Bulshadii hal-abuurtey ilbaxnimadii ka curatay gobolka Hindiya ayaa qudheedu ka qeyb-qaadatay baadi-goobka dhigaalka. Muddo ku beegan 500 oo sano ch. ayaa degaankaasi waxaa ka bilowdey far-shaxan lagu xardhayo dhigaalka hadalka. Dadyowgii xilligaas ku dhaqnaa gobolka ayaa waxay xarfo ay ka soo dhambaleen alif-ba'dii ahayd Soomaatigga. Xarfaha alifba'da ay Hindidu hal-abuureen, waxaa lagu magacaabaa Brahami. Alif-badan ayaa waxay tahay midda ugu filka wayn dhigaalka Hindida. Iyadu waxay waalid u tahay oo ka dhambalmey 200 alif-ba' oo kala duwan. Dhamaantood waxaa adeegsada qowmiyaadka ku dhaqan Hindiya iyo inbadan oo kamid ah bulshooyinka la deriska ah. Illaa iyo 40 alif-ba' oo kuwaas kamid ah, hadda ayaa la adeegsadaa. Waxaa kamid ah aif-ba'da Bengali, aif-ba'da Gujarati, aif-ba'da Gurmukhi, aif-ba'da Malayalam, aif-ba'da Sinhala, aif-ba'da Tamil iyo aif-ba'da Tibetan. Alif-ba'da afka Bengaliga ee laga adeegsado dalka Bangaladhesh, ayaa iyana qarnigii 11-aad ka soo leexatey xarfihii Brahma. Qoraalkii ugu horeyay ee fartani wuxuu soo if-baxay sanadkii 1778-kii. Nin Ingiriis ah oo magaciisa la yiraahdo Wilkins ayaa soo bandhigey. Isaga ayaana xarfahaas hor u mariyay. Wax yar oo habeyn ah ayaa lagu kordhiyay qarnigii 19-aad. Marka la eego dhigaalka Tamiilka, inkasta alif-ba'doodu ay soo if-baxdey qarnigii 3-aad ch. misana qoraalada la hayo waxaa ugu da'wayn kuwo ay taariikhdoodu tahay qarnigii 1-aad cd. Alif-ba'dani bilowgiiba waxay ahayd mid ku haboon afka Tamiilka. Goor hore ayaa dadkii hal-abuurey ay si hagaagsan u habeyeen. Sidaa darteed wax isbeddel ah ee cayilan kuma iman. Qarnigii 13-aad ayaa wax yar la hagaajiyay. Waxaase jiray is qaadan-waa fartii iyo ereyadii afafka qalaad ee ku soo kordhey noloshii Tamiilka, sida af-ingiriiska. Qarnigii 19-aad ayaa markale dib loo hagaajiyay oo laga yeelay alif-ba'da ay maanta adeegsadaan bulshada Tamiilka ah. Bulshada qowmiyadda Tibet, qarnigii 7-aad cd. ayay dhigaal sameysteen. Waxaa markaas jiray maamul ka dhisnaa koonfurta Tibet. Waxaa u talin jiray boqor lagu magacaabo Sron-btsam Sgam-po. Boqorkan ayaa wuxuu gobolka Hindiya u dirsadey nin kamid ahaa wasiiradiisii. Wasiirkaas oo oran jiray Thon-mi Sambhota, ayaa ujeeddada loo direy waxay ahayd in uu soo ururiyo ogaallo la xiriira caqiidada diinta Buudaha. Wasiirku markuu soo laabtey lama iman ogaalladii diinta, bal waxaa kaloo uu la yimid aqoon la xiriirta dhigaalka. Isaga ayuu ahaa ninka ka danbeyey hal-abuurka dhigaalka Tibetka. Isla isaga ayaa wuxuu dejiyay xeerarka naxwaha afka Tibetka. Qowmiyadda Xabashida ee ku dhaqan bariga Afrika, ayaa iyaguna goor hore ku guuleystey hal-abuur alif-ba' ay afkooda ku qortaan. Dhigaalka afka Xabashida wuxuu bilowdey qarnigii 4-aad cd. Waxaa loo adeegsan jiray qoraalka afkii hore oo Amxaariga ahaa. Xarfaha alif-ba'dan, markoodii hore waxay ahaayeen kuwo ahaa shibanayaal oo keliya. Goor danbe ayaa la hor mariyey oo shaqallo loo yeeley. Waxaa kale oo alif-ba'dan maanta wax ku qorta qowmiyado la deris ah Amxaarada, sida qowmiyadda Tigreyga iyo qeybo kamid ah Oromada. Qarnigii 13-aad cd, baadi-goobkii dhigaalka waxaa ku soo biirey dadyowgii reer Mangooliya. Inkasta oo Mangoolku ay la deris ahaayeen laba il-baxnimo (Shiinaha iyo Hindida), misana dhigaalkii labadaas qowmiyadood kuma ayan guuleysan in ay danqiyaan baahidii dhigaalka ee Mangoolka. Carabtii diinta Islaamka faafineysey ayaa ka horeyey hal-abuurkii alif-ba'da Mangoolka. Sidaa darteed ayaa xarfihii ay Mangoolku qorteen waxay isugu jirteen kuwo isku dhafan ee ka kooban dhigaalka alif-ba’da abjadiyadda iyo dhigaalka alif-ba'da Hindida. Bilowgii qarnigii 20-aad ayay Soomaalidu buuxiyeen, bulsho ahaan, kaalintii kaga beegnayd halgankii ay ummaduhu ku doonayeen dhigaalka. Geeddigaas taariikhiga ah oo dadyowga dunidu ay mid waliba ku baadi-goobeysay alif-ba' u gaar ah, ninka Soomaalida u buuxiyay wuxuu ahaa Cismaan Yuusuf Keenadiid. Mahad haka gaadhee, isagu wuxuu ahaa ninkii ugu horeyay oo Soomaali ah oo lahaa hal-abuur far jaad cusub ah. Sanadkii 1920-kii, isaga oo nin dhallinyaro ah, ayuu hindisey in uu doono xarfo alif-ba' u noqda bulshada soomaaliyeed oo aanan horey u laheyn dhigaal. Laba sano ayay ku qaadatay in uu ku soo bandhigo far ku haboon qoraalka afka hooyo. Cismaan wuxuu soo bandhigey alif-ba' uu si qoto dheer uga soo shaqeyay. Inkasta oo ay muuqatay baahida badan oo af-soomaaligu uu u qabay alif-ba' lagu qoro, misana in ay bulshada ku dhex-faafto waxaa is-hor taagay gumeystayaashii xilligaas dalka xoogga ku heystay. Gaar ahaan Talyaaniga oo ka talinayey gobollada koonfureed. Waxaa jirta in Soomaalidu ay goor danbe doorteen alif-ba'da Laatiinka oo maanta lagu qoro af-soomaaliga. Laakiin marka la xusayo raadka taariikheed ee qoraallada alif-ba'da oo ay ummaduhu wax ku qortaan, alif-ba'da magaceeda lagu lamaano bulshada Soomaaliyeed, waa middii uu hal-abuurey Cismaan Yuusuf. Taas ayaa lagu magacaabaa (Far-soomaali). Sidaas baa Soomaalidu ay uga dhex-muuqataa ummadaha iska leh alif-ba'da ay midba la gaar tahay oo dadkeeda hindiseen. Taasina waa ishaaro inoo tilmaamaysa yoolka lagu faani karo oo Cismaan Yuusuf uu u soo hoyay magaca umadda Soomaaliyeed. Waa howl, lib iyo abaal aanan mug lahayn, looga hayo. Alif-ba'da Laatiinka ah, magaceeda wuxuu ka soo jeedaa afkii looga hadli jiray bartamaha dalka Talyaaniga. Degaankaas oo lagu magacaabi jiray Latium ayaa hadda loo yaqaan Lazio. Magaalada Rooma ayaa waxay kamid ahayd degmooyinkii gobolkaas. Qoraalka ugu da'da wayn ee laga hayo farta Laatiinka, wuxuu ku beegan yahay qarnigii 6-aad ch. Wuxuu ku qoran yahay xarfihii Giriigga ee hore. Alif-ba'dan waxaa Talyaaniga soo gaarsiiyay Giriiggii gumeysanayay degaanka ee la oran jirey Etruscan. Sanadkii 509 ch. waxaa jiray kacdoon ay sameyeen dadkii ku noolaa degmada Rooma, markaas oo ay eryeen boqortooyadii reer Etruscan iyo ciidamadeedii. Dabadeed Rooma waxaa laga dhisay dowlad iyo barlamaan ay dadku soo doortaan. Waxayna bilaabeen in ay maamulkooda ku baahiyaan dhulka Talyaaniga. Sanadkii 49 ch. ayaa hoggaamiyahoodii, Julius Caesar wuxuu ku dhawaaqay hannaankii qeysarnimada ahaa. Isaga ayuu ahaa ninkii degaankaas ka bilaabey hannaan siyaasadeed ee leh tala urursan. Wuxuu curiyay hannaan dhaxal ah oo isagu uu boqor ka yahay. Arintaasi waxay ka dambeysay markii uu dagaal ku burburiyay dowladdii jirtay. Dabadeed wuxuu habeyay xukun keligi-taliye ah. Shan sano kadib, rag ka socdey dowladdii la ridey ayaa waxay dileen qeysarkii. Waxaa markaas degaanka ka bilowday dagaal sokeeye. Sanadkii 31-aad ch. wiil uu korsadey J. Caesar oo la yiraahdo Octavian ayaa ku guuleystey dagaal uu ku qaaday raggii dowladda ka socday. Dabadeed wuxuu la baxay magaca uu ku caanka noqdey aa ah Augustus, wuxuuna noqday boqorkii ugu horeyey ee boqortooyadii Roomanka ee cimrigeedu gaarey 700 oo sano. Maamulkii boqortooyadan, si dhakhso badan ayuu ugu faafay qaaradda Yurub, degaanka Bariga Dhexe iyo waqooyiga qaaradda Afrika. Waxaa maamulkii la faafay afkii Laatiinka oo ahaa afka rasmiga ah ee boqortooyadu adeegsato. Qoraalladii Laatiinka ayaa xilligaas waxaa xiiseyay oo akhriyi jiray dhamaan ummadihii ay u talinayeen Roomanka. Waxaa hana-qaad noqday suugaantii afka Laatiinka, taas oo lagu qori jiray alif-ba'da Laatiin. Muddo qarniyo ah oo Laatiinka la adeegsanayay dabadeed, waxaa dhashay oo Laatiinka ka dhambalmay afafka Laatiinka ah oo maanta lagaga hadlo dalalka Talyaaniga, Faransiiska, Isbaanishka, Burtuqiiska, dalka Rumeeniya iyo afaf kale. Qoraalka Laatiinku kuma uusan hakan bur-burkii ku yimid maamulkii boqortooyadii Roomankii galbeed oo ku beegan sanadkii 476 c.d. markaas oo bartamaha qaaradda Yurub, qoraalka Laatiinka laga adeegsan jiray. Xilliyadaas waxaa laga dhaxlay tiro badan oo ah qoraallo lagu xardhay alif-ba'dii Laatiinkii hore, kuwaas oo jaadad kala duwan loo qoray. Macallimiinta qoraalladaas reebay waxay u badnaayeen kuwo dhalashadoodu tahay Ayrish (Irlander) iyo Anglo-sakson. Wixii ka dambeyay qarnigii 15-aad Laatiinku wuxuu lumiyay xooggii uu ku lahaa afafka wax lagu qoro, gaar ahaan suugaanta iyo kutubta diiniga ah. Afafkii kale, gaar ahaan kuwii isaga ka farcamay iyo kuwii uu raadka ku yeeshey ayaa hanaqaadey. Markaas ayay si ballaaran u soo buuxiyeen qoraalladii xilliyadaas ka hir-galey qaaradda Yurub. Kaddib Laatiinkii wuxuu qaatey isbeddel ku saleysan afafka kala duwan oo ay lahaayeen qowmiyadihii wax ku qortey alif-ba'dan. Isbeddelkaasi wuxuu si xoog leh u soo muuqday bartamihii sanadihii kunka 1-aad cd. Markaas oo qowmiyadihii ku noolaa qaaradda Yurub ay sameysteen alif-ba' leh shaqallo. Ujeeddadu waxay ahayd in qolo waliba dhankeeda ka hagaagsato qoraallo u gaar ah, iyaga oo waafajinaya afkooda hooyo. Reer waliba wuxuu ku tallaabsadey howlo uu ku hal-abuurayo xarfihii ku haboonaa dhawaaqa codadka afkooda. Islamarkaa wuxuu dibadda u saarey xarfaha uusan u baahneyn ee ugu jiray alif-ba'da ay adeegsanayeen. Tusaale ahaan, xarafaha shaqalka ah ee afka Swedishka waxaa kamid ah xaraf qoraalkiisu yahay sidan (å). Aalif-ba'da Jarmalka waxaa kamid ah xaraf isna ah sidan (ü). Alif-ba'da afka Ruushka waxaa kamid ah xarafkan (я). Fransiiska waxaa kamid ah xaraf ah sidan (é). Noorweyga waxaa kamid ah xarafkan (Ø). Xarfahaas ayaa waxay la xiriiraan cod-dhawaaqyo shaqal ah oo qolo waliba ay ugu codeyso si iyaga u gaar ah. Qaabka ay leedahay muuqaalka alif-ba'du, mar-walba waa uu isbeddelayay, iyada oo la hanaqaadeysay garaadka iyo ilbaxnimada ummadaha. Tusaale, alif-ba'dii Hieroglypher, xarafkeeda (A) wuxuu ahaa wejiga idaha. Far walba xarafkeeda alifka ah, wejiga uu maanta leeyahay wuxuu salka ku hayaa sawirkii wejiga idaha oo ku xusnaa dhigaalkii Hieroglypher-ka. Alif-ba'da Laatiinkan cusub waxaa adeegsan jiray kaniisadda la yiraahdo Roman Catholic Church illaa iyo bartamihii qarnigii 20-aad. Waxaa si gaar ah fartaas u heystay dowladda Vatican, taas oo afkeeda rasmiga ah uu yahay Laatiin. Waxaa kale oo Laatiinku uu ku haray aqoonyahannada erey-bixinta u sameeya walxaha aqoonta jadadka kala duwan sida biologists iyo palaeontologists. Waxaa kale oo adeegsada takhaatiirta iyo gar-yaqaannada. Laatiinkii hore oo Romaanku ay adeegsan jireen wuxuu ka koobnaa 23 xaraf. Waxay yihiin sidan : A B C D E F G H I K L M N O P Q R S T V X Y Z. Labada xaraf oo ah (I) iyo (V) waxaa loo adeegsan jiray shaqal iyo shibane ahaan. Xarfaha kala ah (K), (X), (Y) iyo (Z) waxaa loo adeegsan jiray qoraalka ereyada asalkooda ka soo jeedaan afka Giriigga . Xarfaha (J), (U) iyo (W) goor danbe ayay ku soo biireen alif-ba'da Laatiinka. Xarafka (J) waxaa loo adeegsan jiray halka xarafka (I) maanta loo adeegsado. Xarafka (U) waxaa loo adeegsan jiray xarafka (V) ama (W) oo magaceedu yahay (double-v). Laatiinku ma kala sooco labada xaraf ee danbe. Alif-ba'da Laatiinka ah ee maanta la adeegsado, inkasta oo ku-dhawaaqa xarafka, ay reer walba si u habaysteen, misana marka xarfaheeda laysku daro, farta wayn iyo tan yar, waxay ka kooban yihiin 26 xaraf. Waxay yihiin sidan : A B C D E F G H I J K L M N O P Q R S T U V W X Y Z a b c d e f g h i j k l m n o p q r s t u v w x y z Waxaa weheliya toban sawir oo tiro ah (1 2 3 4 5 6 7 8 9 10), iyo calaamado tilmaamaya waxyaabo lagu heshiis yahay. Tusaale : §, %, &, @, £, #, /, µ, \, €, !, ?, $, ½, -, =, { }, ( ), ... Qore : Dr. Saadiq Enow
Afkeena iyo Fartiisa - Casharkii XII-aad
|