Home  |  Islam  |  Suugaan  |  Qoraalo   |   Contact Us  
BBC Somali 5:00
BBC Somali 9:00
Codka nabada
RadioGalkayo
Radio Daljir
SBC-online
Somali tntv
Radio Sweden
Radio scerdo
HornAfrik
Radiolascaanod
R-freeSomalia
somaliahamradio
Radio Garowe
Radio Warsan
radiobaay.com
Algaracad
Alcarab
AllPuntland
Allidamaale
Allsomali
Ancis
Allwaamo.com
Agabso
alhudamedia
Ancis
Balcad
Banadir
Buuhoodle
Buuleberde
Calanka
Calmadow
dalkapress
Dayniile
Dhabbad.com
Doolo-Suugaan
4forsomaliwomen 
GaroweOnline 
Golkhatumo
Galdodogob
golkhatumo
iqrasomali
Halgan
Hamarey
Hiiraan
HornAfrica
Horseednet
Laascaanood
laasqoray.net
Idamaale
Jawhor
jirac.com
Kismaayopost
Kismayo
Markacadeey
maktabada
markacadey.net
Midnimo
Mudulood
Nedsom
Olol.us
puntlandgov
Nugaal
pacemagazine
Puntlandpost
Puntlandtimes
Puntchamber  
Qandala
Qandala.com
rakoraaxo.com
Sheerbi.com
Shabelle
somalipressreview
Somaali
  s-community
Somalifans
somali_family
Somheritage
Somaliaonline
somalianinfo
Somaliweyn
Somaliwatch
Somalinet
Somalitalk
Somlink
somalimarket
Stnfm
waayaha
Wardheernews
Widhwidh
Xargaga.com
xamarcadde
yamays.com
Yoobsan


Afkeena iyo Fartiisa - Casharkii XV-aad W/Q; Dr. Saadiq Enow
Posted to the MOL May 4, 2008, 3:46 pm

Taariikhda dhaqamadii hore ee aadamiga, kuwooda raadka laga hayo, midda ugu da'da wayn waxaa leh bulshadii ku dhaqneyd dalka Masar. Waa xilligii ay tilnayeen qoysaskii reer Fircoon. Sida aanu soo sheegney, bulshadaasi waxaa ka dhashey dadkii ugu horeyey ee xardha naqshadaha dhigaalka. Waxaa kaloo la hayaa raad tilmaamaya xiriirkii dadkaasi ay la lahaayeen dadyowgii ku noolaa Geeska Afrika, gaar degaanka ay ku dhaqan yihiin Soomaalida. Dadyowgaas ay u talinayeen reer Fircoon, doonyahooda ayaa waxay soo gaari jireen bariga Afrika. Iyagu waxay markaa soo raacayeen qul-qulka biyaha badda Cas. Degaanka ay iman jireen ayaa waxaa loo yiqiin Dhulkii Udgoonka Puntland, kaas oo ku aaddan gobollada waqooyi ee Soomaaliya. Dhulkaasi wuxuu caan ku ahaa luubaanta, xabagta iyo beeyada oo ay ka guran jireen. Bulshadii reer Fircoon, xilligaas waxay rumeysnaayeen diimo khuraafi ah. Marka ay cibaadeysanayaan ayay adeegsan jireen udugga meydiga iyo luubaanta ay Soomaaliya ka qaataan. Arintaas ayaa sababtay magacii ay gobolka u yiqiineen ee ahaa Dhulkii Uduga.
 
Waxaa taariikhda ku xusan, wiil uu dhalay boqorkii caanka ahaa ee la oran jiray Khuufu, in uu dhulkii Buunt ka soo kaxaystay nin Soomaali ah oo magaciisa la oran jiray Hortiisi. Ninkaasi wuxuu hagi jiray doonyaha socdaalka ah oo boqorkan uu u diri jiray Soomaaliya. Sida magaca ka muuqatana ereyga ah hortiisi markii af-soomaamaali loo eego wuxuu noqonayaa wax qof hortiis yaal, ama qof hor socda qof kale. Taasina waa tilmaam inoo muujineysa shaqadii uu hayay ninkaasi Soomaaliga ahaa. Waxaa iyana la hayaa boqoraddii caanka ahayd ee la oran jiray Xatshibsuut mar ay booqasho ku timid degaanka Puntland. Waxay halkaas ka kaxeysatay nin reerihii degaanka ahaa, kaas oo ay guursatay. Jirkii boqoraddaas iyo ninkeedii labaduba illaa iyo hadda waxay ku xafidan yihiin matxaf ku yaal dalka Masar. Waxay kamid yihiin waxyaabaha dalxiisku xiiseeyo oo loo daawasho tago.
 
Waxaa la rumeysan yahay, qoraalladii ay xardheen reer Fircoon ee ahaa Hieroglyphic, in ay xilli hore u soo gudbeen Soomaaliya. Waxaa la maleynayaa in dadkii xilligaas ku noolaa degaanka Soomaaliya ay kamid ahaayeen bulshooyinkii alif-ba'da Hieroglyphic wax ku qortay. Aragtidan waxaa xoojinaya qoraallo ku naqshadaysan dhagxan laga helay agagaarka degmooyinka Xaafuun iyo Baargaal, kuwaas oo qaarkood la qoray xilliguu jiray maamulkii reer Fircoon. Haddii la hubsado in qoraalkaasi ay sameyeen dad-yowgii ku noolaa Geeska Afrika, markaas waxaa muuqaneysa in Soomaalidu ay kamid yihiin ummadihii ugu horeyay dunida ee wax qora waxna akhriya.
 
Waxaa iyadana jira oo degaanka laga heley qoraallo ka soo jeeda dhigaalkii dadyowgii reer Ber-bera. Dadkaasi waxay ku dhaqnaayeen degaanka koonfurta badda Cas. Waa degaanka ku beegan waqooyiga Soomaaliya. Jabuuti, Ereteriya iyo Yaman. Dhigaalkaasi, sida aanu soo xusnay, wuxuu degaanka ka dhaqan galay qarnigii saddexaad cd. Waxaa adeegsan jiray dadyowgii ku dhaqnaa degaanka.
 
Qarnigii 13-aad cd. waxaa bilaabatay in af-soomaaliga lagu qoro abjadiyadda dhigaalka carabiga. Howshaas waxaa bilaabey nin wadaad ah oo diinta Islaamka faafin jiray. Ninkaasi waxaa la oran jiray Shiikh Yuusuf bin Axmad Al-kowneyn. Soomaalidu waxay wadaadkaas u yaqaaniin Aw-Barkhadle. Shiikhu wuxuu hagaajiyey manhaj waxbarasho oo caruurta Soomaaliyeed u sahlaya barashada quraanka iyo afka Carabiga. Wadaadku wuxuu ahaa nin dhalashadiisu ahayd Carab (Yemen). Af-soomaaliga waa uu yiqiin. Si uu ardeyda ugu fududeyo higaaddii iyo shaqalkii xarfaha Carabiga, Shiikhu wuxuu hal-abuurey higaadda laga adeegsado dugsiyada quraanka. Waxaa xusid mudan in higaaddii Shiikh Yuusuf illaa iyo maanta ay Soomaalidu adeegsadaan. Shiikhu wuxuu soomaaliyeyey alif-ba'dii abjadiyadda, isaga oo mid waliba raaciyay tilmaanta uu la gaarka yayhay. Sidan hoos ku xusan ayuu u akhriyi jiray:
 
" Alif wax maleh, Ba´ hoos ku halle, Ta´ korku laba leh, Tha korku saddex leh, Jiim hoos ku halle, Xa wax maleh, Kha kor ku halle ......................................... ''.
 
Waxaa kaloo Shiikh Yuusuf Al-Kowneyn uu lahaa curinta manhajka barashada higgaadda af-carabiga. Shiikhu wuxuu dejiyay in shaqalka lagu akhriyo af-soomaali. Wuxuu curiyay manhajka akhriska higaadda ee ah sidan: Alif la kor-dhabay, Alif la hoos-dhabay, Alif la godey. ............... .
 
Qarnigaas uu Shiikhu noolaa, wuxuu hor-kacay kacdoon dhaqan iyo aqoon ah. Wuxuu si xooggan uga qeyb-qaatay in diinta Islaamka ay ku faafto degaankii uu ku noolaa. Waxaa arintaas ka markhaati kacaya laba kamid ah dalmareenadii Carbeed ee wax ka qorey dadkii ku dhaqnaa magaalada Seylac. Ibnu Siciid oo degmadaas yimid qarnigii 12-aad ayaa ku sheegey in dadku yihiin masiixiyiin. Ibnu Batuuta oo isaguna qarnigii 14-aad soo gaarey Seylac ayaa ku sheegey in dadku ay ahaayeen dad muslimiin ah. Labadaas qarni (12-aad iyo 14-aad) oo ay labada dalmareen gaareen Seylac, waxaa u dhexeeyay qarnigii 13-aad. Waa qarnigii uu Shiikh Yuusuf Al-Kowneyn uu waday kacdoonka dhaqan iyo midka aqooneed. Isbeddelka magaalada ka muuqday markii uu Ibnu-Batuuta soo gaaray, waxay ahayd natiijadii dhaqdhaqaaqii Shiikh Yuusuf Al-Kowneyn.
 
Shiikhu wuxuu ahaa ninkii ugu horeyay ee diraaso ku sameya aqoonta ku saabsan codeynta af-soomaaliga (Somalian Phonology). Islamarkaa aqoontaas ayuu wax ka qorey, taas oo dabadeed uu ardeydiisii bari jiray. Qaabkii uu Shiikh Yuusuf Al-Kowneyn u qorey barashada codeynta af-soomaaliga waa uu caan-baxay oo markiiba wuxuu ku faafay degaanka Geeska Afrika. Howshii uu shiikhu qabtey waxaa loo yiqiin qoraalkii wadaaddada. Waxaa adeegsan jiray ninkasta oo u baahday in uu wax ku qorto af-soomaaliga. Gaar ahaan macallimiintii ardeyda wax barayay iyo dadkii xilligaas ganacsatada ahaa.
 
Uma ayan suurogelin in uu soo saaro qoraallo uu kaga hadlayo cimiladii nolosha xilligaas iyo xaaladihii ay Soomaalidu ku sugnaayeen. Sidoo kale buusan wax badan ka qorin taariikhdii noloshiisa. Shiikhu wuxuu ku dhintay waqooyiga Soomaaliya halkaas oo uu ku aasan yahay. Qabriga shiikha wuxuu ka dhisan yahay meel u dhexeysa Hargaysa iyo Berbera. Waxaa meeshaas ku tiil tuulo baaba'day oo la yiraahdo Dhogor.
 
Geeridii Shiikh Yuusuf, saddex qarni dabadeed, waxaa Soomaaliya ka hanaqaadey boqortooyo xoog wayn. Maamulka boqortooyadan wuxuu ku baahay gobollada bartamaha iyo koonfurta, waxaana hor kacayay beesha Ajuuraan. Wax qabadkii boqortooyadan waxaa kamid ahaa in maamulku ku dadaalay in uu bulshada wax baro. Waxaa markaa la furey dugsiyo lagu barto afka carabiga iyo qoraalkiisaba. Waxay ahayd aqoon loo adeeganayay barashada Quraanka. Lama hayo wax raad ah oo sheegaya, boqortooyadii Ajuuraan in ay xilligaas ka qeyb-qaadatey dhaqdhaqaaqii ay Soomaalidu ku baadi-goobayeen dhigaalka afkooda hooyo.
 
Sanadihii 1930-aadkii, aqoonyahanno archeologists ah oo u dhashay dalal shisheye ah ayaa baaritaan ku sameyay degmooyin kamid ah gobolka Bari. Raggaasi waxay reebeen qoraalo ay wax kaga sheegayaan taallooyin ay ku arkeen degmooyinka Xaafuun iyo Baargaal. Xilliga taallooyinkaas la dhisey ayaa waxay ku qiyaaseen xilligii uu ka talin jiray degaanka boqorkii la oran jiray Cali Cambarre, bartamihii qarnigii 18-aad. Waxaa taallooyinkan ku qornaa alif-ba' lamid ah xarfihii Fircoonada ee Hieroglyphic. Ma ay jiraan wax caddayn ah oo sheegaya xiriirka ka dhexeyay alif-ba'dan iyo maamulkii Boqor Cali Cambare.
 
Dabayaaqadii qarnigii 18-aad iyo bilowgii qarnigii 19-aad, Xaaji Cali Cabdiraxmaan Fiqi-Kheyre, ayaa wuxuu bilaabay in uu alif-ba'da carabiga ku qoro af-soomaali. Xaajigu oo dhalashadiisu ahayd Soomaali, ayaa wuxuu ahaa inta taariikhdu xustay, kii ugu horeyay ee ka qeyb-qaata halganka lagu baadigoobayo xarfo lagu qoro af-soomaaliga. Xaaji Cali Cabdiraxmaan, wuxuu si xoog badan u faafiyay xarfaha ah abjadiyadda carabiga in loo adeegsado qoraalka af-soomaaliga. Wuxuu kamid ahaa raggii culimada ahaa oo xilligaas diinta ku faafin jiray degaamada koonfurta Soomaaliya iyo koonfurta Itoobiya. Isagu wuxuu hor-kacay dhaqdhaqaaq xer ah, kuwaas oo u guntadey in aqoonta diinta ay gaarsiiyaan reer miyiga Soomaaliyeed. Hayaankii Xaajiga wuxuu gaarey gobollada Baali iyo Siidaamo. Xaaji Cali wuxuu ahaa nin aftahan ah. Qasiidooyin suugaan ah ayuu tirin jiray, kuwaas oo uu dadka ku barayay diinta Islaamka. Wuxuu ku qori jiray alif-ba'da carabiga.
 
Xarumihii dhaqdhaqaaqii Daraawiishta ayaa iyaguna raad ku yeeshey baadi-goobka alif-ba'da af-soomaaliga. Sayid Maxamad Cabdulle Xasan ayaa isna noqdey nin la tilmaami karo oo isagu xarfaha carabiga ku qori jiray dhambaallada uu u diri-jiray maamulladii ay waraaqaha is-dhaafsan jireen. Waxaa kale oo Sayidku uu alif-ba'da carabiga ku qori jiray gabeyadii uu xarunta ka tirin jiray. Sayidku wuxuu alif-ba'dan ku qorey gabeyo ay tiradoodu 200 kor u dhaafeen, kuwaas oo qaarkood ay 200 oo beyt ka badnaayeen. Waxaa isna xusid mudan Xuseen Dhiqle oo ahaa xog-hayntii Sayidka, kaas oo isaga qudhiisu uu af-soomaaliga ku qori jiray alif-ba’da carabiga.
 
Waxaa isaguna jiray oo ka qeyb-qaatey dhaqdhaqaaqa dhigaalka, Shiikh Awees Xaaji Cabdiraxmaan oo ku magac-dheer Awees Al-Qaadiri. Wuxuu ahaa odeyga dariiqada qaadiriyada ee gobollada koonfureed. Dabayaaqadii qarnigii 19-aad iyo bilowgii qarnigii 20-aad, ayuu shiikhu diinta Islaamka ku faafin jiray koonfurta Soomaaliya. Shiikhu wuxuu noolaa muddadii u dhexeysey 1847-1909. Wuxuu dhiirri geliyey in Soomaalidu ay afkooda ku qoraan alif-ba'da abjadiyadda carabiga. Waxaa kale oo Shiikhu uu alif-ba'dan ku qori jiray afka chi-miini oo ah lahjad Sawaaxili ah. Shiikh Awees, sidii Xaaji Cali Cabdiraxmaan, ayuu wuxuu hal-abuuri jiray qasiidooyin diineed oo u badan nebi ammaan. Suugaanta shiikhu, waxay isugu jireen af-soomaali, af-sawaaxili iyo af-carabi. Dhamaan qasiidooyinkaas, shiikhu wuxuu ku qori jiray alif-ba'da Carabiga.
 
Waxaa xigay Cismaan Yuusuf Keenadiid oo isagu doortey in uu khilaafo waddadii ay qaadeen raggii ka horeyay ee ku caan baxay yagleylka dhigaalka af-soomaaliga. Cismaan wuxuu baadi-goob u galay in uu Soomaalida u helo alif-ba' ka dhisan xarfo dhigaalkoodu ay la gaar noqdaan. Islamarkaa wuxuu ku dadaaley in uu ka yeelo kuwo ku haboon codeynta af-soomaaliga. Qarnigii 20-aad bilowgiisii ayuu hal-abuurey alif-ba'da uu caanka ku noqdey. Dadaal saddex sanadood qaatay dabadeed, sanadkii 1922-kii Cismaan Yuusuf wuxuu soo bandhigay alif-badii uu hindisay, taas oo goor danbe qaadatay magaciisa (Cismaaniya).
 
Alif-ba'da Cismaaniyadda, markii ay soo if-baxdey waxaa is hor taagey suldaan Cali Yuusuf oo isagu ahaa mu'alifka farta walaalkiis. Suldaanku wuxuu ka baqay in alif-ba'da loo adeegsado mucaaradnimo maamulkiisa lagula dirirayo. Mar kale, waxaa alif-ba'dan is hortaagay maamulkii gumeysigii Talyaaniga, kaas oo gobolladaas qabsaday sanadkii 1927-kii. Talyaanigu wuxuu Soomaalida u diiddanaa wax kasta oo aqoonta iyo wacyiga bulshada korinaya. Sidaa darteed ayuu si adag ula diriray in ay bulshada ku dhex faafto alif-ba'dan.
 
Bulshada Soomaaliyeed, si xiiso leh ayay ku soo dhoweyeen alif-ba'dii Cismaaniyadda. Intoodii uu dhigaalku gaarey, waxay markiiba bilaabeen in ay si qarsoodi ah u bartaan isuna baraan. Waxay ka baqayeen maamulkii Talyaaniga oo ka talinayay gobollada ku sii jeeda bad-waynta Hindiya. Dagaalkii labaad kaddib, markii uu Ingiriisku qabsaday dhamaan gobolladii Soomaaliya, ayaa alif-ba'dii Cismaaniyaddu nafis heshay. Waxay si xooggan ula soo shaac-baxday aasaaskii ururkii Leegada. Xowli orodka ay sameysay ayaa laga garan karaa baahida ay Soomaalidu u qabeen in ay afkooda u helaan dhigaal.
 
Xilligii dowladdii daakhiliga, fartii Csimaaniyaddu waxay sameysey booddo dheer. Waxaa bilaabatey in alif-ba'dan lagu qoro wargeys magaciisa la oran jiray Sahan. Sanadkii 1958-kii, ayuu Xamar ka soo bixi jiray. Wargeysku wuxuu ka hadli jiray xaaladaha siyaasadeed ee dalka iyo dunida. Sanadihii 1966-1967-kii, wargeys kale ayaa jiray oo isna ku soo bixi jiray alif-ba'da Cismaaniyadda. Waxaa la oran jiray Horseed. Wargeyskan danbe wuxuu wax ka qori jiray xaaladda bulshada, xaaladda siyaasadda iyo suugaanta af-soomaaliga.
 
Qore: Dr. Saadiq Enow
 
dr_saadiq@hotmail.com


Afkeena iyo Fartiisa - Casharkii XIV-aad
Saaxiibkaa u dir

Sep 09 Inta badan wadamada Islaamka oo isku raacay inay beri oo Jimce ah tahay maalin ciid
Sep 03 Who Are the Real Pirates in Somalia?
Aug 30 War Saxaafadeed: Madaxweynaha Soomaaliya Ayaa Dalbaday Taageero Caalami Ah Oo Deg-deg ah
Aug 27 Somalia: Weekly humanitrian report
Aug 26 Warbixin gaaban: Kuxigeenka Duqa magaalada Gaalkacyo C/laahi Axmed Ibraahim (Macruuf) oo lagu eedeeyay inay adeeg sanayaan kooxo doonaya inay qalqal galiyaan maamulka cusub ee degmada Gaalkacyo



Afkeena iyo Fartiisa W/Q: Dr. Saadiq Enow

 

»ASAASKII XISBIGII LEEGADA (SYL)
Dood ay diyaarisay idaacada VOA oo ay ka qayb-galayaan Wasiirka Arimaha dibada ee dowlada KMG ah iyo Laba suxufi oo kala ah Bishiir cumar Good iyo Faysal C/kariim Gabanow 
DAGAALKA DAHSOON EE SOOMAALIYA W/Q:Dr. Saadiq Enow 
AWOODDII LIIDATAY
W/Q: Dr. Saadiq Enow
AQALKII LIITEY
W/Q: Dr. Saadiq Enow
SUUBBANEHEENNII MAXAMED IYO SAGAALKIISII XAAS!! W/Q:Sabriye Macallin Muuse
Dagaalkii Ogaadeenya W/Q: Dr. Saadiq Enow
GOORTII DHULKAYAGII LA QEYBSADAY!
W/Q: Dr. Saadiq Enow
XAFLAD LAGU TAAGEERAYO DAWLADDA SOOMAALIYA OO KA DHACDAY OTTAWA
Sheeko Jacayl ah Nabar aan Dawoobeyn
W.Q. Cabdulqaadir M. Wacays
XAALADDA DHAQAALE EE SOOMAALIDA OTTAWA W/Q: Mohamed Dalmar
Warbixinaha iyo Macluumaadka Puntland:
Warbixin: Puntland, shacab baarri ah iyo maamul hanan waayey! W/Q: Abdulkadir Ali Salad
Warbixin Sawiro wadata: Madaxweynaha Puntland oo warbixin dheer siiyey shacabka Bosaso dhinacyadiisa kala duwan ka dib safarkiisa u ku tagay wadamo dhawr ah

Warbixin Sawirowatada: Wasaaradda Hormarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska, Wasaarad ku dayasho mudan

Warbixin Sawiro watada: Rug-Doorsiga Jaamacadda Dowlad Goboleedka Puntland (PSU)
Shirkii Jaamacada PSU ee magaalada Minneapolis June 8, 2008.
 
Webmaster@mudugonline.com -   ©2005 Mudug Online   ®All rights reserved.