Home  |  Islam  |  Suugaan  |  Qoraalo   |   Contact Us  
BBC Somali 5:00
BBC Somali 9:00
Codka nabada
RadioGalkayo
Radio Daljir
SBC-online
Somali tntv
Radio Sweden
Radio scerdo
HornAfrik
Radiolascaanod
R-freeSomalia
somaliahamradio
Radio Garowe
Radio Warsan
radiobaay.com
Algaracad
Alcarab
AllPuntland
Allidamaale
Allsomali
Ancis
Allwaamo.com
Agabso
alhudamedia
Ancis
Balcad
Banadir
Buuhoodle
Buuleberde
Calanka
Calmadow
dalkapress
Dayniile
Dhabbad.com
Doolo-Suugaan
4forsomaliwomen 
GaroweOnline 
Golkhatumo
Galdodogob
golkhatumo
iqrasomali
Halgan
Hamarey
Hiiraan
HornAfrica
Horseednet
Laascaanood
laasqoray.net
Idamaale
Jawhor
jirac.com
Kismaayopost
Kismayo
Markacadeey
maktabada
markacadey.net
Midnimo
Mudulood
Nedsom
Olol.us
puntlandgov
Nugaal
pacemagazine
Puntlandpost
Puntlandtimes
Puntchamber  
Qandala
Qandala.com
rakoraaxo.com
Sheerbi.com
Shabelle
somalipressreview
Somaali
  s-community
Somalifans
somali_family
Somheritage
Somaliaonline
somalianinfo
Somaliweyn
Somaliwatch
Somalinet
Somalitalk
Somlink
somalimarket
Stnfm
waayaha
Wardheernews
Widhwidh
Xargaga.com
xamarcadde
yamays.com
Yoobsan


Afkeena iyo Fartiisa - Casharkii XIV-aad W/Q; Dr. S. Enow
Posted to the MOL April 9, 2008, 3:22 pm

Geeddi-socodka taariikheed ee aadamigu uu ku baadi-goobayay far-shaxanka dhigaalka, waxaa ka muuqda rag Eebe u hibeyey maskax-dheeri iyo aragti hufan. Iyagu waxay aadamiga ka bad-baadiyeen jahli iyo garasho-darro. Dadkaas oo isugu jira kuwo taariikhdu xustey magacyadooda iyo kuwo ayan xusin, ayaa waxay reebeen aalad loo adeegsado aqoonta. In bulsho waliba ay ka hanaqaadaan dad ceynkaas ah waxay kamid tahay xeerarka Eebe iyo dheeri-bixintiisa garsoorka ku dhisan. Arin laba qof oo Soomaali ah ayan ku muransaneyn ayaa waxay tahay in alif-ba'da Cismaaniyadda ay tahay midda qura oo taariikhda lagu hayo ee loo xardhey dhigaalka af-soomaaliga. Alif-ba'da Laatiinka rogan oo Soomaalidu ay dooratey waa midda ugu faafsan ee maanta dunida wax lagaga qorto. Inkasta oo ay sidaas tahay misana sida aanu soo aragney waxay tahay dhaqan dad leyahay iyo halgan taariikheed oo dadkaas u gaar ah. In la adeegsadona waa bannaan tahay in aad ka madax-bannaanaatona, haddii awood jirto waa ay haboon tahay.

Dhigaalka farta Laatiinka ayaa waxay tahay midda ugu baahsan dunida. Dadyow tiro badan ayaa maanta alif-ba'deeda adeegsada. Dadkaasi ayaa waxay isugu jiraan kuwo dhalasho iyo dhaqan u leh dhigaalka Laatiinka iyo kuwo caariyeystey oo inta rog-rogeen ka yelay mid ku haboon dhigaalka afkooda. Soomaalidu waxay kamid yihiin bulshooyinka soo caariyeystey alif-ba'da Laatiinka. Inkasta oo dadyowga adeegsada Laatiinka ay ku hadlaan afaf aad u kala duwan, misana xarfahaas isku muuqaalka ah ayaa qolo waliba ay si gaar ah u xardhataa hadba sidii afkooda ugu haboon. Haddaan tusaale ka soo qaadano qaar kamid ah afafka dhigaalladoodu yahay Laatiinka, waxaanu heleynaa kuwan:

Af-soomaali:

Dhamaan dadku waxay dhasheen iyaga oo ka siman sharafka iyo xuquuqda. Waxaa loo hibeyay caqli iyo dareen sare. Sidaa darteed waxaa ku waajib ah in qaarba qaarka kale uu ula dhaqmo si walaaltinimo leh.

Af-ingiriis:

All human beings are born free and equal in dignity and rights. They are endowed with reason and conscience and should act towards one another in a spirit of brotherhood.

Talyaani:
 
Tutti gli esseri umani nascono liberi ed eguali in dignità e diritti. Essi sono dotati di ragione e di coscienza e devono agire gli uni verso gli altri in spirito di fratellanza.

Swedish:

Alla människor är födda fria och lika i värde och rättigheter. De är utrustade med förnuft och samvete och bör handla gentemot varandra i en anda av broderskap.

Ruush:


Все люди рождаются свободными и равными в своем достоинстве и правах. Они наделены разумом и совестью и должны поступать в отношении друг друга в духе братства

 
Faransiis:

Tous les etres humains naissent libres et égaux en dignité et en droits. Ils sont doués de raison et de conscience et doivent agir les uns envers les autres dans un esprit de fraternité

Finish:
 
Kaikki ihmiset syntyvät vapaina ja tasavertaisina arvoltaan ja oikeuksiltaan. Heille on annettu järki ja omatunto, ja heidän on toimittava toisiaan kohtaan veljeyden hengessä.

Jarmal:

Alle Menschen sind frei und gleich an Würde und Rechten geboren. Sie sind mit Vernunft und Gewissen begabt und sollen einander im Geist der Brüderlichkeit begegnen.

Noorwey:

Alle mennesker er frdt frie og med samme menneskeverd og menneskerettigheter. De er utstyrt med fornuft og samvittighet og brr handle mot hverandre i brorskapets lnd.

Turki:

Bütün insanlar hür, haysiyet ve haklar bakımından eşit doğarlar. Akıl ve vicdana sahiptirler ve birbirlerine karşı kardeşlik zihniyeti ile hareket etmelidirler.
Sawaaxili:


Watu wote wamezaliwa huru, hadhi na haki zao ni sawa. Wote wamejaliwa
akili na dhamiri, hivyo yapasa watendeane kindugu.
 
Waxaa halkaa ka muuqata alif-ba'da Laatiinka ah in ay tahay mid ay caariyeysteen umado badan oo aanan dhaqan iyo dhalasho wadaagin. Wax dhibaato ah lagalama kulmin adeegsigeeda. Laakiin markii laga eego dhanka jiritaanka ahaansho iyo midabyada uunka Eebe ee nolosha uu ugu tala-galey, waxaa muuqanaya umado caajis galey oo awood u yeelan waayay in ay iyagu xardhadaan dhigaal ay leyihiin. Kuwaasi waxay yihiin kuwo ka qadey halganka dheer iyo hayaanka quruxda badan oo aadamigu uu u soo marey dhigaalka. Sidaa darteed dhigaal dad leyahay ayay si sahlan ku soo qaateen.


Soomaalidu, inkasta oo sababo awgeed ay u doorteen alif-ba'da Laatiinka, misana waxaan shaki ku jirin in ay hiiraansadeen ka qeyb-qaadashada geedi-socodka taariikheed ee lagu baadi-goobayay dhigaalka. Bulshadeenu maahayn mid gabxow taagan oo gablool ku ah giiraanta taariikhda dhigaalka. Muddo qarni hortiis ah ayaa Soomaalidu ay hal-abuureen alif-ba' ay leyihiin, taas oo aanan ahayn Laatiinka rogan. Waa alif-ba' curinteeda, naqshaddeeda iyo dhigaalkeeduba ay Soomaali u gaar tahay. Ninka howshaas irkacay wuxuu ahaa Cismaan Yuusuf Keenadiid.

 
Dadka kale ninkiisa wax tara waa tix geliyaaye
Idinkuna caqliga taabidka ah waad ku tumataane
Tar-tar baad ku dhaaftaan ninkii toos idiin wada'e
Taako iyo meyl kala fog baad mid u taqaaniine
              (Xaaji Aadan Af-qallooc).

Waxaa muuqata oo qof waliba uu arkayaa, gar-soorka ku jaan go'an qeybinta nicmadaha Eebe. Islamarkaa waxaa muuqda oo cadaaladda Eebe kamid ah, mudnaanta gaarka ah oo dadku uu is dheer yahay, walxaha iyo xayawaankuna ay kala mudan yihiin. Arintaasi waxay salka ku heysaa dheeri-bixiska Eebe uu nicmadaha u kala kordhiyo qeybaha uunkiisa. Haddaba wax lala yaabo maahan in bulsho waliba ay u kacaan xubno ay ka muuqato dheerida Eebe. Xubnahaas nasiibka u yeeshey in ay hormood u noqdaan bulshada, ayaa ummaduhu ay ku liibaanaan aragtiyaalkooda.

Cismaan Yuusuf wuxuu kamid ahaa ragga dareenka ilhaamka leh iyo kartida qofeed hibada u heley. Tasi waxay gayeysiisey garashada sare ee uu huwanaa. Mar aan wareysanney Proff. Xirsi Magan Ciise ayaanu wax ka weydiiney shakhsiyaddii Cismaan Yuusuf. Wuxuu ku jawaabey sidan:

" Jaadka waxyiga ah ee uu Eebe ku sheegay Quraanka oo ah ilhaamka ay heshay nebi Muuse hooyadiis iyo midka Shinida iyo xayaeaanka kale, waxaa weeye dareen sare. Waxyiga ceynkaas ah, Eebe noolaleyda ayuu ugu bidhaamiyaa qaabkii ay nolosha ula tacaali lahaayeen, si ay uga badbaadaan cimilada qallafsan ee la soo derista. Arintaasi ayaa qofka hela waxay siisaa garaad sare iyo garasho ka maqan dadka badankiis. Waxaan oran karaa in waxyi kaas lamid ah uu Cismaan Yuusuf helay, taas ayaana saldhig u ahayd howlihii bilicda wanaagsanaa ee uu qabtay " (Wareysi aanu la yeelanay Xirsi Magan Ciise, London, 22/ 7- 2002.).

Cismaan Yuusuf wuxuu ku dhashay gobolka Mudug, tuulada la yiraahdo Ceel-huur oo 30 km. koonfur ka xigta degmada Hobyo, sanadkii 1899-kii. Aabihiis, Yuusuf Cali Yuusuf, wuxuu ahaa suldaankii asaasey maamulkii ka jiray degaankaas. Xilli wax yar ka horeyay markuu gumeysigu soo gaarey Soomaaliya, ayuu Yuusuf Cali ku guuleystey in uu maamul ka dhiso gobollada dhexe ee Soomaaliya. Cismaan wuxuu dhashay xilli maamulkii Suldaan Yuusuf uu hanaqaadey. Yaraantiisii ayuu quraanka xafiday, isla markaasna wuxuu bartey aqoonta u sal-dhigga ah diinta islaamka.

Cismaan wuxuu nasiib u yeeshay in uu ku soo barbaaro guri laga unko dhaqan wanaagsan, aqoon, taariikh, ilbaxnimo, dhaqaale iyo maamul hannaan dowli ah leh. Yaraantiisii waxaa loo kireyay macallin u dhashey Masar, kaas oo bara afka carabiga, diinta Islaamka iyo aqoonta taariikh-barashada. Intuusan Cismaan hana-qaadin, dadkii uu la noolaa waxaa u muuqday fahmadda wanaagsan ee uu Eebe ku maneystay wiilkan yar. Sidaa darteed ayuu ka dhex muuqday caruurtii la da'da ahayd. Wuxuu xushmad iyo qadarin ku lahaa qasrigii uu ka talinayay aabihiis. Wuxuu kaloo nasiib u yeeshay in uu wax ka barto macallin Talyaani ah oo loo qabtay, kaas oo afka Talyaaniga bari jiray saraakiisha ciidamadii suldaanka. Markuu Cismaan qaangaaray wuxuu qori jiray kuna hadli jiray afka Carabiga iyo afka Talyaaniga.
Xilligii uu Cismaan dhallinyarada ahaa waxaa dalka Soomaaliya ka jiray dhaqdhaqaaqyo gobanimo-doon ah. Halgan adag oo ay Soomaalidu ku diidanaayeen maamulladii gumeystayaasha ahaa ayaa dalka ka curtay. Waxaa kaloo uu la noolaa xukunkii Talyaaniga ee koonfurta Soomaaliya, kaas oo uu la kowsadey. Cismaan wuxuu la kulmay labo nolol oo aad u kala duwan. Midi waxay ahayd goob saldano, oo uu ku qiimeysnaa. Midna waxay ahayd nolol adag oo ku saleysan halgan lagu raadinayo madax-bannaani iyo midnimo. Bulshadii Soomaaliyeed markii ay ku dhacdey gacantii gumeystayaasha, noloshii Cismaan iyo fekerkiisiiba waxay ku saleysnaayeen sidii geyiga Soomaaliya uu u gaari lahaa madax-bannaani guud. (
Qoraal uu leeyahay Cismaan Cabdixaliim Cismaan. 2001. Minnosotto. USA).

Waxaa Cismaan ku abuurnaa loollan uu kula jiray xaaladahaas adkaa, taas oo ku kalliftay in uu mar walba tiriyo gabeyo xornimo-doon ah oo inta laga hayo ay ku dhow yihiin 100 gabey. Gabeyadaas ayaa dhamaantood waxay ka hadlayaan sidii loo mideyn lahaa dadka Soomaaliyeed, heeryada gumeysina leysaga qaadi lahaa. Waxaa kale oo Cismaan uu ku caan ahaa gabeyada waanada iyo tusaaleynta ah oo uu mar walba bulshada u tilmaamayay anshaxa iyo asluubta wanaagsan. Taas ayuu Cismaan ku muteystay in lagu magacaabo Aabihii Dhaqanka Soomaaliya.

Cismaan wuxuu hanaqaaday iyada oo suugaanta Soomaalidu ay ku jirto xilligii ay ugu wacneyd. Islamarkaas abwaano badan oo socoto ah ayaa waxay imaan jireen gogosha suldaanka. Qasrigii ay deganayd bahda wayn ee suldaanka (Shooca Sugulle), ayaa wuxuu lahaa fadhi la qurxiyay oo suldaanka iyo xaashadiisa ay ku qaxweeyaan. Fadhigaas oo loogu magac daray xaaska suldaanka ayaa waxaa ka gabyi jiray abwaano loo hibeeyay hal-abuurka murtiyeed, kuwaas oo ka iman jirey gobollada dalka. Abwaanada gogoshaas ka gabyey waxaa kamid ah Cali Dhuux, Maxamuud Guure, Ammaan, Buraale, Cali Seexde, Maxamuud Ducaale, Saalax Ma-leydirey, Cali Uur-gub, ikk. Waxaa xusan rag abwaano reer Xamar ah oo gogoshaas ka tiriyay suugaan. (Wareysi aanu la yeelanay Dr. Siciid Cismaan Keenadiid. Al-Shaariqa. - Imaaraadka Carabta).

Waxaa kale oo jiray abwaano kamid ahaa ag-joogayaasha suldaanka, kuwaas oo murti ku soo dhoweyn jirey abwaanada martida ah. Waxaa kamid ahaa Gooni, Geylan Nuur, Cali Cumar Gacamey, Huraase, Jaamac Lugey, Cali Sharmaarke, Kheyre Gabey, Axmad Busur, Muuse Islaan, Nuur Cali Qonof iyo Cismaan Sharmaarke iyo Cali Sharmaarke. Goobta ay abwaanadaasi isku dhaafsanayeen murtida iyo dhacdooyinka taariikhiga ah ayuu Cismaan wax ka fadhiyi jirey. Taas ayaa kaliftay in isaga oo wiil yar ah uu bilaabo in uu xiiseeyo barashada aqooneed ee af-soomaaliga iyo suugaantiisa. ((Wareysi aanu la yeelanay Dr. Siciid Cismaan Keenadiid. Al-Shaariqa. - Imaaraadka Carabta).

Cismaan ayaa dhallinyaro-nimadiisii ku caan ahaa in uu curiyo gabeyo kaftan ah oo goos-goos ah. Wuxuu kaga jeedin jiray goleyaasha leysugu yimaado. Isagu wuxuu leyahay gabeyo badan oo qaarba uu kaga waramayo cimiladii nololeed ee kala duwanaa ee uu u soo joogey.

Gabeyadaas ayaa tusaale muuqda ah sida loogu hibeeyay aftahannimo ay u weheliso garaad korran iyo aragtida meesha dheer wax ka jalleecda ee caadada ka baxsan. Wuxuu ka dheeraadey in uu ka maansoodo af-xumo iyo qabiil. Markii la eego wejiyada suugaanta uu curiyay Cismaan Yuusuf, wuxuu noqonayaa abwaanka keliya oo reebay gabeyo isugu xiran afar-afar. Dhan kale wuxuu xataa isku deyay intuu dhallinyarada ahaa in uu tiriyo gabey-soomaali oo la qaafiyad ah sida gabeyada Carabta oo xarafka isku midka ah ku dhamaada. Suugaantiisaas waxaa
kamid ah tix uu lahaa:

Waxaan ka baryayaa Ilaah
In uu ku ambadaa Libaax
Oo aadan arag abidankaa
Kharaab mooyee islaax

Abwaanimada ka sokow Cismaan wuxuu ahaa nin farshaxan ah. Wuxuu lahaa sawirro qurxoon oo uu gacanta ku shaxney. Maadaama uu fardaha aad u jeclaa, ayaa sawirradiisa waxaa u badnaa muuqaallo la xiriira fardaha. Sawir kasta oo uu gacantiisa ku shaxno wuxuu ku hoos qori jiray tix suugaan ah ee ku saabsan casharka uu sawirka sido. Farshaxankii Cismaan Yuusuf waxaa kamid ahaa faras si wanaagsan loo heenso-saarey, kaas oo labada addin ee danbe ku taagan, labada horena kor u qaadey, ee la moodo in uu duulimaad rabo. Markaas ayuu ku hoos qorey tixdan gaaban:
 
Bisinkaan u qabtiyo
Birtaasaa celineysee
Samadaas bartankeeduu
Biyo u doonan lahaa


Waxaa kale oo far-shaxankiisii kamid ahaa faras labadiisa addin ee hore mid kamid ah dhulka ku faganaya. Markaasuu iyana ku hoos qorey tixdan:

Billuu dhuuda yare
Dhiillo maqalyoo
Dhulka teel-teel

Howshii Cismaan Yuusuf waxaa kale oo kamid ah kutubo diini ah oo uu u rogey af-soomaali. Alif-ba'da uu adeegsadey waxay ahayd xarfihii Cismaaniyadda. Kutubada uu rogey waxaa kamid ah kitaabka Abuu Shujaac iyo Safiinatu Al-Salaad. Waxaa kale oo uu Cismaan diyaariyey qoraalo teel-teel ah oo ku saabsan naxwaha af-soomaaliga. Qoraaladaas ayaa waxay saldhig u noqdeen raggii ku howlanaa hor u marinta af-soomaaliga, sanadihii hore ee Leegada.
Cismaan wuxuu lahaa buug baalashiisa ay 1000 waraaqadood kor u dhaafeen, dushana harag ka huwanaa. Wuxuu ku ururiyay wixii gabey ahaa oo uu maqley oo af-soomaali lagu tiriyey. Gabey walbana wuxuu kor kaga qori jiray magaca abwaanka tiriyey. Waxaa kale oo uu ku qorey gabayadii uu isagu tiriyey. Cismaan magaciisa ma uusan raacin jirin gabeyada uu isagu lahaa. Taasina waxay ahayd dhaqanka wanaagsan oo Soomaalidii hore ay lahaayeen, oo uusan qofku jeclaan jirin in uu is-tilmaamo. Sidaa darteed ayuu Cismaan wuxuu sameystey magac aanan lala ogeyn oo uu siin jiray qoraalka gabeyada uu tiriyey ee buuga ku qoran. Magacaas ayaa wuxuu ahaa Samatar Kooshin. Dad yar oo saaxiibadiis ah ayaa la ogaa magaca. Buugaas ayaa sabab u ahaa in gabeyo badan oo qiimo leh ay Soomaalida u badbaadaan. (
Wareysi aanu la yeelanay Xirsi Magan Ciise, London, 22/ 7- 2002).

Waxaa kale oo jiray qoraal uu Cismaan lahaa oo uu ku ururiyay ereyada af-soomaaliga. Ereyadaas oo boqollaal gaaraya ayaa Cismaan waxaa ka qaatey wiilkiisa Yaasiin Cismaan. Isagu wuxuu ku darsadey markii uu diiwaan-gelinayay buuggiisa Qaamuuska Af-soomaaliga, kaas oo ah qaamuuskii ugu horeeyay ee af-soomaaliga loo dejiyey.

Alif-ba'da Cismaaniyadda ayaa iyaduna waxay kamid tahay howlaha dhaxal-galka ah oo Soomaalidu ay kala hareen cabqariyaddii Cismaan Yuusuf Keenadiid. Loolan iyo isku-dey ayaa Cismaan gayeysiiyey in uu ku dadaalo in uu geyiga Soomaaliyeed yeesho far ku qotonta afka hooyo. Taas oo weliba aad ugu haboon codeynta af-soomaaliga. Alif-ba'daasi waxay kamid noqotey hubkii ugu horeeyay oo ay Soomaalidu kula diriraan gumaysiga markii ay gobanimo-doonka ahaayeen. Alif-ba'dan ayaa waxay saamaxday hab-dhaqankii ilbaxnimada ka muuqatay oo hoggaankii ururkii Leegada. Adeegsiga alif-ba'dan ayay kaga tallaabeen howlihii qallafsanaa ee la xiriiray maamulka ururkii horseeday dhaqdhaqaaqii gobanimada iyo midnimada Soomaaliyeed. Ururkaas oo ahaa kii ay curiyeen dhallinyaradii Soomaaliyeed, fartaas ayay ku keydsadeen wax badan oo qoraallo ah, kuwaas oo isugu jirey maamul iyo dhaqan. Waxaa kale oo ay u adeegsadaan in ay bulshada kala dagaalamaan aqoon-darrida. Alif-ba'da uu Cismaan Yuusuf dejiyey waxay soo martay taariikh adag iyo marxalado kala duwan.

Wax-qabadka Cismaan Yuusuf uu sanadaha badan ururinayay waa kuwo u tilmaan ah maskaxda loo hibeeyey shakhsiyaddiisa. Waa kuwo muujinaya caqliga barax-tiran oo ka nabad galay waxyaabaha hooseeya ee dila hanka qofku leeyahay iyo fidrada nadiifka ah ee lagu uumey. Waxaa ayaan-darro ah in wax-qabadkaas uu kamid noqdey hantida qiimiga lahayd oo Soomaalida kaga lumey aafada dagaalka sokeeye.

Cismaan Yuusuf oo isaguna tilmaamo iska bixiyay, aanu eegno sida uu isku sifeeyay. Geeraaradii uu Cismaan tiriyey waxaa ka mid ah, mid uu ku tilmaamay mowqifkiisa aanan isbeddelka lahayn xilliyadii kala duwanaa iyo dhacdooyinkii taariikheed ee uu la soo noolaa. Waayahaas qallafsan oo ay xoogaggii gumeysigu ku hardamayeen Soomaaliya, Cismaan wuxuu geeraarkan inoogu sheegayaa, in uusan marna laba-wejiileyn. Dadkii Cismaan yiqiin waxay uga markhaati kaceen in uu ahaa nin leh tilmaamaha uu isku sheegay. Geeraarkii uu isku tilmaamay, Cismaan wuxuu ku yiri:
 
Nin shukriga Ilaah iyo shahaadada qiraan ahay
Nin shuruudda towxiidku ku shisheyso baan ahay
Nin sharcigu siduu yiri shakineynin baan ahay
Nin shafeecadii nebiga shinsanaaya baan ahay
Nin shabaab ahaantii shareecada bartaan ahay
Nin shuura iyo ancaam iyo shucuraba dhigtaan ahay
Nin sharribey tafaasiirta shuruuxdana og baan ahay
Wixii shuhubo iyo ceeb ah nin ka sheexayaan ahay
Ninaan showr ajnebi iyo shilin uu jiidan baan ahay
Nin ra'yigu hadduu sheelmo shishe u fiiriyaan ahay
Nin shahmaadka taariikhda ka sheekeyn karaan ahay
Nin shoofaarta gabeygana shaacirkeed ah baan ahay
Nin shiddiyo khilaaf iyo sharta diiddan baan ahay
Nimaan shuush Ilaah gelin kana shaafiyaan ahay
Nin anaaniyadda shaacdey ka shib qaatey baan ahay
Nimaan sharafta Soomaali sheyna siisan baan ahay
Nimaan kala shir-shiriddeeda ka shaqeynin baan ahay
Nimaan shuqulka gaalada shabaheynin baan ahay
Nin Sharmaarke iyo Yuusuf la shalaabadaan ahay
Siyaalaha aan soo sheegey nin u shikh ah baan ahay

 
(Cismaan Yuusuf Keenadiid)
 
Qore: Dr. Saadiq Enow


Afkeena iyo Fartiisa - Casharkii XIII-aad 
Saaxiibkaa u dir

Sep 09 Inta badan wadamada Islaamka oo isku raacay inay beri oo Jimce ah tahay maalin ciid
Sep 03 Who Are the Real Pirates in Somalia?
Aug 30 War Saxaafadeed: Madaxweynaha Soomaaliya Ayaa Dalbaday Taageero Caalami Ah Oo Deg-deg ah
Aug 27 Somalia: Weekly humanitrian report
Aug 26 Warbixin gaaban: Kuxigeenka Duqa magaalada Gaalkacyo C/laahi Axmed Ibraahim (Macruuf) oo lagu eedeeyay inay adeeg sanayaan kooxo doonaya inay qalqal galiyaan maamulka cusub ee degmada Gaalkacyo



Afkeena iyo Fartiisa W/Q: Dr. Saadiq Enow

 

»ASAASKII XISBIGII LEEGADA (SYL)
Dood ay diyaarisay idaacada VOA oo ay ka qayb-galayaan Wasiirka Arimaha dibada ee dowlada KMG ah iyo Laba suxufi oo kala ah Bishiir cumar Good iyo Faysal C/kariim Gabanow 
DAGAALKA DAHSOON EE SOOMAALIYA W/Q:Dr. Saadiq Enow 
AWOODDII LIIDATAY
W/Q: Dr. Saadiq Enow
AQALKII LIITEY
W/Q: Dr. Saadiq Enow
SUUBBANEHEENNII MAXAMED IYO SAGAALKIISII XAAS!! W/Q:Sabriye Macallin Muuse
Dagaalkii Ogaadeenya W/Q: Dr. Saadiq Enow
GOORTII DHULKAYAGII LA QEYBSADAY!
W/Q: Dr. Saadiq Enow
XAFLAD LAGU TAAGEERAYO DAWLADDA SOOMAALIYA OO KA DHACDAY OTTAWA
Sheeko Jacayl ah Nabar aan Dawoobeyn
W.Q. Cabdulqaadir M. Wacays
XAALADDA DHAQAALE EE SOOMAALIDA OTTAWA W/Q: Mohamed Dalmar
Warbixinaha iyo Macluumaadka Puntland:
Warbixin: Puntland, shacab baarri ah iyo maamul hanan waayey! W/Q: Abdulkadir Ali Salad
Warbixin Sawiro wadata: Madaxweynaha Puntland oo warbixin dheer siiyey shacabka Bosaso dhinacyadiisa kala duwan ka dib safarkiisa u ku tagay wadamo dhawr ah

Warbixin Sawirowatada: Wasaaradda Hormarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska, Wasaarad ku dayasho mudan

Warbixin Sawiro watada: Rug-Doorsiga Jaamacadda Dowlad Goboleedka Puntland (PSU)
Shirkii Jaamacada PSU ee magaalada Minneapolis June 8, 2008.
 
Webmaster@mudugonline.com -   ©2005 Mudug Online   ®All rights reserved.