacadda Dowlad Goboleedka Puntland (PSU)
Shirkii Jaamacada PSU ee magaalada Minneapolis June 8, 2008.
 
Webmaster@mudugonline.com -   ©2005 Mudug Online   ®All rights reserved.