Home  |  Islam  |  Suugaan  |  Qoraalo   |   Contact Us  
BBC Somali 5:00
BBC Somali 9:00
Codka nabada
RadioGalkayo
Radio Daljir
SBC-online
Somali tntv
Radio Sweden
Radio scerdo
HornAfrik
Radiolascaanod
R-freeSomalia
somaliahamradio
Radio Garowe
Radio Warsan
radiobaay.com
Algaracad
Alcarab
AllPuntland
Allidamaale
Allsomali
Ancis
Allwaamo.com
Agabso
alhudamedia
Ancis
Balcad
Banadir
Buuhoodle
Buuleberde
Calanka
Calmadow
dalkapress
Dayniile
Dhabbad.com
Doolo-Suugaan
4forsomaliwomen 
GaroweOnline 
Golkhatumo
Galdodogob
golkhatumo
iqrasomali
Halgan
Hamarey
Hiiraan
HornAfrica
Horseednet
Laascaanood
laasqoray.net
Idamaale
Jawhor
jirac.com
Kismaayopost
Kismayo
Markacadeey
maktabada
markacadey.net
Midnimo
Mudulood
Nedsom
Olol.us
puntlandgov
Nugaal
pacemagazine
Puntlandpost
Puntlandtimes
Puntchamber  
Qandala
Qandala.com
rakoraaxo.com
Sheerbi.com
Shabelle
somalipressreview
Somaali
  s-community
Somalifans
somali_family
Somheritage
Somaliaonline
somalianinfo
Somaliweyn
Somaliwatch
Somalinet
Somalitalk
Somlink
somalimarket
Stnfm
waayaha
Wardheernews
Widhwidh
Xargaga.com
xamarcadde
yamays.com
Yoobsan


Afkeena iyo Fartiisa - Casharkii XIX-aad W/Q: Dr. S. Enow
Posted to the MOL July 3, 2008, 6:08 am

Tobankii sano ee qeybna maxmiyadda la ahaa qeybna dowlad hoosaadka la heystey (1951-1960), wacyigii Soomaalida waa uu kordhey. Gaar ahaan dadkii ku dhaqnaa magaalada Xamar ee la noolaa maamulladii gumeystayaasha isku beddelayay talada dalkooda. Dad badan oo dhallinyaro ah ayaa waxay ka aflaxeen dugsiyadii gumeysigu sameeyey. Kuwo kale askar iyo farsamo-yaqaanno ayay u noqdeen maamulladii gumeysiga. Qaar baa xafiisyada uga shaqeynayay. Raggaas ayaa dhamaantood waxay ahaayeen kuwo nolosha Soomaalida ku soo kordhinayay waaya-aragnimo.

Dagaalkii uu Talyaaniga ku qaadey Itoobiya, dhallinyaro badan oo Soomaali ah ayaa ka qeyb-qaatey. Iyagu waxay ka kala yimaadeen gobollada Soomaaliya. Waxaa halkaas ka unkamey is dhex-gal dhallintii geel jiraha ahayd ee Soomaaliyeed. Iyagu waxay isugu tageen xarumihii tababarada ciidanka iyo weerarkii Itoobiya lagu qaadey. Arintaas qudheedu raad ayay ku yeelatey baraarugga siyaasadeed ee bulshada. Sidaa darteed dhaqdhaqaaqii Leegada gacan xoog leh ayay ka heleen dhallinyaradii askaraha ahaa.

Waxaa kaloo jiray raggii Xamar la keeney ee odeyaasha ka ahaa maamulladii ka jiray Baargaal iyo Hobyo. Iyaga qudhoodu waxay xambaarsanaayeen ilbaxnimo ay ka dhaxleen noloshii dhowrka qarni soo jirtay ee ka hanaqaaddey gobolladii ay ka yimaadeen. Arimahaas is-biirsadey ayaa noloshii magaalada Xamar waxay ka yeeshey mid mushakal ah. Waxaa halkaas ka curtey dareenkii ugu horeeyey ee ahaa in Soomaalidu u fekerto in ay maamul helaan. Waxaan shaki ku jirin Soomaalidu in ay ummad ahaan u dhisnaayeen intuusan gumeysigu u iman. Laakiin waxa ka maqnaa wuxuu ahaa maamul dowlad dhexe ee ururisa. Aragtidaas waxaa horseed ka noqdey  dhallinyaradii Leegada. Iyagu waxay guddoonsadeen in ay ku baahiyaan bulshada dhexdeeda.

Inkasta oo ay curteen kawaadir dhallinyaro ah, kuwaas oo wacyigoodu hanaqaadey, misana dad-waynaha xooggiisu wuxuu ku sugnaa jahli. Taasina waxay ahayd iinta uu nadaamkii gumeysiga uu mar-walba ka faa'iideysanayay. Sidaa darteed halgankii dhaqanka oo dhallinyaradu ay shucladda u qaadeen, maahayn mid ka liitey kii siyaasadeed oo ay dalka ku xoreynayeen. Waxaa xusid mudan, hobolladii Soomaaliyeed in ay kaalin xoog wayn ka qaateen kor u qaadidda wacyiga dad-waynaha. Iyagu waxay ahaayeen kuwo tallaalayay urursanaanta aragtida qowmiyadeed. Heesihii iyo suugaantii, hobollada Soomaaliyeed ay xilligaas hal-abuureen, dhamaan waxay ahaayeen kuwo loogu hiilinayo halganka ummadeed. Waxaanu tusaale u soo qaadaneynaa hees kamid ah heesihii caanka ahaa oo Leegadu ay ku abaabuli jirtey dad-waynaha:


Hooyaalayey hooyaalayey heesteeni weyaanee
Hooyaalayey hooyaalayey midigtaan ku heynaayee

Soomaali baan nahay saafidii dadka waa u sareynaayee
Ninkii soor ay qaadow silic u dhimo waa kaa samreynaayee


Kanna waa ugaas kanna waa addoon waa inaan ilownaayee
Istantiibadaa na walaalisee waa ilma-adeerownee

Nin islaam ahoo aqalkuu lahaa aayar loogu soo galayee
Ee iiga baxa yiri baan ahoo af-lagaaddo loo rogayee

Raadadkaas is-biirsadey wuxuu cudud u yeley dhaqdhaqaaqii ay dhallinyaradu bilaabeen. Intuusan Talyaanigu kala dhilqin is-haysadkii Soomaalida, waxaa Xamar ka bilaabatey sheekooyin iyo doodo, kuwaas oo dhex-mari jiray dad-waynaha. Waxay ahaayeen kuwo heer qaran ah oo lagu cududeynayo dhismaha ummad Soomaaliyeed. Doodahaas ayaa waxay isugu jireen kuwo siyaasadeed iyo kuwo dhaqan.

Doodaha dhaqanka ee xilligaas socdey, qodobka ugu hilan cuslaa oo dadku ay hadal-hayeen wuxuu ahaa dhigaalka af-soomaaliga. Gaar ahaan qorista iyo dejinta alif-ba'da af-soomaaliga. Waxaa arintaa garab socdey doodo la xiriirey xulashada afkii la qarameyn lahaa oo si rasmi ah loogu adeegsan lahaa dugsiyada iyo xafiisyada dalka Soomaaliya. Waxaa jiray laba af oo af-soomaaliga la baratamayey, kuna heystey in ay halkiisa buuxiyaan. Iyagu waxay xoog ku lahaayeen bulshadii reer magaalka ahaa. Sidaa darteed labadan af waxay u sharaxnaayeen in laga dhaqan-geliyo magaalada Xamar. Dadaal badan ayuu maamulkii halkaa fadhiyey u galey arinkaas.

Labada af waxay kala ahaayeen afka Talyaaniga iyo Carabiga. Midka hore, bulshada dhexdeeda kuma heysan shacbiyad xoog leh. Laakiin maamulkii Talyaaniga oo dalka u talinayay ayuu garab adag ka heystey. Midka danbe oo ah afka Carabiga, wuxuu taageero xoog leh ka heystey wadaaddada. Af-carabiga oo laga dhaqan-geliyaa dalka, waxaa loo arkey in ay diin tahay, xataa haddii af-soomaaliga uu meesha ka baxayo. Haddaan sidaa la yeelin oo far kale iyo af kale la qaato waxay u arkayeen diintii oo laga fogaadey.

Dhallanyaradii Goosanka, iyagu waxay isu arkayeen kuwo xambaarey xilka lagu difaacayay af-soomaaliga iyo far-soomaaliga. Waxay dusha saarteen xil ummadeed, xilli af-soomaaliga iyo dhigaalkiisuba weerar lagu ahaa. Wacyi aragtidaas leh bulshada dhexdeeda waa uu ka maqnaa. Howshaas ay isu taageen waxaa odey ugu ahaa Yaasiin Cismaan oo isagu calanka u sidey risaaladda lagu hirgelinayey af-soomaaliga iyo fartiisa. Xilliyadii kala duwanaa ee la soo maray, Yaasiin iyo saaxiibadiis isku si ayay u difaaci jireen aragtidooda dhaqameed. Haddey ahaan lahayd bilowgii 50-aadkii ee uu maamulkii Talyaaniga is-ballaarinayay iyo hadday ahaan lahayd doorashadii 1956-kii wixii ka dambeyay oo dowladda daakhiliga ah la haystey.

Xilligaas, bulshada Soomaaliyeed xooggeedu wuxuu ahaa reer miyi  xoolo-raacato ah. Magaalooyinkuna tiro ahaan iyo tayo ahaan waa ay yaraayeen. Degmada keliya ee sida xooggan looga dareemayay wacyiga dhigaalka, waxay ahayd magaalo-madaxda Xamar. Islamarkaa waxay ahayd xilli ay hooseyso baraarugga siyaasadeed iyo aqoonta bulshadii ku dhaqneyd Xamar. Sidaa darteed, dadkii la socdey doodaha, intooda badan awood uma laheyn in ay  kala soocaan dhanka haboon ee saldhigga u noqon kara jiritaankooda iyo is-haysashada bulshadooda. Waxaa arintaa dhinac yiil dad tira yar oo ku hardamayay aqoon iyo aragtiyaal ay koox waliba ku qanacsaneyd. Iyagu waa kooxihii horseedayaasha ka ahaa dhaqdhaqaaqii lagu dalbayay dhigaalka af-soomaaliga.

Dhaqdhaqaaqa dhigaalka wuxuu ahaa mid si xooggan looga dareemo magaalada Xamar oo markaas ay ku urursanayeen wax-garadkii Soomaalida. Waxaa jiray maqaallo xiiso lahaa oo ay Soomaalidu ku dhiibanayeen aragtiyaalka kala duwan ee la xiriirey af-soomaaliga iyo dhigaalkiisa. Maqaalaadkaas oo ahaa kuwo is-hardinayay ayaa waxaa si wanaagsan uga dhex-muuqday dhallintii isku bahaysatay Goosanka. Iyagu mar-walba waxay ahaayeen kuwo qadiyaddoodu u caddahay oo waa ay ka dood kululaayeen kooxaha kale. Wargeyska Corriere della Somalia wuxuu ahaa midka ugu cod dheeraa wargeysyadii Xamar. Wuxuu ku soo bixi jiray afka Talyaaniga. Halkaas ayaa dhallinyaradu ay ku soo bandhigi jireen dhaqdhaqaaqoodii aragtiyeed ee la xiriiray hir-gelinta afka hooyo iyo dejinta alif-ba'da dhigaalkiisa.

Markay taariikhdu ahayd 8/ 5- 1950-kii, wargeyskii waxaa maqaal ku soo qorey Xasan Cali Mire oo isagu kamid ahaa dhallinyaradii Goosanka. Isagu wuxuu aad u fogeeyey dadka qaba in af-soomaaligu uu yahay mid aanan la socon karin waayaha cusub. Islamarkaa wuxuu bidhaamiyay in ay tahay arun siyaasad ka danbeyso aragtida caynkaas ah. Xasan Cali Mire wuxuu maqaalkaas ku yiri:

" Waa arin aad iila khaldan cadaadiska siyaasadeed ee la xiriira in afkayagu uusan ahayn mid aqbali kara ku wada-hadalka casrigan cusub ".  (Politics, Language and Thought, David D. Laitin, 1977, p 99. Waxaa laga soo xigtey Corriere della Somalia. Mugadishow. 8/ 5- 1950-kii).

Majirin meel ama fagaare ay tiigsan kareen dhallinyaradii Goosanka ahaa, oo ayan ku difaacin af-soomaaliga iyo dhigaalkiisa. Xilligaas, iyagu waxay ahaayeen ragga hormoodka ka ahaa dugsiyadii ay Leegadu u furtay dad-waynaha si wax loo baro. Manhajka waxbarasho oo ay ku socdeen, waxaa ku xoogganaa waxyaabaha ay Soomaalidu gaarka u leeyihiin oo uu kamid yahay afka, dhaqanka, taariikhda iyo dhigaalka. Waxay dadka bari jireen in arimahaasi ay saldhig u yihiin ummadnimada dadka Soomaaliyeed iyo is-heysadkooda.   

Yaasiin Cismaan oo kamid ahaa raggii difaacayay afka hooyo iyo dhigaalkiisa ayaa isna wuxuu soo bandhigi jiray aragtiyaal suuban oo uu ku difaacayay sf-soomaaliga iyo fartiisa. Guud ahaan dhallinyaradii Goosanka waxay u muuqdeen kuwo ka garaad sareeya ragga ay aragtida isaga soo hor-jeedeen. Qoraallada ay soo gudbin jireen dhallinyaradii Goosanka ahaa waxaa ka muuqdey in ay ahaayeen kuwo caadifadda ka fog. Qoraalladaasi waxay ku soo bixi jireen af-talyaani. Yaasiin Cismaan oo isagu ahaa ninka ka danbeeyay abaabulka dhallinyaradii Goosanka, kama uusan qadin qoraalladii lagu soo bandhigayay aragtiyaalka dhigaalka. Bal wuxuu ku lahaa nasiibka ugu waynaa oo lagu difaacayay af-soomaaliga iyo fartiisa. Yaasiin wuxuu markaas heley fursad wanaagsan oo uu ku gudbiyo aragtidii Goosanka. Wuxuu bulshada u sheegi jiray xaalufinta lagu hayo afka hooyo iyo dhaqanka ay Soomaalidu la gaarka yihiin.

7/ 3-1952-kii, waxaa jiray maqaal si qurxoon loo diyaariyey oo Yaasiin uu ku qorey wargeyska Corriere della Somalia. Wargeyskaasi wuxuu ahaa midka ugu ballaaran uguna da'da waynaa wargeysyadii Xamar ka soo bixi jiray. Yaasiin, maqaalkiisaas wuxuu cinwaan uga dhigey " La nostra lingua modre ". Wuxuu maqaalka ku caddeeyey in Soomaalidu ay ummadaha kale kaga duwan tahay iyaga oo ku hadla af mid ah. Wuxuu is-barbar dhigey afafka Ingiriiska, Talyaaniga iyo Faransiiska si uu u muujiyo in lahjadaha af-soomaaligu ay yihiin af mid ah ee aanan weli kala farcamin. Afafkaas uu xusey ee dhamaantood ka soo jeeda afka Laatiinka ayuu Yaasiin ku sheegay kuwo kala kacay oo mid waliba uu maanta yahay af gaar ah.

Tusaale kale wuxuu u soo qaatey waddamo Islaam ah sida Baakistaan, Iiraan iyo Indooniisiya, isaga oo muujinaya in umaddu ay afkooda ilaashan karaan iyaga oo islamarkaa baranaya afkii diintooda (waa carabiga). Arintaas wuxuu dad-waynaha ugu muujinayay in ay kala saaraan afka diinta islaamka oo ah carabiga iyo baahida afkooda hooyo uu u qabo dhigaal lagu ilaaliyo. Wuxuu maqaalkiisii ku soo gabagabeeyey, tusaaleyn uu ku sheegey, caruurta oo yaraantooda la baraa af-qalaad in ay la macna tahay, iyada oo la siiyay wax qiimihiisu liito, markii loo eego barashada taariikhdooda, halyeyadii dalkooda u kacay iyo barashada afkooda hooya. Wuxuu tilmaamey in Soomaalida yaraantooda la baro afka talyaaniga, in ay afka hooyo u arkaan af ay ku hadlaan : " Dad aanan wanaagsaneyn oo ka aradan xagga anshaxa ". Kuwa yaraantooda la baro carabiga, iyaguna waxay u arkaan af-soomaaliga in uu yahay af ay leeyihiin " Dad diinta ka dheer ee xagga Eebe dembiilayaal ka ah ". Kuwa Ingiriisiga bartaana waxay Soomaalida u arkaan " Dad sabool ah ee hooseeya ".  (Ibid. p 100).

Yaasiin waa curadkii Cismaan Yuusuf ee ahaa mu'allifkii alif-ba'da Cismaaniyadda. Wuxuu ku dhashey degmada Hobyo 1919-kii, xilli uu awoowihiis degaanka ka ahaa suldaan. Wuxuu halkaas ku bartey dhaqanka Soomaalida iyo quraanka. Xamar wuxuu u soo wareegey isaga oo 15 jir ah. Wuxuu halkaas ka dhigtey dugsiyo uu ku bartey afka Carabiga iyo Talyaaniga. Xilligii uu Ingiriisku la wareegey maamulkii gobollada koonfuree (1941 - 1950), Yaasiin wuxuu si wanaagsan u bartey afka Ingiriiska. Waana xilligaas marka uu Yaasiin bilaabey in uu calanka u qaado difaaca af-soomaaliga iyo far-soomaaliga. Tan iyo geeridiisii, Yaasiin wuxuu ku howlanaa af-soomaaliga, xeerarkiisa, qoraalkiisa, naxwihiisa, kobcintiisa iyo habeyntiisa iyo ururinta ereyadiisa. Jeneraal Maxamad Cali Sharmaan oo ka waramaya arintaas ayaa wuxuu yiri:

" Qof Soomaali ah oo hal shey daba-gala, oo cimrigiisa ku dhameysta, waxaa ka jira Yaasiin Cismaan. Isaguna wuxuu umadda Soomaaliyeed uga tegey wax dhaxal-gal ah oo la xiriira afkooda hooyo. Kaasi waa kitaabkiisa ah  Qaamuuska Afg-soomaaliga ".  (Wareysi aanu la yeelanay Jeneraal Maxamad Cali Sharmaan. ............... Qaahira - Masar).

Yaasiin iyo saaxiibadiis, xilliga ay isku bahaysteen halganka caynkaas ah waxay ahayd bilowgii sanadihii 1950-aadkii. Waxay ahayd xilli Soomaaliya loo diyaarinayay is-maamul iyo  madax-bannaani. Talyaaniga oo gacanta ku hayay dalka ayaa wuxuu watay barnaamijyo uu doonayay in uu mustaqbalka kaga daneysto degaanka. Waxaa kamid ahaa barnaamijyo xagga dhaqanka ah. Taasina waxay raad ku yeelanaysay afka iyo dhigaalka. Sidaa darteed dhallinyaradii Goosanka waxay si xooggan isu hor-taageen barnaamijkii dhaqanka ee maamulkii gumeysigu ka lahaa Soomaaliya. Dareenka ceynkan ah waxay heleen xilli uu af-soomaaligu u baahnaa in laga yureeyo afaf ay leeyihiin dad shisheye ah oo horor ku ahaa. Afafkaasi waxay ahayeen kuwo u sharaxan in ay weydaartaan af-soomaaliga oo meeshiisii ay iyagu xigsadaan.

Markii xisbigii SYL uu ku guuleystey xagga siyaasadda, Leegadu waxay noqtey ururka keliya ee murashaxa u ah in uu mustaqbalka la wareego talada dalka. Waxaa kale oo xubnihii Leegada ay ku guuleysteen in ay buuxiyaan dhamaan kursiyadii ay fariisteen kawaadirtii loo tababarayey in madax-bannaanida dabadeed ay la wareegaan maamulka dalka. Arintaasi waxay qeyb ka qaadatey, aftidii loo qaadey golihii sharci dejinta. Aftidaasi waxay dhacday 4/ 3- 1956-kii. Ururkii Leegada wuxuu markaas ku guuleystey 43 xubnood oo kamid ahaa 60-ka xubnood oo ay Soomaalidu lahayd. Tirada guud ee golahan ayaa wuxuu ahaa 70 xubnood (60 Soomaali, 4 Talyaani, 4 Carab, 1 Hindi, 1 Bakistaan). Waxaa xusid mudan in xilligaas ay jireen jaaliyado ahaa Carab, Hindi iyo Baakistaan, kuwaas oo xooggoodu ay ku noolaayeen degmada Xamar.

Xubnaha golahan waxay ku yimaadeen doorashooyin dalka ka dhacay oo heer degmo ahaa. Inkasta oo Leegadu ay guuleysatey, misana doorashadu si caddaalad ah uma dhicin oo maamulkii Talyaaniga ayaa kala dirirayey xubnaha Leegada in ayan ku badan golaha cusub oo loo tartamayey. Dadaalkii uu maamulkii Talyaanigu u galay arintaas ayaa natiijadeedii waxay noqotay sidaas aanu soo xusnay. Waayo xilli waxay ahayd Soomaalidu ay urursanaayeen oo nin daneyste ah uusan fursad ku lahayn barnaamijyada siyaasadeed oo loogu adeehayo aayaha ummadeed.


Qore; Dr. Saadiq Enow


dr_saadiq@hotmail.com 



Afkeena iyo Fartiisa - Casharkii XVIII-aad 

Saaxiibkaa u dir

Sep 09 Inta badan wadamada Islaamka oo isku raacay inay beri oo Jimce ah tahay maalin ciid
Sep 03 Who Are the Real Pirates in Somalia?
Aug 30 War Saxaafadeed: Madaxweynaha Soomaaliya Ayaa Dalbaday Taageero Caalami Ah Oo Deg-deg ah
Aug 27 Somalia: Weekly humanitrian report
Aug 26 Warbixin gaaban: Kuxigeenka Duqa magaalada Gaalkacyo C/laahi Axmed Ibraahim (Macruuf) oo lagu eedeeyay inay adeeg sanayaan kooxo doonaya inay qalqal galiyaan maamulka cusub ee degmada Gaalkacyo



Afkeena iyo Fartiisa W/Q: Dr. Saadiq Enow

 

»ASAASKII XISBIGII LEEGADA (SYL)
Dood ay diyaarisay idaacada VOA oo ay ka qayb-galayaan Wasiirka Arimaha dibada ee dowlada KMG ah iyo Laba suxufi oo kala ah Bishiir cumar Good iyo Faysal C/kariim Gabanow 
DAGAALKA DAHSOON EE SOOMAALIYA W/Q:Dr. Saadiq Enow 
AWOODDII LIIDATAY
W/Q: Dr. Saadiq Enow
AQALKII LIITEY
W/Q: Dr. Saadiq Enow
SUUBBANEHEENNII MAXAMED IYO SAGAALKIISII XAAS!! W/Q:Sabriye Macallin Muuse
Dagaalkii Ogaadeenya W/Q: Dr. Saadiq Enow
GOORTII DHULKAYAGII LA QEYBSADAY!
W/Q: Dr. Saadiq Enow
XAFLAD LAGU TAAGEERAYO DAWLADDA SOOMAALIYA OO KA DHACDAY OTTAWA
Sheeko Jacayl ah Nabar aan Dawoobeyn
W.Q. Cabdulqaadir M. Wacays
XAALADDA DHAQAALE EE SOOMAALIDA OTTAWA W/Q: Mohamed Dalmar
Warbixinaha iyo Macluumaadka Puntland:
Warbixin: Puntland, shacab baarri ah iyo maamul hanan waayey! W/Q: Abdulkadir Ali Salad
Warbixin Sawiro wadata: Madaxweynaha Puntland oo warbixin dheer siiyey shacabka Bosaso dhinacyadiisa kala duwan ka dib safarkiisa u ku tagay wadamo dhawr ah

Warbixin Sawirowatada: Wasaaradda Hormarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska, Wasaarad ku dayasho mudan

Warbixin Sawiro watada: Rug-Doorsiga Jaamacadda Dowlad Goboleedka Puntland (PSU)
Shirkii Jaamacada PSU ee magaalada Minneapolis June 8, 2008.
 
Webmaster@mudugonline.com -   ©2005 Mudug Online   ®All rights reserved.