Home  |  Islam  |  Suugaan  |  Qoraalo   |   Contact Us  
BBC Somali 5:00
BBC Somali 9:00
Codka nabada
RadioGalkayo
Radio Daljir
SBC-online
Somali tntv
Radio Sweden
Radio scerdo
HornAfrik
Radiolascaanod
R-freeSomalia
somaliahamradio
Radio Garowe
Radio Warsan
radiobaay.com
Algaracad
Alcarab
AllPuntland
Allidamaale
Allsomali
Ancis
Allwaamo.com
Agabso
alhudamedia
Ancis
Balcad
Banadir
Buuhoodle
Buuleberde
Calanka
Calmadow
dalkapress
Dayniile
Dhabbad.com
Doolo-Suugaan
4forsomaliwomen 
GaroweOnline 
Golkhatumo
Galdodogob
golkhatumo
iqrasomali
Halgan
Hamarey
Hiiraan
HornAfrica
Horseednet
Laascaanood
laasqoray.net
Idamaale
Jawhor
jirac.com
Kismaayopost
Kismayo
Markacadeey
maktabada
markacadey.net
Midnimo
Mudulood
Nedsom
Olol.us
puntlandgov
Nugaal
pacemagazine
Puntlandpost
Puntlandtimes
Puntchamber  
Qandala
Qandala.com
rakoraaxo.com
Sheerbi.com
Shabelle
somalipressreview
Somaali
  s-community
Somalifans
somali_family
Somheritage
Somaliaonline
somalianinfo
Somaliweyn
Somaliwatch
Somalinet
Somalitalk
Somlink
somalimarket
Stnfm
waayaha
Wardheernews
Widhwidh
Xargaga.com
xamarcadde
yamays.com
Yoobsan


Afkeena iyo Fartiisa - Casharkii XII-aad W/Q; Dr. Saadiq Enow
Posted to the MOL March 3, 2008, 11:25 am

Qowmiyaddii Griigga, iyada oo dhigaalka alif-ba'du ay tahay mid curdan ah, ayay markiiba isku khilaafeen qaabkii ay u xardhi lahaayeen xarfaha ay wax ku qoranayaan. Waxay ahayd xilli degaamadii Griigga ay ka curteen colaado baaxad wayn. Khilaaf siyaasadeed iyo sad-burse dowladeed ayaa soo kala dhex galey qabaa'ilkii Giriigga ahaa. Waxay taasi sabab u noqotey dagaallo sokeeye oo wakhti badan socdey. Alif-ba'dii ayaa markaas waxay dhex-mushaaxdey dagaalladii ka dhexeeyay beelihii Giriigga ahaa ee is cunayay. Xarfaha xilligaas hanaqaadka noqdey waxaa kamid ahaa alif-ba'dii la oran jiray Jonis. Iyadu waxay curatey 400 oo sano ch. Fartan dhigaalkeedu wuxuu si xooggan ugu faafey inta badan gobolladii ay ku noolayeen bulsha-wayntii Griigga ahayd.
 
Hanaqaadkii alif-ba'dan waxaa dhinac socday oo iyaguna meel adag xigsaday alif-ba'da la yiraahdo Etruskis, taas oo ku faaftey galbeedka dalka Griigga. Waxaa iyana goor dambe soo shaac baxay alif-ba' kale oo la yiraahdo Gotis, taas oo ah xarfihii Jonis oo farsamadeedii wax laga beddelay. Alif-ba'da Gotis-ku waxay markiiba ku faaftay bartamaha degaamadii ay ku noolaayeen bulshadii Giriigga ahayd.
 
Farta Gotis-ka waxaa loo adeegsadey turjumaaddii ugu horeysay ee kitaabka muqaddaska ahaa ee Injiil (Bible). Waxaa markaas laga soo miin-guurshey qaraallo lagu xardhey alif-ba'dii abjadiyadda ee ahayd carabigii hore, taas oo la oran jiray Nabataen. Alif-ba'dan danbe ayaa waxay ahayd mid ka da'wayneed taas hore ee Gotis-ka ah.
 
Bulsho kale oo ku dhaqneyd waqooyiga Griigga ayaa iyaguna waxay u baahdeen alif-ba' ay ku qortaan lahjad ay ku hadli jieen. Iyagu goor dambe ayay farsameysteen alif-ba' ay soo caariyeysteen. Alif-ba'dii Gotis-ka ahayd ayaa intay hagaajiyeen waxay u dhiseen qaab ku haboon dhawaaqa lahjaddooda. Dadkaasi waa dadka ay ka soo farcameen dadyowga ku nool dalka Ruushka iyo kuwa ay bah-wadaagta yihiin ee deriska la ah (Slovian Family).
 
Halkaas waxaa Giriiggii kaga leexdey alifba'dii saddexaad oo ka duwan kuwii fartii asalka ahayd. Fartan waxaa lagu magacaabey Cryllic. Wadaad baadari ahaa ayaa fartan hal-abuurey. Isaga waxaa la oran jiray St. Cyrill. Alif-ba'dii uu wadaadkan hal-abuurey, baadari kale ayaa adeegsadey qarnigii 9-aad. Isagu wuxuu ahaa wadaad caan ah oo la yiraahdo St. Methodius. Labadaas nin iyo wadaaddo kale ayaa dhigaalka fartan waxay u adeegsan jireen casharrada diiniga ah. Gaar ahaan kutubtii kaniisadaha ee mad-habta Old Slovanic Church. Qarnigii 12-aad, waxaa bilaabatay in alif-ba'dii loo adeegsado qoraalada suugaanta. Isbedello ku dhacay goor danbe ayaa fartii waxay la yeelatay muuqaalka ay leedahay alif-ba'da ay dadka Ruushka ahi maanta wax ku qortaan.
 
Haddaan dib ugu laabanno alif-ba'dii Griigga, waxaanu heleynaa meelo ay isga muuqaal eg-yihiin alif-ba'dii soomaatigga koonfureed. Tusaale, xarfaha KAAF, LAAM, MIIM, NUUN, oo soomaatigga ah ayaa waxay dhiggood yihiin xarfaha Giriigga ah ee KAPPA, LAMBDA, MY, NY. Sidoo kale xarfaha ay ugu dhawaaqaan ALPHA, BETA, DELTA, waxay u dhigmaan kuwa carabigii hore ee ah ALIF, BETMA, DALET.
 
Dhan kale waxaa si tartiib ah u soo if-baxayay is qaadasho-waa labada alif-ba' ee ah xarfaha Griigga iyo xarfaha dadyowgii ay isir-wadaagga iyo dhaqan-wadaagga ahaayeen. Sababtu waxay tahay, Griigga oo xarfahan asalkoodii hore ka soo qaatay qowmiyadihii soomaatigga ahaa. Taasi waxay dhalisey in ay alif-ba'dii gadaal kaga daraan xarfo ay kamid yihiin dib-galayaal. Tusaale waxaa ah dib-galayaalkan ah (phi, psi, omega) iyo kuwa lamidka ah. Arrintaasi waxay khasabtay, qowmiyadihii kale ee reer Yurub in ay ku adkaato in alif-ba'dii ay duuduub ku qaataan, iyada oo aanan wax laga beddelin. Halkaas baa waxaa ka bilowdey, saddexdii alif-ba' ee waawaynaa, in mid waliba ay ka farcamaan xarfo kala duwan. Xarfahaas waxaa kala adeegsanayay qowmiyaad kala duwan. Sidaan ayay kala ahaayeen :
 
1. Alif-ba'dii Etruskis : Waxaa ka farcamay afar alif-ba'. Waxay kala yihiin alif-ba'da Latins, Faliskis, Umbris iyo Oskis
2. Alif-ba'dii Crillis : Waxaa ka farcamay afar alif-ba'. Iyaguna waxay kala yihiin alif-ba'da Bulgaris, Serbis, Russ iyo
Ukrains
3. Alif-ba'dii Gotis : Waxaa ka farcamay alif-ba'da lagu magacaabo Buns.
 
Kacdoon kale oo lagu baadi-goobayo hal-abuur xarfo loo adeegsado dhigaalka, ayaa wuxuu ka curtey degaanka bariga fog. Dadaal xooggan ayaa waxaa bixiyay dadyowgii ku dhaqnaa degaanka dalka Shiinaha. Dadkaasi ayaa iyaguna goor hore kamid noqdey bulshooyinka aadamiga u horseedey geeddiga taariikheed ee dhigaalka. Muddo laga joogo 2.000 oo sano ayay ku guuleysteen in ay curiyaan alif-ba' sawirkeedu jaad gaar ah yahay. Inta badan, aqoonyahannada u kuur-gala taariikhaha qoraalada alif-ba'da Shiinaha, waxay rumeysan yihiin, taariikhda curashada fartan in ay ku beegan tahay nuskii danbe ee kunkii sano ee labaad ch. Qoraalka ugu filka wayn ee laga hayo alif-ba'dan ayaa waxaa la qorey xilligii uu jiray maamulkii boqortooyadii la oran jiray Shang (1200 - 950 ch.). Xarfaha alif-ba'dan waxaa lagu magacaabaa Hrnzi. Fartan oo ka muuqaal duwan fartii Hieroglypher, ayaa waxay ka kooban tahay 12 diilin oo saldhig u ah qoraalkeeda.
 
Alif-ba'dan marka la qorayo waxay noqotaa muuqaal dhismo ah oo ka kooban diilimihii 12-ka ahaa oo inta tiradooda la kordhiyo hadba sawir yeelanaya. Waxay gaaraan illaa 64 diillimo.
Waxaa xusid mudan, marka la qorayo farta Shiinaha, booska ay xarfuhu qaataan in ay is le'eg yihiin. Looma eego badnaanshaha tirada diilimaha ee xarafka ama tira yaraantooda. Alif-ba'da Shiinaha waa midda ugu da'da wayn xarfaha ceynkan loo qoro oo ay adeegsadaan dowladaha maanta ka dhisan bariga fog. Goor danbe waxaa xarfihii ka farcamey alif-ba'da qowmiyadaha Jabaan iyo Kuuriya. Waxaa kale oo jiray alif-ba' ay leyihiin dadka reer Fiyetnaam, oo aanan hadda la adeegsan, taas oo qudheedu ka soo farcantey alif-ba'dii Shiinaha.
 
Muddadii ka horeysey qarnigii 4-aad ch. dadkii ku noolaa jasiiradaha dalka Jabaan, ma ayan lahayn alif-ba' ay wax ku qortaan. Qarnigaas ayay bilaabeen in ay xardhaan alif-ba' ay u adeegsadaan dhigaallada. Iyagu waxay markaas ku deydeen dhaqamadii laga haystay degaanka Shiinaha. Waxay soo miin-guursadeen xarfo la mid ah kuwii Shiinaha. Waxaa kamid ahaa fartii ay dadkaasi curiyeen oo ay wax ku qoran jireen. Sida la maleynayo, Kuuriya ayay alif-ba'du sii martay markii ay u tallaabeysay Jabaan. Fartaasi, markeedii hore waxay ahayd, fartii Shiinaha oo sideeda loo qaatey. Goor danbe ayaa waxaa ku dhacay is-beddel la xiriira afafka bulshooyinkii xarfaha qaatey. Raadka keliya oo alif-ba'dii Shiinaha kaga haray
farta Jabaanka, waa qoraalka ereyada ay Shiinaha ka soo caariyaysteen ama ereyo ay labada dadyow isku si ugu dhawaaqaan.
 
Reerka xigay oo iyana curiyay alif-ba', waxay ahaayeen dadyowgii ku hoos dhaqnaa ilbaxnimadii Fiiniiqiga. Iyagu, aragtida dhigaalka waxay ka soo gaartey maamulkii reer Fircoon. Fiiniiqiyiintu waxay ahaayeen bulsho ku hor-martey hannaanka ganacsiga. Socdaalladii ay ku ganacsan jireen ayaa wuxuu soo gaari jiray dadyowgii ku dhaqnaa dacallada xeebaha badda Dhexe Mediterranean iyo xeebaha qaaradda Yurub ay ku leedahay bad-waynta Atlantigga. Bulshadii Fiiniiqiga waxay ka qeyb qaadatay hor u marinta alif-ba'da, iyaga oo soo saarey qoraal ay iyagu lahaayeen. Hal-abuurka xarfaha reerkan wuxuu ku beegan yahay muddada u dhexeysay qarnigii 18-aad iyo kii 17-aad ch.
 
Waxaa la rumaysan yahay in alif-ba'da Giriigga iyo alif-ba'da afka Cibriga, labaduba in ay ka soo jeedaan xarfihii ay hal-abuureen bulshadii Fiiniiqiga. Dabayaaqadii qarnigii 10-aad iyo bilowgii kii 9-aad ee ch. waxaa la dhigey alif-ba'da lagu magacaabo Aramaic, kuwaas oo ay adeegsan jireen boqortooyadii Asyrian (1000 – 600 ch.). Alif-ba'dan ayaa sida kuwii ka horeyey, waxay ka soo dillaacdey alif-ba'dii Soomaatigga. Sida la rumeysan yahay farta Aramaic, waxay waalid u tahey alif-ba'badan oo kamid ah qoraalladii danbe ee Somatigga ahaa. Waxaa kamid ah farta Kharosthi, oo soo shaac baxdey qarnigii III-aad ch. Fartani ayaa qarnigii IV-aad si xoog badan ugu faaftey waqooyi-galbeed Hindiya iyo bartamaha qaaradda Aasiya.

 
Alif-ba’da Aramaic, waxaa kaloo la yiraahdaa Proto-Hebrew Alphabet. Hal-abuurkeeda wuxuu ku beegan yahay dabayaaqadii qarnigii 10-aad iyo bilowgii qarnihii 9-aad. Waa alif-ba' ay ka farcameen xarfo dhowr ah oo qowmiyado kala duwan ay leyihiin. Waxaa kamid ah farta Syriac, farta Nabataean, farta Palmyran iyo farta Hebrew. Farta Syriac ayaa weli daah wayni saaran yahay goorta ay bilaabatay. Fartan oo loo yaqaan Estrangelo, waxaa xiiseyey wadaaddadii kirishtaanka ahaa ee xilligaas ku noolaa dalka Suuriya. Farta afka Cibriga waxay soo if-baxday muddo laga joogo 2.500 oo sano. Xarfaha alif-ba'dan oo markoodii hore ka soo dhambalmey xarfihii Fiiniiqiga, ayaa waxay yihiin xarfihii Aramaic oo la hor mariyey.
 
Alif-ba'dii Aramaic, waxay ku hartay qoraallada suugaanta ah ee af-cibriga. Inkasta oo dhigaalka farta Cibriga uu ka soo jeedo alif-ba'da Aramaic, misana dhigaalkeedii isbeddel ayaa ku dhacay. Alif-ba'dan casriga ah ee afka Yahuudda ayaa dabayaaqadii qarnigii 19-aad iyo bilowgii kii 20-aad waxay la hanaqaadey dhaqdhaqaaqii Sahyuuniyadda. Dadkii hormoodka ka ahaa dhaqdhaqaaqaai ayaa fartan waxay u adeegsadeen howlahoodii siyaasadeed iyo tii bulsho oo ay ku ururinayeen dadka kala baahay ee qowmiyaddooda u absaxan sheegta. Dhigaalka casriga ah ee Cibriga waxaa maanta adeegsada dowladda Israa´iil. Waana farta rasmiga u ah dowladda iyo dadkeeda. Koonfurta dalka Jordan waxaa ka hanaqaadey ilbaxnimo ay abuureen bulshadii reer Nabataean. Bulshadaasi waa dadkii degaanka ku dhaqnaa xilligii uu nebi Ciise joogey. Mudaddii u dhexeysey 150 ch. – 100 cd. ayaa dadkaasi waxay hal-abuureen alif-ba' ay ka soo dhambaleen xarfihii Aramaic. Taasi waxay ahayd abjadiyad aanan shaqal lahayn. Marka la qorayo waxaa laga bilaabi jiray midig, dhanka bidixna waa ay u socotay iyada oo legdan. Dhagxan ka haray qoraaladoodii ayaa waxaa laga helay magaalo-madaxdii maamulkooda oo ah degmada Petra ee 4 saac koonfur ka xigta Camaan.
 
Alif-ba'da Carabiga ayaa qarnigii 4-aad cd. ka soo dhambalantay fartii reer Nabataean. Wakhti badan ma qaadan in dadkii carabta ahaa ay gartaan in fartan iyo afkoodu ayan is qaadan karin. Khilaafku wuxuu ka yimid, cod-dhawaaqyada afka carabiga oo ah mid ka shibanayaal badan xarfihii ay ka soo caariyeysteen bulshadii reer Nabataen. Sidaa darteed baa carabtii waxay bilaabeen in ay xarfo ku siyaadiyaan fartii, isla markaas fartii qudheeda ayay dib u habeyeen.
 
Markii ay soo if-baxday diinta Islaamka, qarnigii 7-aad cd., fartii ay carabtu hal-abuureen waxay door wanaagsan ka qaadatay isku duba-ridka iyo habeynta xarfihii carabiga. Alif-ba'dii abjadiyadda oo bulshadii carbeed ay hal-abuureen waxay nasiib u yeelatey in xarfaheedii lagu miinguursho aayadihii Quraanka. Waxaa kaloo fartaas lagu qorey ooraahyadii laga dhaxley suubanihii Maxamad ahaa (shacni iyo nabadgelyo dushiisa ha ahaatee). Taariikhdiisii iyo taariikhdii saaxiibadiis ayaa iyaduna lagu qorey.
 
Quraankii ayaa fartii carabiga wuxuu saamaxay, qoraalkeeda in uu noqdo mid lagu cibaadeysto. Quraanku wuxuu khasbay in la dhowro xarfihiisa iyo higaadiisaba, si aanan looga leexan fahamkii dhabta ahaa ee uu ku bilowdey. Taasi waxay door ka cayaartay in si xooggan loo ilaaliyo afkii uu Quraanku ku soo degay iyo fartii uu afku lahaa. Qarnigii 11-aad, heerka uu gaaray qoraalka afka carabiga waxaa laga garan karaa aqoontii tiil degmada Qurduba (Andalus). 27 dugsi-hoosaad ayaa degmada ku yiil, kuwaas oo loo dhisey caruurta saboolka ah oo keliya. Xilligaas waxaa Qurduba ka dhisnaa Jaamacad. Waxay lahayd maktabad ay yiileen buugaag tiradoodu ay ka badneyd 400.000. Magaalada waxaa sanad walba lagu qori jiray 6000 oo kitaab. Xilligaas reer Yurub waxay ku jireen wakhtigii madoobaa The Dark Age. Muddadii ka horeysey baraaruggii ay ku ilbaxeen reer Yurub waxaa ku yaraa qoraalka, taasina waxay hakisey xowligii ay alif-ba'da Laatiinka ah ku socotay qarniyadii ugu horeyey xilligii ay kala farcamayeen.
 
Dr. Saadiq Enow



Afkeena iyo Fartiisa - Casharkii XI-aad 


Saaxiibkaa u dir

Sep 09 Inta badan wadamada Islaamka oo isku raacay inay beri oo Jimce ah tahay maalin ciid
Sep 03 Who Are the Real Pirates in Somalia?
Aug 30 War Saxaafadeed: Madaxweynaha Soomaaliya Ayaa Dalbaday Taageero Caalami Ah Oo Deg-deg ah
Aug 27 Somalia: Weekly humanitrian report
Aug 26 Warbixin gaaban: Kuxigeenka Duqa magaalada Gaalkacyo C/laahi Axmed Ibraahim (Macruuf) oo lagu eedeeyay inay adeeg sanayaan kooxo doonaya inay qalqal galiyaan maamulka cusub ee degmada Gaalkacyo



Afkeena iyo Fartiisa W/Q: Dr. Saadiq Enow

 

»ASAASKII XISBIGII LEEGADA (SYL)
Dood ay diyaarisay idaacada VOA oo ay ka qayb-galayaan Wasiirka Arimaha dibada ee dowlada KMG ah iyo Laba suxufi oo kala ah Bishiir cumar Good iyo Faysal C/kariim Gabanow 
DAGAALKA DAHSOON EE SOOMAALIYA W/Q:Dr. Saadiq Enow 
AWOODDII LIIDATAY
W/Q: Dr. Saadiq Enow
AQALKII LIITEY
W/Q: Dr. Saadiq Enow
SUUBBANEHEENNII MAXAMED IYO SAGAALKIISII XAAS!! W/Q:Sabriye Macallin Muuse
Dagaalkii Ogaadeenya W/Q: Dr. Saadiq Enow
GOORTII DHULKAYAGII LA QEYBSADAY!
W/Q: Dr. Saadiq Enow
XAFLAD LAGU TAAGEERAYO DAWLADDA SOOMAALIYA OO KA DHACDAY OTTAWA
Sheeko Jacayl ah Nabar aan Dawoobeyn
W.Q. Cabdulqaadir M. Wacays
XAALADDA DHAQAALE EE SOOMAALIDA OTTAWA W/Q: Mohamed Dalmar
Warbixinaha iyo Macluumaadka Puntland:
Warbixin: Puntland, shacab baarri ah iyo maamul hanan waayey! W/Q: Abdulkadir Ali Salad
Warbixin Sawiro wadata: Madaxweynaha Puntland oo warbixin dheer siiyey shacabka Bosaso dhinacyadiisa kala duwan ka dib safarkiisa u ku tagay wadamo dhawr ah

Warbixin Sawirowatada: Wasaaradda Hormarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska, Wasaarad ku dayasho mudan

Warbixin Sawiro watada: Rug-Doorsiga Jaamacadda Dowlad Goboleedka Puntland (PSU)
Shirkii Jaamacada PSU ee magaalada Minneapolis June 8, 2008.
 
Webmaster@mudugonline.com -   ©2005 Mudug Online   ®All rights reserved.