G/ Dh. Mengistu Xayle Mariam, wuxuu ku soo degay aqal ku dhex-yaal beer weyn oo uu leeyahay nin Soomaali ah. Beertu waxay ku tiil meel ka baxsan degmada Xaadow oo 20 km. u jirta afka waddada Kaaraa-mardha. Aqalkaas oo ahaa mdika ugu qurxoon degaanka ayaa waxaa lahaa odey la yiraahdo Xaaji Cali Tima-case. Soomaalidu waa ay ka war heleen markiiba in Mengistu uu soo gaaray aaggii dagaalku ka socday. Waxay u diyaariyeen unugyo naftooda hurayaal ah. Waxay ahaayeen saddex 50-aad oo loogu tala-galay in ay ama dilaan ama eryaan, si markaas eeyan wax iska beddelin hoos u-dhaca niyadda ciidankiisa.
Hoggaamiyaha Itoobiya, markii uu laayay askartii uu ku tilmaamay fulaynimada iyo kacaan-diidnimada, wuxuu guda galay in uu dib u habeeyo ciidankii iyo hoggaamadoodii. Dabadeed khudbad dhiiri-gelin ah ayuu ciidan kulan ah u akhriyay. 4/ 9- 1977-kii, isaga oo gadaal ka taagan, ayaa ciidamadii Itoobiya waxay weerar ballaaran ku soo qaadeen magaaladii Jig-jiga iyo agagaarkeedii. Iyaga oo saf ballaaran ku socda ayay laba aag ka soo weerareen fariisimihii ay ciidanka Soomaalida ka difaac-galeen. Waxaa weheliyay qalab dagaal oo isugu jiray taangiyo iyo gawaari-gaashaaman. Labada aag waxay kala ahaayeen dhanka galbeed iyo dhanka waqooyi. Weerarkaasi wuxuu ahaa mid xooggan oo Soomaalidii lagaga guuleystay.
Waxaa jira ooraah Soomaaliyeed oo oranaysa : Hadduu Guuguule dhawaaqo, wuxuu u bishaareeyaa Itoobiyaanka, markiise uu Ciyow mashxaradu wuxuu u bishaareeyaa Soomaalida. Muddadii uu dagaalka Jig-jiga socday waxaa jirey laba maalin oo ka dhigan in maalinna uu Guuguule dhawaaqay, maalinna uu Ciyow mashxaraday. Weerarkaa dhacay maalinta uu Mengistu ku sugnaa aagga, wuxuu ahaa mid Guuguulihii uu dhawaaqay. Ciyowgu wuxuu mashxaraday maalinta magaalada si buuxda loo xoreynayo. Waxay ahayd 12/ 9- 1977-kii.
Dagaalka maalintaas dhacay, ciidamadii Itoobiya waxaa ay la hoyden guul aanan caadi ahayn. Dhaawac xooggan ayaa la gaarsiiyay ciidamadii Soomaaliyeed. Taangiyo badan iyo gawaari-gaashaaman ayaa labada dhinac ka gubtay. Inkasta oo Mengistu uu dib ugu laabtay Addis-ababa, xilli ay labada ciidan isku hilboobeen, misana 5/ 9- 1977-kii, magaaladii waxay ku dhacday gacanta ciidankii Itoobiya. Ciidankii madaafiicda goobta ee Soomaalida, nafis ma eeyan siin cadowgii. Gabbalka markuu dhacay, waxay dab-xireen magaaladii Jig-jiga iyo ciidankii soo galay. Habeenkaas oo dhan ayay hurinayeen goobaha ay ku maleynayeen cadowga. Ciidankii Itoobiya oo nasasho loo diiday ayaa markuu waagu baryay waxay mar kale weerar ku soo qaadeen fariisimihii ciidamada Soomaalida. (The Ethiopia-Somali War of 1977, Revisted. The International Journal of Afrcan Historical Studys. Gebru Tareke. Vol. 33. No. 3. 2000. p. 648).
Isla-maalintaas dib loo celinayo ciidamada Soomaalida, waxaa jirey ciidan xooggan oo Jig-jiga uga soo gurmanayay dhanka Harar. Ciidan kamid ah guutadii Axmad Gurey oo ka howl-galay degmada Xaadow ayaa dhexda u fariistay oo halkaa ku gumaaday. (Waxaan ka soo xiganay wargeyska Xiddigta Oktoobet. Tirsigiisii soo baxay 6/ 9- 1977-kii. Muqdishow - Soomaaliya).
Ciidamada Soomaalida ee ku sugnaa aagga Jig-jiga, waxaa xilligaas la socday saraakiishii XDS kuwoodii ugu tayada roonaa. Marka laga yimaado saraakiishii sare ee ku shahiiday dagaalladii hore iyo kuwa kale ee ka dagaalamayay Baali iyo Siidaamo, waxaa la oran karaa, nin hebel la yiraahdo oo aaggaa ka maqnaa ma jirin. Kasokow hoggaamadii ururada iyo guutooyinkii aagga, saraakiisha sare oo halkaas ku sugnaa waxaa kamid ahaa Jeneraal Cumar Xaaji Masalle, Jeneraal Maxamuud Yuusuf Geelle, G/ S. Maxamad Shiikh Cismaan (Cirro), G/ S. Maxamad Xaashi Gaani, G/ S. Maxamad Cumar Jees, G/ S. Maxamad Nuur Galaal, G/ S. ………… Saraakiisha halkaa isugu tegay waxaa weheliyay in la soo buuxshay dhinaanshihii ku yimid ururadii iyo guutooyinkii ciidanka. Taasi waxay sababtay in goobtaasi uu ka dhaco dagaal kharaar oo aanan horey u dhex marin labada ciidan. Marka dhinac laga eego dagaalka Jig-jiga, ugub ayuu ku ahaa taariikhda dagaallada qaaradda Afrika. Mengistu Xayle Mariam oo dagaalkaas uga waramaya danjirihii Ruushka, wuxuu yiri :
" Dagaalka ka dhacay Jig-jiga dibaddeeda, wuxuu ahaa midka ugu xoog weynaa oo taangiyo lagu diriro ee qaaradda Afrika soo mara. Dhanka Soomaalida waxaa ka qeyb qaatay afar guuto oo qalabkoodu u dhan yahay (5-aad, 8-aad, 9-aad iyo 10-aad). Weerarkii Soomaalida ay ku soo qaadeen Jig-jiga dabadeed, waxay galeen difaac. Ciidankii Itoobiya ayaa markaa waxay ku qaadeen dagaal rogaal-celis ah. Waxay markaas si buuxda u bur-buriyeen hal urur oo taangiyo ah. …………………… Waa suuragal dagaalka lagu soo qaaday Jig-jiga, in uu yahay mid lagu doonayo in Siyaad Bare uu ku helo fariisi meel adag, marka laysugu yimaado wada-hadalka ". (Secret Copy No. 2. From the diary of Ratanov. A.P. Memorandum of Conversation between Soviet Ambassador to Ethiopia Ratanov and Mengistu. 5/ 9- 1977).
Ciidankii Itoobiya oo weerarka soo qaaday, kuma eeyan guuleysan markaan in ay fogeeyaan ciidamadii Soomaaliyeed. Jilibka ayaa loo dhigay, bal dib ayaa loo celiyay oo waxaa lagu go'doonshay degmadii iyo goobihii kale oo ay ku sugnaayeen. Iyada oo maantaas uu socdo dagaal kharaar ayuu Mengistu dib uga laabtay goobtii dagaalka. Wuxuu la hoyday guul maalin ah. Tuulada Xaadow oo buurta shishadeeda ah ayuu ku sii nastay. Dabadeed wuxuu ka qaatay dayuurad ah kuwa qumaatiga u kaca. Markay taariikhdu ahayd 7/ 9- 1977-kii, ayuu Addis-ababa gaaray. Isagu wuxuu markaas uga yimid aaggii dagaalka ciidan dayacan oo uusan u hayn wax dhaafsiisan hadal. Dayaca iyo fur-furashada haysatay ciidamada Itoobiya waxaa u saldhig ahayd niyadda dhacsan oo ay la dhex yuurureen godadkii dhufeesyada u ahaa. Waxaa ka soo horjeeday guuleystayaashii Soomaaliyeed oo ay ka go'an tahay hanashada degmada, kuwaas oo niyadda ay dagaalka u hayeen ay mar walba sii kordhaysay. Gebru Tareke oo wax ka tilmaamaya xaaladdaas wuxuu yiri :
" Ciidankii uu (Mengistu) ka yimid, si bahalnimo ah ayay u dagaalameen. Laakiin muddo gaaban waxaa ku jilciyay madaafiicdii cuslaa ee Soomaalida. Itoobiyaanku markaas ma eeyan haysan dayuurado dusha ka ilaaliya. Sidaas baa xooggoodii markale loo wiiqay ……………….. ". (The Ethiopia-Somali War of 1977, Revisted. The International Journal of Afrcan Historical Studys. Gebru Tareke. Vol. 33. No. 3. 2000. p. 649).
Ayaamihii xigay waxaa dhacay dagaallo goo-goos oo labada ciidan ay qoloba mar weerarka qaadayeen. Waxaa kale oo jirey weerar ay Soomaalidu ku qaadeen fariisimaha gadaale ee laga taakuleeyo ciidamada aagga hore. Waxaa kamid ahaa dagaal ay ku qaadeen degmada Xaadow oo 20 km. u jirta iridda Kaaraa-mardha. Waxaa halkaas lagu burburiyay saldhig uu cadowgu lahaa. Waxaa jirey ciidan ka gurmaday Jig-jiga oo lagu cududeynayay xooggii fadhiyay Xaadow. Ciidamo Soomaaliyeed ayaa dhexda u galay oo ciidankii gurmadka ahaa baabi'iyay. Gaashaanle Tasfay Ababe oo kamid ahaa saraakiishii hoggaaminayay ciidamada fadhiyay Xaadow ayaa maxbuus ahaan loo qabtay. Mar uu ka waramayay jid-gooyada loo galay ciidankaas gurmadka ahaa, wuxuu yiri :
" Ciidamadii ka soo gurmaday Jig-jiga waxay la kulmeen jab iyo halaag, kaddib markii ay ku soo baxeen goob ay degganaayeen ciidamada Jabhadda Gobanimo-doonka Soomaali Galbeed. Firdhadkii ka baxsaday ciidankaas, waxaa si ba'an loogu laayay meel ka baxsan degmada Xaadow ". (Waxaan ka soo xiganay wargeyska Xiddigta Oktoobet. Tirsigiisii soo baxay 13/ 9- 1977-kii. Muqdishow - Soomaaliya).
Weeraradaas googooska ah, Soomaalidu waxay uga gollahaayeen in cadowga ay ku hakinayaan dhufeesyadooda. Islamarkaa ay isu diyaariayaan weerarka kama danbeysta ah oo ay uga tallaabi lahaayeen dhamaan khadadka difaaca ah oo ciidamada Itoobiya ay ku lahaayeen degaanka. Maalintaas ay Soomaalidu si buuxda u hantiyeen degmada Jig-jiga waxay ku beegnayd 12/ 9- 1977-kii. Waxay ahayd maalin kamid ah ayaamaha Eebe oo Ciyowgii uu mashxaraday. Haddii uu Gebru Tareke ku tilmaamay in ayaamahaasi ay ahaayeen maalmihii ugu madoobaa ee soo maray taariikhda ciidamada Itoobiya, dhanka Soomaalidu waxay ka ahaayeen ayaamo ay ku naaloodeen guul macaan oo Soomaali gebigeed ay u mashxaradday. Waa guul sababtay baaba'ii ku yimid maamulkii Itoobiyadii gumeysiga ahayd, taas oo illaa hadda hoobad ku socota.
Guushaasi ay Soomaalidu heleen maahayn mid ku timid si sahlan. Culeysyo badan oo caqabad ku ahaa hor u socodka ciidamada Soomaalida ayay jiireen. Waxaa kamid ahaa qaab-difaaca ay u fadhiyeen ciidanka Itoobiya iyo qaab-dhismeedka dhulka. Tirada iyo tayada ay ku joogeen ciidamada cadowga. Cimilada oo ahayd qabow iyo kuleyl daran. Aqoon-darradii ay kaga sugnaayeen dhulka. Laakiin waxaas oo dhan waxaa jebiyay guuleystayaal u kacay qadiyad buuxisay qalbiga umaddooda, taas oo ay ku xambaareen niyad bir ah, iyaga oo huwan geesinimadii aanu hiddaha u lahayn.
Aagaggii maantaas uu dagaalku ka dhacay, ciidamadii iska soo hor-jeeday, qaar baa gacanta isla gaaray oo gol-xob isku bir-dhiigeeyay. Qaybo kale magaalada gudaheedii ayay isla galeen oo aqalladii ayay isugu dhaceen. Ciidamadii taangiyada ee Soomaalida, saraakiisha la xuso oo dagaalka Jig-jiga lagu amaanaano waxaa kamid ahaa Gaashaanle Maxamad Maxamuud Dhoollawaa (Catiir). Isagu wuxuu hoggaaminayay urur taangiyo ah. Sheekada sarkaalkan waxaa ka waramay Daahir Aadan In-dhaqarsho, oo isagu kamid ahaa raggii billad-sharafta 1-aad ku heley dagaalka. Daahir oo si gaar ah inooga codsaday inaan qoraalka ku xusno sarkaalkan ayaa wuxuu yiri :
" Waxaan qirayaa billadda aan dagaalka ku qaatay, in Catiir uu igaga xaq leeyahay. Wuxuu ahaa nin iga askarisan, iga geesisan xataa lahaa hal-abuur ciidameed iyo talo wanaagsan. Maadaama uu ahaa nin kacaan-diid ah, ururkii uu la socday waxaa oday looga dhigay sarkaal ay isku darajo yihiin oo aanan lahayn takhasus taangi, isla markaana uu isagu kaga horeeyay ciidanka. Xataa dagaalka gudihiisii ayaa lagu dulmiyay, ugu danbeyntiina wuxuu kamid noqday saraakiishii aabiga loogu toogtay magaalada Hargeysa ". (Waxaanu ka soo xiganay wareysi aanu la yeelanay G/ S. Daahir Aadan Indha-qarsho.9/ 5- 2004. Minneapolis - USA.).
G/ S. Daahir Aadan wuxuu ka waramay dhowr jeer oo saraakiishu ay fariisteen si looga wada hadlo qorshaha weerarka, markaas oo la qaatay talo uu lahaa Gaashaanle Maxamad M. Dhoollawaa. Isaga oo xusaya geesinimadii sarkaalkan wuxuu yiri :
" Maadaama uu Catiir ku magacawnaa taliye xigeen urur, waxaa uu heli jirey wakhti firaaqo ah oo uusan taliyuhu lahayn. Wakhtigaas firaaqada ah ayuu wuxuu isku xil saari jirey in uu u baxo sahmin khatar ah oo aanan cidna u dirsan. Markaasuu ururada madaafiicda iyo kuwa ciidanka cagta uga war-bixin jirey qaababka ay cadowga u fadhiyaan. Maalin buu ii yimid. Isaga oo ila jooga ayaa waxaan damcay inaan askar sahan ah dirsado. Markaasuu igu yiri, ka jooji askartan sahanka, anigaa kaaga waramaya qaabka ay u fadhiyaan ciidanka hortaada ah. Si tifaf-tiran ayuu iiga waramay qaabka ay u fadhiyaan cadowga. Markaan ka waraysaty sida uu ku ogaaday, wuxuu ii sheegay in shalay galab oo dhan uu sahan ahaa. Waan ku qeyliyay aniga oo leh, maxaad ka doontay halkaas. Waayo ceeb ayay nagu tahay in sarkaal sare uu gacanta u galo cadowga. Wuxuu iigu jawaabay : War sow ma ogid in ay dhici karto, askariga aad diraysid in uu cabsado oo meel dhexe ka soo laabto, markaasna uu kuu keeno war khalad ah " (Waxaanu ka soo xiganay wareysi aanu la yeelanay G/ S. Daahir Aadan Indha-qarsho.9/ 5- 2004. Minneapolis - USA.).
Guuleystayaasha xusidda mudan waxaa kaloo kamid ah Gaashaanle Maxamad Cabdulle Barrow. Waxaa dhalay Jeneraal Cabdulle Barow oo isagu ahaa saraakiisha ugu da'da iyo darajada weynaa ciidamada XDS. Gaashaanle Maxamad Cabdulle iyo urur madaafiicda goobta ah oo uu hoggaaminayay, waxay ku baabe'een dagaal dhacay galab la jebiyay ciidamadii Soomaalida. Hal askari kama baxsan ciidankiisii. Isagiina taangi ayaa jirkiisii jarjaray. Sarkaal uu Jeneraal Salxaan ka waramay baa jira oo la yiraahdo Gaashaanle Muuse Joqraafi. Isagu wuxuu hoggaaminayay urur taangiyo ah, kuwaas oo ku baaba'ay dagaalkii Jig-jiga. Marka Jig-jiga la qabtay, waxaa ururkiisii uga soo haray laba taangi oo dhuun go'an. Saraakiisha ku shahiiday dagaalka Jig-jiga waxaa kamid ahaa Dhamme Muxiyadiin Shire, oo intaanan dagaalka loo dirin macallin ka ahaa Jaamacadda Umadda, qybta dhaqaalaha. Aqoontiisii hore ayaa waxay ahayd, sarkaal madaafiicda goobta. Markii uu dagaalku yareeyay tiradii ciidanka tayada leh, ayaa forontaha looga boohday saraakiil aqoon leh oo wax ka hoggaamiya ciidanka. Allaha u naxariistee, wuxuu ahaa shakhsiyad tayo wanaagsan leh.
Gaashaanle Maxamad Cabdi Cismaan (Gacma-dheere), ayaa isna kamid ahaa ragga magacyadooda la xuso marka laga sheekeynayo dagaalkii Jig-jiga. Sarkaalkan wuxuu kamid ahaa ciidankii ka dagaalamay Dirir-dhabe. Isaga oo ka xun habkii loo maareeyay weerarkaas ayaa la amray in uu ciidankiisa u kaxeeyo dhanka Jig-jiga. Markuu goobtii gaaray, nac uu u qaaday saraakiishii ka sareeyay darteed ayuusan isu xaadirin. Bal dagaalkii ayuu dhankiisa ka galay. Sidii ay ula muuqatay in uu u dagaalamo ayuu ku howl-galay. Jeneraal Yuusuf Axmad Salxaan oo ahaa taliyaha ciidanka ayaa maqlay imaatinka sarkaalkan iyo ciidankiisa. Markaasuu soo aaday goobtii uu Gacma-dheere ka dirirayay. Jeneraal Salxaan oo ka waramaya dhacdadan wuxuu yiri :
" Gacma-dheere, isaga oo saddex cisho ka dagaalamayay aagga Jig-jiga ayuusan ii iman. Markaasaan goostay in aan aniga soo raadiyo. Goor habeen ah ayaan u imid. Meel dab yar ka shidan yahay oo ay cambuulo ku karsanayeen isaga iyo koox ciidankiisii ah ayaan ugu imid. Waxaan iri : Meeyay sarkaalkii hoggaaminayay ciidankan ?
Gacma-dheere intuu soo istaagay ayuu yiri : waa ikan.
Jeneraal Salxaan : Maxay ku dhacday in aad saddex maalmood ka dagaalanto Jig-jiga, adiga oo aanan marna ila soo xiriirin ?
Gacma-dheere oo caraysan baa markaas ugu jawaabay : war orord oo na dhaaf.
Jeneraal Axmad Yuusuf Salxaan oo xaaladdaas ka war bixinaya baa wuxuu yiri :
" Xilli dagaal socdo, oo la taagan yahay forontigii, isaga oo saddex cisho aanan isa soo xaadirin iyo hadalkaa gafka ah oo uu yiri darteed baa waxaan ku dacweeyay Maxamad Cali Samantar oo aan u wada tagnay. Samantar wuxuu iigu jawaabay in uu si ogaal ah uu ugu soo beddelay sarkaalkan ciidankayga. Wuxuu ii raaciyay hadalkii, in uu horteyda ku siiyay darajada G/ Dh., islamarkaana uu u dhiibayo guuto ciidan ah. Wuxuu kaloo hadalii ii raaciyay oo igu yiri :
Gacma-dheere wuxuu ku tarayaa wax uusan nin sarkaal ah ku tarin. Haddana heshiiya oo gacmaha is-qabsada. Sidii baanu yeelnay oo dagaalkii goob baanu ka wada galnay ". (Waxaanu ka soo xiganay wareysi aanu la yeelanay Jeneraal Yuusuf Axmad Salxaan. 20/ 4- 2004. Filadelfia - USA).
Jeneraal Yuusuf Axmad Salxaan ayaa caadifad iyo calool-xumi, xasuus ku soo maaxatay darted, oohin is celin waayay markuu ka waramayay, Allaha u naxariistee, Gaashaanle Cismaan Cabdi Cismaan. Jananka wuxuu ka sheekeeyay goob kamid ah meelihii ay ka wada dagaalameen Gacama-dheere. Taasi waxay ahayd subax uu jananku damcay in uu ciidanka weerar geliyo. Markaasuu qaar kamid ah saraakiishii inta kaxaystay, wuxuu u baxay in uu soo indha-indheeyo qaabka cadowga u fadhiyo. Saraakiisha uu sii kaxaystay waxaa kamid ahaa Gaashaanle Cismaan Cabdi.
"Meel u dhow meesha aanu sahmineyno, waxaa fadhiday guuto gawaari gaashaaman oo aynaan ka war-qabin. Ciidankii cagta eeSoomaalida waa ay soo baxeen. Waxaa gadaal ku haray horimo madaafiic ah oo loogu tala-galay in loo adeegsado dabka tiirada tooska ah. Qaar kamid ah saraakiishii ciidanka ayaan horey u soo watay, si aan u tusiya qaabka ay u weerartamayaan. Intaanu soo soconay ayaa madaafiicdii bilaabataya. …………………… .Waxaan ku soo toosnay meel taag ah. Markii aanu dusha ka fuulnay, waxaa dhankii kale ee buurta nagaga soo baxay ciidankii Itoobiya oo saf-ballaaran ku socda. Waxay wateen gawaari-gaashaaman iyo gawaaridii jiibta ahaa oo Soomaalidu ay u bixiyeen waaqle. Dab xooggan ayay ridayeen, sidaa darteed gadaal ayaanu uga soo sikanay. Markiiba, iyada oo saraakiishii kale eeyan hadlin, ayuu Gacma-dheere wuxuu igu yiri : Taliye halkiina igu suga. Markaas buu si deg-deg ah oo runtii iga yaabisay ayuu ku gaaray ciidankiisii. Islamarkiina dhanka bidix ayuu ka soo dagaal geliyay.Ficlan mucjiso ayay igu noqotay deg-degta uu ninkaasi ku soo dagaal galay. Hadduusan maantaas hakiyeen cadowga waa ay na gumaadi lahaayeen ". (Waxaanu ka soo xiganay wareysi aanu la yeelanay Jeneraal Yuusuf Axmad Salxaan. 20/ 4- 2004. Filadelfia - USA).
Nacabkii haleeyaa intuu heeray boqonteeda
Wuxuu hoyiyay jaabadii kol hore laga hayaan guuray
Wuxuu hariyay hoosas uu kudkude diiran hilibkeeda
Intuu lugaha heel kaga xiruu xarig ku heenfeeyay
Hororkiyo waraabaha dib jira yuu u hadiyeeyay
Iyadoo haraadkii qabtuu howd isaga daayay
Markaasaa hareeraha gendigu haarufku u yeelay
Haddaba sow halyeeyada u kacay inay hantaan maaha
Iyagay heshiis iyo ku tahay hanad maqaarkeede
Sow inuu horseedaha ilamaha Howd u dhigo maaha
Hatacsiga intuu geed qabow halab ku soo luuso
Harowgiyo habaaskii candhada Haybe kaga duulay
Sow inuu hargaantida gacmaha kaga hufaa maaha
Sow inuu horaaddada gujada kaga hulaa maaha
Hannaankiyo hor-joogsiga horey horin ku deeqdaaye
Habka godolka goortay indhaha hoos u libiqsiiso
Sow inuu haruubkuu u culay ku hurgufaa maaha
Sow inuu hambaysiga ilmaha ka hirqadaa maaha
Sow inuu caruurtii haq tiri hab u dhigaa maaha
Sow inaan haleelada irmaan habacsanaa maaha
Sow inay hor-weynkeeda kale la hoyataa maaha
Wixii horora sow inuu hub wacan ku hakiyaa maaha
Sow inuu habeen iyo dharaar hoy ka dhaha maaha
Sow inuu had iyo goor niyada ku hayo taa maaha (Firin)
Saadiq Enow
Dagaalkii Ogaadeenya - Casharkii XXXXIII-aad