Home  |  Islam  |  Suugaan  |  Qoraalo   |   Contact Us  
BBC Somali 5:00
BBC Somali 9:00
Codka nabada
RadioGalkayo
Radio Daljir
SBC-online
Somali tntv
Radio Sweden
Radio scerdo
HornAfrik
Radiolascaanod
R-freeSomalia
somaliahamradio
Radio Garowe
Radio Warsan
radiobaay.com
Algaracad
Alcarab
AllPuntland
Allidamaale
Allsomali
Ancis
Allwaamo.com
Agabso
alhudamedia
Ancis
Balcad
Banadir
Buuhoodle
Buuleberde
Calanka
Calmadow
dalkapress
Dayniile
Dhabbad.com
Doolo-Suugaan
4forsomaliwomen 
GaroweOnline 
Golkhatumo
Galdodogob
golkhatumo
iqrasomali
Halgan
Hamarey
Hiiraan
HornAfrica
Horseednet
Laascaanood
laasqoray.net
Idamaale
Jawhor
jirac.com
Kismaayopost
Kismayo
Markacadeey
maktabada
markacadey.net
Midnimo
Mudulood
Nedsom
Olol.us
puntlandgov
Nugaal
pacemagazine
Puntlandpost
Puntlandtimes
Puntchamber  
Qandala
Qandala.com
rakoraaxo.com
Sheerbi.com
Shabelle
somalipressreview
Somaali
  s-community
Somalifans
somali_family
Somheritage
Somaliaonline
somalianinfo
Somaliweyn
Somaliwatch
Somalinet
Somalitalk
Somlink
somalimarket
Stnfm
waayaha
Wardheernews
Widhwidh
Xargaga.com
xamarcadde
yamays.com
Yoobsan


Afkeena iyo Fartiisa - Casharkii XVIII-aad W/Q: Dr. Saadiq Enow
Posted to the MOL June 13, 2008, 5:37 pm

Xirsi Magan Ciise oo kamid ahaa dhallinyaradii Goosanka ayaa wuxuu ka waramay dhaqdhaqaaqii dhaqanka oo ay calanka u qaadeen. Isagu wuxuu yiri:
 
"
Yaasiin Cismaan ayuu ahaa ninka ka dambeyay dhaqdhaqaaqan lagu difaacayay af-soomaaliga. Yaasiin wuxuu markaas ahaa macallin dadka wax bara. Dhallinyarada Goosanku waxay bilaabeen in ay xataa Soomaaliyeyaan ereyadii afafka shisheye ee kamid noqdey af-soomaaliga. Ereyada ay Soomaaliyeyeen waxaa kamid ahaa kuwan:
Saacad oo ay u bixiyeen Gooreyso, Waraaq waxay u bixiyeen War-qaaddo, Miis waxay u bixiyeen Shillal, joornaal waxay u bixiyeen war-geeye, baabuur waxay u bixiyeen gaadiid. Ereyo badan oo dowladdii Kacaanka ahayd ay u adeegsatay maamulka, ayaa waxay ka soo jeedaan ereyadii ay bixiyeen dhallinyaradii Goosanka. Waxaa tusaale ah ereyada Hoggaan, Gaadiid, Laan, Waax, agaasime, .........................
". (Waxaa laga soo xigtey Xirsi Magan Ciise. 22/ 7- 2002. England - London
).
 
Dhallinyaradaasi, badankoodu waxay macallimiin ka ahaayeen dugsiyadii ay Leegadu u furtey dad-waynaha. Qaabka ay dadka wax u bari jireen waxaa kamid ahaa in ardeyga inta la joojiyo la yiraahdo shan daqiiqo hadal oo erey aanan af-soomaali ahayn yuusan af-kaaga ka soo bixin. Goor danbe ayay la yimaadeen in ay rogaan ereyadii diinta, sida Eebe oo ay u rogeen Waaq, ereyga ah Rasuul waxay u rogeen Adeegaha Eebe (shacni iyo naxariis dushiisa ha ahaatee).
 
Ereyo badan oo anshaxa la xiriira oo Soomaalida reer miyiga ah ayan adeegsan ayay ku soo kordhiyeen af-soomaaliga. Waxaa kamid ah ereyga ah (Waad mahadsan tahay). Dahaqanka Soomaalida oo ah mid miyi ka soo jeeda ayaa wuxuu yahay mid aanan laga adeegsan ereygaan. Soomaalida miyiga ku nool markii ay isu martiyaan, ama ay xoolo isu gooyaan, isma yiraahdaan waad mahadsan tahay. Sabatu waxay tahay, kan wax la tarey, wixii la siiyay wuxuu u arkaa in ay tahay xaq uu leeyahay. Kan wax bixiyayna wixii uu bixiyay wuxuu u arkaa xaq lagu leeyahay. Sidaas darteed uma ayan muuqan wax ay isaga mahad celiyaan. Ereyga ah (Waad mahadsan tahay ama mahadsanid), wuxuu kamid yahay ereyada ayan Soomaalidu adeegsan jirin. Dhallinyaradii goosanka ayaa ugu horeeyey dad adeegsada. Iyagu waxay markaa kula dirirayeen ereyadii Talyaaniga iyo Ingiriiska ahaa oo ay Soomaali u rogayeen. Sidii buu ereyga ku hir-galey oo wuxuu ku faafey magaalooyinkii waawaynaa.
 
Sidii erey walba oo carabi ah ay Soomaali ugu rogayeen, ayaa waxaa dhacdey in ereyadii salaadda lagu xiranayay ay soomaali u rogaan. Tusaale, marka salaadaha la tukanayo, waxaa dhaqan ahaa in la akhriyo hor-dhac lagu muujinayo salaadda aad tukaneysid midda ay tahay, rakcadeheeda iyo niyadda aad ku tukaneysid oo ah mid Eebe dartiis loola jeedo. Hor-dhacaas ayaa af-carabi lagu akhriyi jiray iyada oo weliba lagu dhawaaqayo. Dhallinyaradii Goosanka, waxay is tusiyeen, maadaama salaaddu ay ku bilaabato takbiir (Allaahu Akbar), hor-dhaca la akhrinayo in lagu akhriyi karo af-soomaali. Sidaa darteed waxay jideyeen, meeshii laga akhriyi lahaa ereyadii ku yiil kitaabka safiinaha, in ay yiraahdaan sidan:
 
" Waajib weeye, Makhrib weeye, Saddex weeye, Waaq baa weyn, Allahu Akbar ". (Waxaa laga soo xigtey Xirsi Magan Ciise. 22/ 7- 2002. England - London
).
 
Inkasta oo salaadda lagu xirto ereyga takbiirta ah oo intaanan la takbiirsan la oran karo hadal kasta oo aanan dembi ahayn, misana dad-waynihii diidmo ayay ka muujiyeen arinkan. Waa xilligaas marka ay baxayso sheekada ah in af-soomaali loo rogo magaca Cabdi-casiis Nuur Xirsi, oo isagu xubin fir-fircoon ka ahaa is-bahaysigii Goosanka. Waxay u bixiyeen Bidde-waaq Kaah Qardhaas. Waxaa laga soo rogey Cabdi (Bidde), Casiis (Waaq), Nuur (Kaah), Xirsi (Qardhaas). Aragtidaas lagu difaacayay af-soomaaliga ee xag-jirka ah markii ay dhallinyaradu la yimaadeen, waxaa ku kacay Xaajiyaashii miisaanka culus ku lahaa Leegada. Waxaa la xirey xafiis gaar ah oo Goosanku ay ku lahaayeen xaruntii ururka Leego.
 
Xilliga ay dhallinyaradu ku jireen halgankaas dhaqanka ah, golihii JQ ka Dh waxaa ka socotey dood looga xaajoonayay aayaha Soomaaliya. Dowladihii xulufada ahaa iyo Soofyeetiga ee ku adkaaday dagaal-waynihii II-aad ee dunida ayaa waxay ku guda jireen in ay iska wareystaan sidii ay dunida ugu sameyn lahaayeen nadaam. Waxay isaga iman jireen in ay ka doodaan meelaha shidan oo ay xiisaddu ka iman karto. Soomaaliya kamid ayay ahayd meelaha ay ka doodayeen. Dowladaha adkaadey waxaa kale oo ay ku heshiiyeen dhismo gole caalami ah oo ay ku magacaabeen Jamciyadda Quruumaha ka Dhexeysa. Inkasta oo golaha ay xubno ka noqdeen dowladihii markaa xorta ahaa, misana iyaga ayaa curad ka ahaa oo mudnaantii golaha qaatey.
 
Dowladda Ingiriiska waxay gacanta ku heysey dhamaan gobolladii Soomaaliyeed, marka laga reebo Jabuuti. Muddadii uu dagaalku socdey ayaa Ingiriisku wuxuu Talyaaniga kala wareegey gobollada waqooyi bari iyo koonfurta Soomaaliya. Sidaa darteed Talyaanigu, afarta dowladood ee adkaadey wuxuu ka codsan jiray in loo soo celiyo gobolladii uu gumeysan jiray oo ay kamid ahayd gobollada Soomaaliya. Dowladaha adkaadey qudhoodu waxay doonayeen in ay iyagu u muuqdaan kuwo wax yeeriya oo looga danbeeyo dib u-habeynta arimaha dowliga.
Waxaa jiray saddex dhul oo dowladaha adkaadey ay kala wareegeen Talyaaniga muddadii uu dagaalku socdey. Waxay ahaayeen Soomaaliya, Liibiya iyo Ereteriya. Waddamadaas saddexda ah ayaa dowladaha adkaadey ay ka doodi jireen markii ay isku yimaadaan. Iyagu waxay isku af-garteen in ay magacaabaan guddi u kuur-gala, isla markaasna soo diyaariya wixii talo ah oo laga yeeli lahaa dhulalkan. Waxaa xusid mudan, Ingiriisku in uu ahaa dowladda markaas gacanta ku heysey dhulalkaa Soomaaliyeed ee dooddu ka taal.
 
Fadhiyada ay isugu yimaadaan afarta dowladood wuxuu ahaa mid sanadle ah. Bisha sebtember ayay ka fariisan jireen arinta Soomaaliya. Fadhigu wuxuu ka dhici jiray mid kamid ah afartooda magalo-madax. Fadhi ay isugu yimaadeen guddiyadii afarta dowladood, ayaa wuxuu ka dhacay magaalada Baariis. Waxay ka soo saareen qorshe ka kooban afar aragti oo kala duwan. Afarta dowladood ee u fadhidey arinta Soomaaliya, midba waxay la timid aragti u gaar ah ee la xiriirta sidii ay ka yeeli lahaayeen gobollada Soomaaliyeed ee Talyaaniga laga qaadey. Fadhigaas oo dhacay 25/ 4- 1946-kii, ayaa aragtiyaalkii ka soo baxay waxay ahaayeen sidatan:
 
1. Qorshaha Ingiriiska wuxuu ahaa in Soomaaliya dhamaanteed la is raaciyo, lagana dhigo maxmiyad Ingiriisku ka taliyo. Degaamadu waa gobollada la yiraahdo British-Somaliland iyo Italian-Somaliland oo ay weheliso gobolka Ogaadeenya. Ingiriisku wuxuu ku taliyey, dowladda Itoobiya, marka laga qaado gobolka Ogaadeenya, in lagu raali geliyo in ay qaadato Ereteriya. Ujeeddadu waxay ahayd in ay ka harto sheegashada gobolka Ogaadeenya.
 
2. Qorshaha Mareekanka wuxuu ahaa in dhamaan dhulalkii uu Talyaanigu gumeysan jiray ay noqdaan maxmiyad looga taliyo JQ ka Dh muddo taban sanadood ah, taas oo lagu gaarsiinayo madax-bannaani buuxda.
 
3. Qorshaha Ruushka ayaa xagga maamulka wuxuu raacsanaa qorshaha Mareekanka. Wuxuu ku kordhiyay, muddadaas 10-ka sano ah in Soomaaliya loo dhiso is-maamul gaar ah, si ay iyagu is-maamulaan.
 
4. Qorshaha Faransiiska ayaa isna ahaa in dhulalkii Talyaaniga laga qabsaday loo celiyo Talyaaniga iyada oo qaab maxmiyadeed ah. Islamarkaa dushana ay ka ilaaliso JQ ka Dh. (Ex-Italian Somaliland. Sylvia E. Pankhurst. 1951. p. 217-218
).
 
Aragtiyaalkii ka soo baxay fadhigii Baariis, waxaa loo gudbiyey JQ ka Dh. Gaar ahaa golaheedii ku howlanaa arimaha la xiriira gobollada maxmiyadaha u ah.
 
Markey taariikhdu ahayd 10/ 2- 1949-kii, Golihii Maxmiyadaha ee JQ ka Dh waxay go'aan ka gaareen arinta la xiriirta gobollada Soomaaliyeed ee Talyaaniga laga qaadey. Goluhu wuxuu guddoomiyay, gobolladaas in muddo toban sanadood ah ay ahaadaan dhul dusha laga maamulo oo uu Talyaanigu gacanta ku hayo. Islamarkaa JQ ka Dh ay kor ka ilaaliso. Arintaas waxaa ku heshiiyey dowladihii xubnaha ka ahaa JQ ka Dh iyo dowladdii Talyaaniga. Go'aanku wuxuu ka koobnaa 25 qodob oo kiisii ugu horeeyey lagu caddeeyey xuduudda ay leedahay Soomaaliyada maxmiyadda ah. Qodobka 25-aad oo ahaa midka ugu danbeeyey ayaa isna lagu xusay xil-wareejinta Ingiriiska gobollada koonfureed ee uu ku wareejinayo Talyaaniga. 23-ka qodob oo kale waxay ka waramayeen waajibaadka Talyaaniga laga rabo ee ah in muddadaas tobanka sano ah uu Soomaalida ku taageero sidii ay cagahooda ugu joogsan lahaayeen, isla markaasna ay u hanan lahayeen himilada dowladnimo. (Ibid. p. 398
).
 
Waxaa xusid mudan, gobollada laga hadlayo in ay yihiin kuwii uu Talyaaniga gumeysanayey. Dowladdii Talyaaniga ayaa markaas Ingiriiskii kala wareegtey maamulkii gobollada. Dabadeed Talyaanigii waxay maamulkii Xamar u soo magacaabeen nin sarkaal ah oo la yiraahdo Jeneral Guglielmo Ciro Nasi
(1879 - 1971). Isagu wuxuu kamid ahaa saraakiishii sare ee dowladdii Fashiistada, kuwaas oo uga soo shaqeeyey Geeska Afrika. Wuxuu odey ka ahaa qeyb kamid ah asddexdii qeybood ee ciidamadii Talyaaniga ee ku duuley Addis-ababa (1935-1936). Markii ciidamadii Talyaaniga ay ku guuleysteen in ay Itoobiya qabsadaan, muddo shan sano jeneraalku halkaas ayuu ka shaqeynayey. Wuxuu guddoomiye ka noqdey Harar (1936 - 1939). Waxaa kaloo uu guddoomiye ka noqdey gobolka Shawa (1939 - 1940).
 
Bishii agosto 1941-kii, ciidamo uu hoggaaminayo Jeneral Guglielmo Ciro Nasi ayaa weerar ku qaadey gobollada waqooyi ee Soomaaliya. Kaddib markii ay ka guuleysteen ciidankii Ingiriiska, Talyaanigii waxay galeen magaalada Hargeysa. Waxaa markaas gobolka ka cararey dhamaan ciidamadii Ingiriiska ee horey u fadhiyey. Markii Talyaanigii la jebiyey ayay Ingiriiskii ku soo laabteen Hargeysa.
 
Ceynkaas ayuu ahaa ninka ay dowladdii Talyaaniga u soo magacawdey in uu odey ka noqdo maamulkii maxmiyadda ee Soomaaliya. Go'aanka lagu soo magacaabey jeneraalkan waxaa ka qeyliyey boqorkii Itoobiya Xeyle Selaesse. Sababtu waxay ahayd taariikhda mag\dow ee ku lamaanan shakhsiyaddiisa. Muddadii u dhexeysey 19 - 21 bishii febraweri 1937-kii, waxaa magaalada Addis-ababa gudaheeda, lagu laayay 30.000 oo qof. Waa saddex cisho gudaheed. Ciidamadii falkaas ku kacay waxaa wax ka hoggaaminayay ninkan loo soo magacaabey Soomaaliya in uu dowladnimo gaarsiiyo. Marka uu falkaas geysanayo wuxuu ka hoos shaqeynayey Marshall Rudolfo Graziani, oo ahaa ninka ugu sareeyey ciidamadii Talyaaniga ee ku sugnaa Geeska Afrika. (Ibid. p. 422
).
 
Dacwaddii Xeyle Salaesse waxay sababtey in JQ ka Dh ay Talyaaniga ku cadaadiso in ay xilka odeynimada ka qaaddo Jeneral Guglielmo Ciro Nasi. Isaga oo aan sanad dhameysan ayaa xilkii laga wareejiyey jemeraalkii. Dabadeed Talyaanigu wuxuu Soomaaliya u soo magacaabay niman rayid ah, kuwaas oo qudhoodu aanan ka mareyn aragtidii fashiistada iyo heyb-sooca.
 
Xilligaas Soomaalidu waxay ahaayeen kuwo ka maqan fagaaraha lagu guddoominayo aayaha dalkooda. Arintaasi waxay sababtay ayaan-darro ku harta qaab-nololeedkii bulshada Soomaaliyeed. Talyaaniga waxaa loogu dhiibay Soomaaliya in uu baro maamul dowladeed oo ku dhisan hannaan dimoqraadiyad ah oo lagu xushmeeyo aadamiga iyo aragtidiisa. Isla xilligaas Talyaaniga wuxuu ka soo baxay maamul fashiiste ah oo muddo ka talinayay dalkooda, kaas oo aanan aqoon u lahayn dimoqraadiyad iyo xushmad aadami. Sidaa darteed masuuliintii Talyaaniga ahaa ee xilka ka qabtey Soomaaliya, ma ayan ahayn kuwo aqoon iyo khibrad u lahaa aragtida dimoqraadiyadda. Waxaa halkaa ka muuqanaya in dalka loo dhiibey uu ku hungoobayo xilka ay ka sugayaan.
 
Talyaanigu wuxuu dalka ku soo laabtay iyada oo wacyigii Soomaalidu uu si xoog leh isu beddelay. Muddadii uu maqnaa ayaa waxaa dhismay ururkii gobanimo-doonka iyo midnimo-doonka ahaa ee la baxay SYL Somali Youth League. Dadaalka ay bixiyeen dhallinyaradii ururka iyo daacadda ay u ahaayeen halgankooda ayaa wuxuu ururkii gaarsiiyay in uu jebiyo xudduudihii dabiiciga ahaa iyo kuwii aanan dabiiciga ahayn ee Soomaalida dhex-yiil. Sanadkii 1943-kii, ayaa ururka la asaasey isaga oo aanan lahayn muuqaal siyaasadeed. Wuxuu ahaa naadi ay isugu yimaadaan qaar kamid ah dhallinyaradii Soomaaliyeed ee markaas ku noolaa Xamar.
 
Naadigu wuxuu ahaa meel ay shaaha ku cabaan, ayna kuna sheekeystaan dhallinyaradii Soomaaliyeed ee xaafadaha Xamar ku dhaqneyd. Magaca uu ururku markaas sitey wuxuu ahaa SYC Somali Youth Club. Ingiriisku wax culays ah ma uusan saarin dhaqdhaqaaqa dhallinyarada Soomaaliyeed. Sababtu waxay ahayd, gobolladan oo aanan kamid ahayn dhulka loo ogsoonaa in ay yihiin mustacmaraadkii Ingiriiska. Sidii aan soo aragnayba, waxaa jiray in gobolladan ay ahaayeen kuwo lagu muransanaa oo ay dood ka taagneyd. Sidaa darteed Ingiriiska culeys iskama saarin caburinta dhaqdhaqaaqa dhallinyarada.
 
Muddo afar sano ah ayaa naadigii dhallinyaradu wuxuu ahaa meel aanan xiriir la laheyn siyaaasadda dalkooda. Muddadaas dhallinyaradu waxay ku howlanaayeen in ay wax is-baraan, dadkana wax baraan. Iyo in ay bulshada dhexdeeda ka abuuraan saldhig adag oo u hiiliya ururka. Dhaqdhaqaaqoodu wuxuu ahaa mid ku eg baahinta aqoonta. Waxay is-bari jireen af-carabi, af-ingiriis iyo dhigaalka af-soomaaliga.
 
Dhaqdhaqaaqii naadiga wuxuu fursad siiyey dhigaalkii alif-ba'da Cismaaniyadda in ay si madax-bannaan u faafto. Markiiba waxaa qaatay dhallinyaradii ku bahowday ururkii Leegada. Soomaalidu waxay dareensanaayeen baahida loo qabey in la helo alif-ba' lagu qoro af-soomaaliga. Xilligaas hore, wax dood ah kama iman doorashada ah in Cismaaniyadda lagu qoro af-soomaaliga. Islamarkaa aragtida dhigaalka af-soomaaliga ugub ayay ku ahayd bulshada oo ma jirin Soomaali kale oo aanan ahayn dhallinyaradii Leegada, kuwaas oo u doodayey dhigaalka af-soomaaliga. Waxaa kaloo aanan jirin urur kale oo u doodayay midnimada iyo gobanimada Soomaaliya. Dhallinyaradu waxay alif-ba'dii Cismaaniyadda u adeegsadeen wixii qoraallo ahaa ee la xiriiray socodsiinta maamulkii ururka. Isla alif-ba'daas ayaa waxay ururkii u saamaxdey in ay keydsadaan wixii dokument ahaa oo dhallinyaradu qarsanayeen.
 
Waxaa kale oo alif-ba'dan ay dhallinyaradu ku keydsadeen sheekooyin dhaqan ah iyo suugaan hilan culus. Waxyaabaha qiimiga leh oo dhallinyaradu ay ku keydsadeen alif-ba'da Cismaaniyadda waxaa laga tilmaami karaa gabeyadii silsiladaha ahaa ee Halac Dheere iyo Guba. Waxaa kaloo ay ku keydiyeen gabeyadii Sayid Maxamad Cabdulle Xasan, halgankii Daraawiishta iyo dagaaladii dhex-maray Talyaaniga iyo saldanaddii Majeertiinya. Waxaa kale oo jiray, dhallinyaradii xilligaas dhaqanka xiiseynayay in ay soo miin-guursadeen wixii suugaan iyo sheekooyin ahaa oo uu Cismaan Yuusuf hayay ee ku qornaa farta Cismaaniyadda.
 
Qore: Dr. Saadiq Enow
dr_saadiq@hotmail.com


Afkeena iyo Fartiisa - Casharkii XVII-aad   
Saaxiibkaa u dir

Sep 09 Inta badan wadamada Islaamka oo isku raacay inay beri oo Jimce ah tahay maalin ciid
Sep 03 Who Are the Real Pirates in Somalia?
Aug 30 War Saxaafadeed: Madaxweynaha Soomaaliya Ayaa Dalbaday Taageero Caalami Ah Oo Deg-deg ah
Aug 27 Somalia: Weekly humanitrian report
Aug 26 Warbixin gaaban: Kuxigeenka Duqa magaalada Gaalkacyo C/laahi Axmed Ibraahim (Macruuf) oo lagu eedeeyay inay adeeg sanayaan kooxo doonaya inay qalqal galiyaan maamulka cusub ee degmada Gaalkacyo



Afkeena iyo Fartiisa W/Q: Dr. Saadiq Enow

 

»ASAASKII XISBIGII LEEGADA (SYL)
Dood ay diyaarisay idaacada VOA oo ay ka qayb-galayaan Wasiirka Arimaha dibada ee dowlada KMG ah iyo Laba suxufi oo kala ah Bishiir cumar Good iyo Faysal C/kariim Gabanow 
DAGAALKA DAHSOON EE SOOMAALIYA W/Q:Dr. Saadiq Enow 
AWOODDII LIIDATAY
W/Q: Dr. Saadiq Enow
AQALKII LIITEY
W/Q: Dr. Saadiq Enow
SUUBBANEHEENNII MAXAMED IYO SAGAALKIISII XAAS!! W/Q:Sabriye Macallin Muuse
Dagaalkii Ogaadeenya W/Q: Dr. Saadiq Enow
GOORTII DHULKAYAGII LA QEYBSADAY!
W/Q: Dr. Saadiq Enow
XAFLAD LAGU TAAGEERAYO DAWLADDA SOOMAALIYA OO KA DHACDAY OTTAWA
Sheeko Jacayl ah Nabar aan Dawoobeyn
W.Q. Cabdulqaadir M. Wacays
XAALADDA DHAQAALE EE SOOMAALIDA OTTAWA W/Q: Mohamed Dalmar
Warbixinaha iyo Macluumaadka Puntland:
Warbixin: Puntland, shacab baarri ah iyo maamul hanan waayey! W/Q: Abdulkadir Ali Salad
Warbixin Sawiro wadata: Madaxweynaha Puntland oo warbixin dheer siiyey shacabka Bosaso dhinacyadiisa kala duwan ka dib safarkiisa u ku tagay wadamo dhawr ah

Warbixin Sawirowatada: Wasaaradda Hormarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska, Wasaarad ku dayasho mudan

Warbixin Sawiro watada: Rug-Doorsiga Jaamacadda Dowlad Goboleedka Puntland (PSU)
Shirkii Jaamacada PSU ee magaalada Minneapolis June 8, 2008.
 
Webmaster@mudugonline.com -   ©2005 Mudug Online   ®All rights reserved.